HomeDowladda Maraykanka oo Dhalashada kala noqotay Sheekh Caan ah Somaliland u dhashay

Dowladda Maraykanka oo Dhalashada kala noqotay Sheekh Caan ah Somaliland u dhashay

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Hargeysa (SLpost)- Dawladda Maraykanka ayaa dhalashadii dalkeeda kala noqotay Maxamed Sheekh Cabdiraxmaan Kaariye oo asal ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxaanu toddobaadkii hore soo gaadhay dalka Somaliland.

 

Warbaahinta magaalada Portland ee gobalka Oregon ee dalka Maraykanka ayaa shalay qortay in Sheekh Kaariye oo ay dawladda Maraykanku ku dartay liiska dadka aan dhoofi karin ee aan Maraykan dibada uga bixi karin ayaa waxay u diyaarisay bishii January qaab uu Kaariye kaga baxo Maraykanka oo uu ku tago Somaliland, isagoo marka uu Somaliland soo gaadho DHL dib ugu diri doona Baasaaboorka Maraykanka ee uu ku soo socdaalay. Waa isfaham ay gaadheen dawladda Maraykanka iyo Sheekh Kaariye.

blank

Sida ka muuqata is afgaradka ay gaadheen Sheekh Kaariye iyo dawladda Maraykanku, Sheekh Kaariye kama hor iman doono amarka Maraykanka ee ah in dhalashadii lagala noqdo, iyadoo lagu eedeeyay inuu warbixin aan rasmi ahayn bixiyay bishii Julay ee sannadkii1997 markii uiu dalbanayay degenaanshaha Maraykanka.

 

Sheekh Kaariye oo 57 jir ah waxa uu Arbacadii toddobaadkii hore duulimaad diyaaradeed oo 14 saacadood ah ka soo raacay dalka Maraykanka isagoo afar cisho dib uga dhacay wakhtigii ay ahayd inuu soo gaadho Somaliland, sababta dib u dhiciisa keentayna waxay warbaahintu ku sabaysayay hay’adaha ammaanka ee dalka UAE oo ay diyaaradu kula soo hakatay ayaa ku qabsaday madaarka oo su’aalo weydiiyay.

 

Isla markii uu ka soo duulay Maraykanka wuxuu subaxnimadii soo gaadhay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, halkii ay ka ahayd inuu toos u soo dhaafo oo uu soo gaadho magaalada Hargeysa, sida ay warbixintu sheegtay hay’adaha ammaanka ee UAE ayaa qabsaday, waxaanu Sheekh Kaariye farriin qoraal ah telefoonkiisa ugu diray looyarkiisa, oo uu ku yidhi, “Waxbaa khaldan.”

 

Toddoba saacadood oo ay hay’adaha Maraykanku waraysanayeen waxay weydiiyeen su’aao ku saabsan arrimo ku saabsan koox lagu magacaabo “Portland Seven” oo ah koox Maraykan Muslimiin ah oo u dhashay Portland oo lagu xukumay inay doonayeen inay ku biiraan kooxda Al-qaaciida. Waxa kale oo wax laga weydiiyay Masaajidka As-Saber oo uu iimaan ka ahaa iyo dadka ku cibaadaysan jiray, looma ogolaan inuu looyarkiisa la hadlo markii UAE su’aalaha lagu weydiiyay iyadoo alaabtiisii oo dhan laga qaatay, sida uu sheegay looyarka u doodaya Philip Smith. Waxa

 

Wuxuu Maraykanku ku eedeeyay Sheekh Kaariye inuu ka mid ahaa raggii Ruusha kula dagaalamay dalka Afganistaan

 

Ugu dambayn Sheekh Kaariye, wuxuu soo gaadhay Jimcihii toddobaadkii hore caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaanay looyarada Sheekh Kaariye ku eedaynayaan dawladda Maraykanka inay jabisay sharcigii maadaama oo Sheekh Kaariye ay su’aalo weydiiyaan hay’adaha ammaanka ee UAE, iyagoo ku dooday inaanay hay’adaha ammaanka ee UAE su’aalo weydiin karin Sheekh Kaariye iyaga oo aan xog ka helin dawladda Maraykanka, waxaanay maxkamada ka dalbadeen looyarada Sheekh Kaariye inay dawlada ku amarto inay sharaxaan sababta Sheekh Kaariye loogu qabtay Dubai ama loo ogolaado inuu dib u helo sharcigiisa oo aan laga qaadin, lana tuuro eedaha hore loogu jeediyay ee ah inuu ka been abuuray markii uu dalbanayay dhalashada Maraykanka.

 

Sheekh Maxamed Cabdiraxmaan Kaariye ayaa ka soo jeeda qoys reer Hargeysa ah oo caan ku ahaa fidinta diinta Islaamka, waxaana aabihii Alle haw naxariiste ahaa Iimaamkii masjid jaamacii ugu horeeyay magaalada Hargeysa.

 

@ Geeska Afrika

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories