HomeDowladda Maraykanka Ballan-qaadday Bixinta Kharashka ku baxaya Kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland

Dowladda Maraykanka Ballan-qaadday Bixinta Kharashka ku baxaya Kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

hhhWashington (SLpost)- Dawladda Maraykanka ayaa shaaca laga qaadday inay bixinayso kharashka ku baxaya soo-iibsashada Mishiinka lagu daabaco Kaadhadhka codbixiyeyaasah doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

Lacagta dawladda Maraykanku ballan-qaadday bixinteeda oo gaadhaysa Hal Milyan oo Dollar, ayaa loogu talo-galay in lagu soo iibiyo Kaadhadh madhan iyo Mishiinkii lagu daabacayey, sida ay shaacisay hay’adda Creative Association International.

Sarkaal warbaahinta u qaabilsan hay’addan oo lagu magacaabo Mr. Michael J. Zamba ayaa shaaca ka qaaday in dhaqaalaha ku baxaya iibka kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo  qalabka lagu daabacayo oo ay  maalgelisay hay’adda USAID ka mid yihiin taageero dawladda Marakanku ku gacan qabanayso Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Ururada aan dawliga ahayn, iyo warbaahinta.

Mr. Zamba oo ka jawaabayey su’aalo shabakada Somalilandspan.com ka weydiisay kaalinta ay ku leeyahiin daabacaada kaadhadhka codbixiyeyaasha Somaliland ayaa yidhi,

“Haa, mashruuca BUILD waxa ku jira kharshka soo iibinta kaadhadhka madhan ee codbixiyeyaasha iyo qalabkii lagu daabaci lahaa, oo ku baxayso kharsh gaadhaya $976,271 US. Dollars. Dhaqaalaha waxa bixisay hay’adda horumarinta caalamka (USAID).”

Mar uu ka hadlayey kharash dheeraad ah oo ku baxaya safar 2 xubnood oo Komiishanka Doorashooyinku ugu socdaalayaan magaalada Paris ee dalka Faransiiska, ayuu raaciyey,

“Mashruucan waxuu kaloo bixinayaa kharashka socdaal ee labo xubood oo Komiishanka Somaliland ku tegayaan magaalada Paris.

Mar la weydiiyey maadama  muddo kooban ka hadhay xilligii loo qorsheeyey doorashada madaxweynaha ee Somaliland qabsoonto, siduu u arko in lagaga gaadhsiin karo qebinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland ayuu ku jawaabay,

“Komiishanka Somaliland iyo mashruuca BUILD khubaradoodu waxay isla qaateen in wakhti ku filan loo helayo qeybinta kaadhadhka codbixiyeyaasha iyo qeybintooda, doorashada ka hor.

Jawaabaha Mr. Zamba, madaxda warbaahinta hay’adda Creative Association International ayaa su’aalo cusub oo jawaabahooda laga sugayo Komiishanka Somaliland ka abuurmayaan, la xidhiidha hadii hay’adda USAID bixinayso kharashka soo iibinta kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland iyo daabacaadooda, maxaa lagu qabanayaa kharash gaadhayey 4 Milyan oo dhowaan xukuumada Somaliland ku wareejisay Komiishanka Doorashooyinka, oo loogu tallogalay hawlaha la xidhiidha kaadhadhka Codbixiyeyaasha Somaliland.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Somaliland Mr. Cabdiqaadir Iimaan oo wax laga weydiiyey kharashka hay’adda USAID ku bixinayso iibka kaadhadhka madhan iyo qalabkii lagu daabacayey iyo kharashkii dhowaan xukuumada Somaliland ku bixisay kaadhadhka ayaan wax jawaab ah ka soo bixin.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories