HomeDowladda Norway oo Dib u Cosboonaysiisay Taageerada ay siiso Somaliland iyo Xukuumadda...

Dowladda Norway oo Dib u Cosboonaysiisay Taageerada ay siiso Somaliland iyo Xukuumadda oo ka hadashay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Oslo (SLpost)- Kulan Saddex-geesood ah, ayaa Magaalada Oslo ee Caasimadda Dalka Norway ku dhex maray Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Norway, Qurbe-joogta Somaliland ee dalkaa ku nool iyo Safaaradda Somaliland ee dalkaasi ku taalla.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Somaliland Diaspora isla-markaana muhiim u ahaa Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, ayaa waxa furitaankiisii hadal dheer ka soo jeediyey Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Ambassador Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan), waxaanu ka warramay Marxaladihii kala gedisnaa ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland.

blankUgu horrayn, Ambassador Liilan wuxuu u Mahad-celiyey ka qayb-galeyaasha kulanka, sida xubnaha Qurbe-joogta iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway, isagoo si gaar ah u xusay u Qaybsanaha Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilka Somaliland wuxuu mid mid isku dul-taagay Marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martaym, isagoo sheegay in Kiiska Madax-banaanida Somaliland, taasi oo 31-kii sanadood ee u dambeeyay ku naaloonaysay Madax-banaani, Dimuqraadiyad iyo Xorriyad.

Safiirku wuxuu sheegay in Muwaadiniinta Somaliland haystaan Xorriyad dhinaca Hadalka ah, Dimuqraadiyad, Amni buuxa iyo iyadoo la dhowro ama la ilaaliyo Xuquuqdooda dhinaca Bani-aadaminimo.

blankAmbassador Liilan, wuxuu sheegay “31-kii Sanadood ee u dambeeyay, Somaliland waxay u shaqaysay si xoog ah, si ay u abuurto Nabadgalyo iyo Bulsho Dimuqraadi ah, Millatari ay leedahay, Maxkamado iyo Maamul Dawladeed, waxayna abuurtay Hay’ado matalaya ama ah kuwii looga baahnaa Dawlad..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu tafaasiil ka bixiyey in Dawladnimada Somaliland u qaabaysan tahay Saddex dhadhaar, kuwaasi oo kala ah ‘Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka’

Sidoo kale, Safiir Liilan wuxuu ka warramay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Norway, waxaanu sheegay inuu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Dawladaha Somaliland iyo Norway, isagoo Dawladda Norway uga Mahad-celiyey Taageerada ay siiso Somaliland “Waa Calaamad wanaagsan in dhawaan uu Hargeysa booqday Ergay ka socday Norway, waanuna ku hambalyeynaynaa inay dib u cusboonaysiiyeen taageeradoodii..” ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan).

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga wada-hadlo doorka Qurbe-joogta ee dedaallada Ictiraaf-raadinta iyo in lagu dhiirigeliyo inay dedaalkooda kordhiyaan.

Ugu dambayn, Ambassador Liilan wuxuu Qurbe-joogta Somaliland u soo jeediyey inay doorkooda sida ugu wanaagsan ugaga qayb-qaataan Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories