HomeDowladda Jabuuti oo Shaacisay 280 Kiisas Cusub oo Coronavirus ah iyo Cabsi...

Dowladda Jabuuti oo Shaacisay 280 Kiisas Cusub oo Coronavirus ah iyo Cabsi Soo Korodhay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa maanta shaacisay 280 Kiisas Cusub oo Coronavirus oo laga helay dalkaas kaddib baadhitaanno caafimaad oo la sameeyey saddexdii maalmood ee u dambeeyey.

Tirada Cusub ee dadka laga helay Xannuunka Covid-19, ayaa ah mid aad u sarreysa marka loo eego toddobaadyadii la soo dhaafay oo dalkaasi u muuqday mid guul ka gaadhay xakamaynta Cudurkan.

blankWasaaradda Caafimaadka Jabuuti, waxa ay sheegtay in tirada dadka cusub ee xannuunka laga helay ka soo baxay 1109 qof oo baadhitaan lagu sameeyey 28-kii iyo 29-kii May.

 

Waxa kale oo Wasaaraddu Shaacisay 2 qof oo saddexdii maalmood ee u dambeeyey u geeriyooday xannuunka.

Sida ku xusan Xogo la xidhiidha xannuunka oo wasaaradda Caafimaadku hore u shaacisay,  dad gaadhaya 26,366 qof ayaa laga baadhay xannuunka guud ahaan dalkaas, kuwaas oo 3,194 ka mid ah laga helay xannuunka, halka 1,286 oo qof xannuunka ka bogsadeen.

Tirada Dadka xannuunka ugu geeriyooday dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa lagu sheegay inay marayso 22 qof.

Jamhuuriyadda Jabuuti oo tirada Shacabkeeda lagu qiyaaso inay ku dhowdahay Hal Milyan, ayaa noqday dalka ugu badan ee laga diiwaan-geliyey Kiisaska Coronavirus mar la bar-bar dhigo dalalka Bariga Qaaradda Afrika.

Dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa dhowaan khafiifisay xaalad deg-deg ah oo lagu soo rogay dalkaas, iyadoo shacabku aanay si dhammaystiran u fulin talooyin caafimaad iyo awaamiir dowladdu ku soo rogtay, sababahaas awgood, waxaanay khubarada caafimaadku sheegayaan in xaaladaha xannuunka ee soo cusboonaaday sababahaas loo aanaynayo.

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories