HomeDowladda Kenya oo ka hadashay Aqoonsiga Somaliland

Dowladda Kenya oo ka hadashay Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Dowladda Kenya, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay qaddiyadda aqoonsiga Jamhuuriyadda Somaliland, kaddib dood baarlamaanka UK arrintaas ka yeesheen toddobaadkan.

blankWasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Mr. Raychelle Omamo oo warbaahinta kula hadashay magaalada Nairobi maanta, ayaa shaaca ka qaaday in aanay Somaliland weli dawladdeeda u soo gudbin codsi ay Kenya kaga dalbanayso in loo aqoonsado dal madaxbannaan.

Baarlamaanka dalka Ingriiska ayaa toddobaadkan dood dheer ka yeeshay arrinta aqoonsiga Somaliland.

Doodda oo ahayd mid dhinacyo badan ay xildhibaannadu iska taageen qaddiyadda Somaliland iyo sida ay dawladda UK ka yeelayso ayaa socotay muddo ka badan hal saac.

Xildhibaannada ayaa intooda badan la dhacsanaa doodda uu soo bandhigay xildhibaan Gavin Williamson oo ah mudanaha Aqalka Baarlamanka UK horgeeyey mooshinka ka doodidda aqoonsiga Somaliland.

Gavin waxa uu Baarlamaanka sharraxaad dheer ka siiyey horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay ee dhinacyada amniga iyo dimoqraadiyadda, isaga oo arrimo badan u soo daliishaday sababta uu u doonayo inay UK u aqoonsato Somaliland.

Bishii December ee sannadkii 2020 ayey ahayd markii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa la kulmay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, isagoo sheegay inay ka wadahadleen danaha ay wadaagaan.

Booqashadii Madaxweynaha Somaliland ee Nairobi waxay ku soo aadday xilli uu aad u sii xumaanayay xidhiidhka Kenya iyo dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

Bishii November ee isla sannadkaas, war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in safiirkii u fadhiyey Nairobi looga yeedhay Muqdisho, halka midkii Kenya ee Soomaaliya na lagu amray inuu dalkiisa dib ugu noqdo si uu wadatashi ula soo yeesho dawladdiisa.

“Dawladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa go’aankan qaadatay iyadoo ilaalinaysa madax bannaanideeda qaran, kaddib markii ay u muuqatay in Kenya si badheedh ah ay u farogalinayso arrimaha gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Jubbaland,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.

Kenya ayaa beenisay in farogelin ay ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Somaliland ayaa 30 sanno ka hor ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale, balse tan iyo xilligaasi ma aanay helin aqoonsi caalami ah.

Dhinaca kale, Wasiir Omamo waxay ka hadashay xaaladda dalka Itoobiya, waxaanay sheegtay in Kenya aanay illaawin Itoobiya, oo ay sii wadi doonto inay si hoose ula xaajooto, una adeegsato diblomaasiyad jilicsan si loo soo afjaro xiisadda ka taagan dalka deriskeeda ah.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmay isagoo Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay, Antonio Guterres uu BBC-da u sheegay in xaaladda Itoobiya ay beesha caalamka ku adkaatay inay xalliyaan, iyadoo xukuumadda Addis Ababa ay si joogto ah uga dhega adeygtay waxa uu ugu yeedhay farogelinta shisheeye.

Wasiir Arrimaha Dibadda ee Nairobi waxay sheegtay in Kenya ay rumeysan tahay awoodda ay Itoobiya u leedahay inay isfaham gaadhaan, isla markaana inkastoo ay waqti qaadaneyso, haddana siyaasiyiinta xabsiga laga sii daayey ay muujineyso in woxogaa horumar ah la gaadhay.

Waxay intaas ku dartay in Kenya ay kala hadlaysay Itoobiya baahida loo qabo wada xaajood qaran, xabbad-joojin iyo in dadka la gaadhsiiyo gargaar bani’adaannimo.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories