HomeDowladda Maraykanka oo loogu Baaqay inay wax ka beddesho Siyaasaddeeda Geeska Afrika

Dowladda Maraykanka oo loogu Baaqay inay wax ka beddesho Siyaasaddeeda Geeska Afrika

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Michael Rubin oo ah Diblumaasi Maraykan ah isla-markaana ka Tirsan Mac-hadka American Enterprise Institute, ayaa mar kale wax ka qoray Sida Dawladaha reer Galbeedka ee uu Maraykanka ka mid yahay Dhaqaalaha badan ugu caawinayaan Soomaaliya, iyaga oo taa beddelkeedana indhaha ka lalinaya Jamhuuriyadda Somaliland.

blank
Madaxweynaha Maraykanka

Michael Rubin oo Maqaal dheer ku baahiyey Internet-ka, ayaa sheegay in Maraykanku isku hawlayo in Xaaladda Soomaaliya gacan ka geysto, xilligaasi oo Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Maraykanku is-diidsiinayso guusha Somaliland oo la jaar ah Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Sanadihii u dambeeyay uu Maraykanku Malaayiin dollar ku shubay Soomaaliya, sidoo kalena gacan ka geystay dhismaha Ciidammada kala duwan ee Soomaaliya, sida Booliska iyo kuwo kale ee Amniga, laakiin aanay Tallaabooyinkaasi oo dhami waxba ka beddelin Xaaladda Soomaaliya.

Rubin wuxuu ka warramay Xaaladda Runta ah ee Soomaaliya xilligan ka jirta, isaga oo ku tilmaamay in Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uu dariiq aan sax ahayn u maray Muddo-kordhinta uu u sameeyay Baarlamaanka oo laftiisa uu muddo-xileedkiisu dhamaaday.

blank
Michael Rubin

Fool-xumooyinka uu Mr. Rubin qoraalkiisa ku sheegay waxa ka mid ah in la shaqada laga fadhiisiyey Taliyihii Ciidammada Booliska ee Gobolka Banaadir Saadaq Joon oo ka hor-yimid Muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxweynaha, laakiin Taliyaha Ciidanka Booliska ee Gobolka Banaadir loo Magacaabay Askari uu Rubin sheegay inuu ka mid ahaan jiray Xoogagga Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Al-qaacida, kaasi oo uu xusay inuu hore caan uga dhex ahaa kooxdaasi.

Rubin wuxu sheegay in aanay ahayn markii koowaad ee Dawladda farmaajo xil u Magacowdo qof ka mid ah koox Argagixiso ah, balse uu hore Taliyaha Ciidammada Sirdoonka ugu Magacaabay Fahad Yaasiin oo uu xusay inay jiraan dhukumantiyo sheegaya inuu xidhiidh la lahaa Al-shabaab iyo kooxo kale oo Argagixiso ah.

Micheal Rubin oo Qoraalkiisu dheeraa, ayaa waxa kale oo uu ka warramay in laga yaabo in syaasadda Madaxweyne Farmaajo ay saamayn ku yeesheen Ruushka iyo Shiinaha oo dabcan saamayn ku leh Itoobiya iyo Jabuuti.

Wuxuu is waydiiyey waxa Maraykanka isagoo og xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya uu indhaha uga leexinayo Somaliland oo uu tilmaamay inay Tobanaankii Sano ee u dambeeyay qabsanaysay doorashooyin Cod iyo Qof ah.

Wuxuu xusay in Somaliland Dadkeeda ku diwaangelisay Habka Biometric-ga ah ama la sawiro bu’da indhaha Dadka, si ay qabsato doorashooyin sugan oo amaan ah.

Micheal Rubin wuxuu qoraalkiisa ku sheegay in Somaliland weli haysato Jihada siyaasadeed ee reer Galbeedka uu Maraykanku ka mid yahay, sidoo kalena ay xidhiidh la samaysatay Taiwan, waxaanu mar labaad su’aal iska waydiiyey waxa iyada oo waxaasi oo dhami jiraan uu Maraykabku uu u cunaqabataynayo Somaliland.

“Haddii siyaasadda Arrimaha dibedda Maraykanka ee xilligani ku indho beeshay Sawirka xuduudka (Somaliland/Soomaaliya), muxuu Congress-ku toos ula xidhiidhi waayay Somaliland?” ayuu is-weydiiyey Micheal Rubin oo qoraalkiisa ku baahiyey saxaafadda Maraykanka qaarkeed.

@Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories