HomeDowladda Nigeria oo Mamnuucday Urur-diimeed taabacsan dalka Iiraan iyo qul-qulatooyin ka dhashay

Dowladda Nigeria oo Mamnuucday Urur-diimeed taabacsan dalka Iiraan iyo qul-qulatooyin ka dhashay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Lagos (SLpost)- Dowladda Nigeria ayaa mamnuucday urur diimeed taabacsan Iran kaasoo ay ku eedeysay qalalaaso iyo inuu “cadow ku yahay qaranka.”

Ururka oo lagu magacaabo dhaq-dhaqaaqa Islaamka ee Nigeria (IMN) isla markaana kulmiya Shiicadaha dalkaas, ayaa dhaliilay go’aanka dowladda, waxaana uu ku doodayaa inuu yahay mid nabadeed oo ka dhashay dhibaato ay geysteen laamaha ammaanka ee dalkaasi.

blank

Arintan ayaa dhalisay walaac ah in Nigeria ay kamid noqoto wadamada ay ku hardamayaan firqooyinka Islaamka ee Sunniga iyo Shiicada.

Ururkan oo la sameeyay afartan sano ka hor ayaa u ololeeya in Nigeria laga hirgeliyo dowlad Islaami ah oo u qaab eg tan Iran.

Waxaa dhiirageliyay kacdoonkii Iran ee uu 1979-kii xukunka kula wareegay Ayatullah Khumeyni. Wadaadkaasi ayaa ah hogaamiyahooda ruuxiga ah ee ay baycada la galaan xubnaha IMN, waxaana ku xiga hogaamiyahooda maxalliga ah Sheekh Ibrahim Zakzaky.

Ururka IMN ayaa isu arka dowlad uu hogaamiyaheeda sharciga yahay Sheekh Zakzaky oo dowladda Nigeria u xiran tan iyo 2015.

IMN ma aqoonsana dowladda Nigeria, waxaana hogaankeedu u haystaa inuu yahay mid fasahaad badan oo Alle ka furtay.

Waxa uu xarumo agaasiman ku leeyahay inta badan 36 gobol ee ay Nigeria ka kooban tahay, taasoo siinaysa haykal dowladeed.

Ururka ayaa sidoo kale qaar kamid ah gobollada waqooyi ku leh iskuullo iyo cisbitaallo u gaar ah.

Xubnaha IMN ayaa intooda badan ah dad wax bartay oo jagooyin muhiim ah ka haya milateriga, booliska iyo hay’adda sirdoonka Nigeria.

Tiro ahaan waxaa lagu qiyaasaa inay dhan yihiin 5% ilaa 17% Muslimiinta Nigeria oo la rumaysan yahay inay gaadhayaan boqol milyan oo qof.

 

@ BBC & Wakaaladaha

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories