HomeDowladda Maraykanka oo Si gaar ah ula Macaamilaysa Somaliland iyo Sharci laga...

Dowladda Maraykanka oo Si gaar ah ula Macaamilaysa Somaliland iyo Sharci laga Soo Saaray

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Washington (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha Maraykanka, ayaa maanta soo saaray Xeer ka hadlaya qaabka uu noqonayo Xidhiidh iskaashi oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka.

blankXildhibaan Jim Risch ayaa ah Xubin sare oo ka tirsan guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Odayaasha (Senate), halka Xildhibaan Chris Van Hollen iyo Xildhibaan Mike Round ay kala yihiin Guddoomiyaha iyo Xubin sare oo ka tirsan guddi-hoosaadka Siyaasadda Afrika iyo arrimaha Caafimaadka dunida ee Guddiga Xidhiidhka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Aqalka Senate-ka Maraykanka.

Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Maraykanka ee Golaha Senate-ku maanta soo saaray,  ayaa ku waajibinaya Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay Warbixin ka siiso Aqalka Congress-ka Maraykanka sida uu noqonayo La-macaamilka Somaliland iyo sidii Daraasad looga samayn lahaa hirgelinta iskaashi dhex mara Maraykanka iyo Somaliland, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen Guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka.

blankXeerkan ayaa gebi ahaanba burinaya hadal dhawaan ka soo yeedhay waaxda Arrimaha Africa u qaabilsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka oo sheegtay in dowladda Maraykanku aamisan tahay midnimada dalweynihii laysku odhan jiray Soomaaliya.

Haseyeeshee, guddiga Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Maraykanka, ayaa mowqifkaas ku tilmaamay siyaasad duugowday oo aan la jaan-qaadi Karin marxaladda siyaasadda adduunka ee xilligan iyo loollanka quwadaha dunida.

“Maraykanku waa saaxiibka joogtada ah ee umadda Soomaaliyeed, laakiin Maamulka Biden wuxuu ku xaddiday siyaasadda ‘Soomaaliya oo mid kaliya ah’ taasoo dhibaato ku ah Saaxiibbada kale ee Dimuqraadiyadda,” sidaa waxa yidhi Xildhibaan Jim Risch, waxaanu intaas ku daray, “Xilligan adag ee lagu jiro hadday tahay Xaaladda Dunida iyo tan Geeska Afrikaba, Maraykanka waxa ku waajiba inuu sahamiyo dhammaan xidhiidhada suurta-galka ah ee faa’idadu ugu jirto ee uu la yeelanayo dalalka Xasiloon ee Dimuqraadiga ah, sida Somaliland oo kale isla markaana aynaan ku koobnaanin nidaamyada siyaasadeed ee qadiimiga ah iyo qaababka diblomaasiyadda ee aan jaan-qaadi Karin Caqabadaha Dunida ee xilligan taagan,” Sidaas ayuu Xildhibaanku ku sheegay war-saxaafadeedka ay wada-jirka u saareen Guddigani.

Xildhibaan Van Hollen ayaa dhankiisa tilmaamay sida ay dowladda Maraykanka waajibka ugu tahay inuu tixgelin gaar ah siiyo dalalka Gobolka Geeska Afrika ee hirgeliyey dowladnimo tiirkeedu yahay dimuqraadiyad iyo xorriyatul-qowlka.

“Maadaama ay soo taranayaan Mawjadaha Xasilooni-darrada ah ee soo Waajahaya Geeska Afrika, inaynu wanaajino xidhiidhka ay la leenahay dalalka gobolka ee ku dhaqan-geliyey dowladnimada dimoqraadiga ah iyo xorriyaadka aasaasiga ah, waxay fure u noqonaysa horumarinta danaha Mareykanka, hagaajinta xasilloonida gobolka, iyo taageeridda ku dhaqanka sharciga iyo xuquuqda aadanah,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Chris Van Hollan.

blankXildhibaanka oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “tobannaankii sanno ee u dambeeyey, Somaliland iyadoo ku taalla gobol xasilooni-darradu ku badan tahay, waxa samaysatay nabad-gelyo iyo dowlad dimuqraaddi ah. Taasi waa sababta macnaha buuran u samaynaysa inay timaaddo rabitaanka Maraykanku ku doonayo xidhiidh iskaashi oo dhexmara Somaliland. Sharcigayaguna wuxuu gacan ka gaysan doonaa xaqiijinta in Maraykanku baadho fursadaha waaweyn ee ku jira xidhiidhka labada dhinac,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaan Van Hollen.

Xeerka Sharci ee ka soo baxay Aqalka Odayaasha Maraykanka ayaa ku soo beegmaya safarka madaxweynaha Somaliland iyo weftiga uu hoggaaminayaa ku joogaan Dalka Marayakanka. Madaxweynaha Somaliand iyo xubnaha ku wehelinaya weftigiisa, ayaa isla maanta kulan la qaatay saddexda xildhibaan oo ku soo dhaweeyey xarunta aqalka Baarlamaanka ee Capitol Hill.

 

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories