HomeDowladda Jabuuti oo Daah-furtay Xadhkaha Isgaadhsiinta Badda la Mariyo oo Shirqool Dhaqaale...

Dowladda Jabuuti oo Daah-furtay Xadhkaha Isgaadhsiinta Badda la Mariyo oo Shirqool Dhaqaale ku ah Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Xaflad lagu qabtay magaalada Jabuuti maanta oo ay taariikhdu tahay 20 January 2020, kana qaybgaleen Ra’iisal-wasaaraha Jabuuti Md. Cabdiqaadir Kaamil Maxamed, xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Jabuuti, saraakiil ka socday qaar ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta Soomaalida, Kenya, Jabuuti iyo qaar kale oo ay ka mid tahay shirkad la yidhaahdo Subcom, ayaa lagaga dhawaaqay in si rasmi ah loo daah-furay hannaanka xadhkaha isgaadhsiinta badda la hoos marinayo (DARE1 Submarine Cable), kaasoo ay hindisihiisa iyo maalgelintiisaba ay leedahay dowladda Jabuuti, iyadoo ay ujeedadiisu tahay in lagula dagaalamo dhaqaalaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan shirkadda  isgaahsiinta ee waqtigan sida weyn uga shaqaysa degaannada Somaliland.

blankAgaasimaha Shirkadda Jabuuti Telecom Mr. Maxamed Casoowe Buux oo halkaas ka hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeedooyinka ay dowlad ahaan ka leeyihiin dhismaha xadhkaha isgaadhsiinta la hoos marinayo badda, waxaannu yidhi; “Xadhigan waxa maalgashaday Jabuuti ayaa inta ugu badan leh oo 89% waxa saamigiisa iska leh Jabuuti, laakiin Somtel ayaa iyaduna nala gashatay, laakiin xadhiggan isgaadhsiinta badda waxa iska leh Jabuuti oo shirkadi ma laha, saamiyada maalgashigiisuna cid walba way u furan yihiin (open access) oo waxa weeyaan maanta haddii ay shirkad ku taal Xamar ama ku taal Hargeysa ama ku taal Kenya ama ku taal Ruwandha (Rwanda) ay tidhaahdo; ‘in aan qayb ka iibsado ayaana doonayaa DARE 1 oo aan maalgashado.’ Waxa aannu leenahay ahlan wasahlan oo wuu u furan yahay.”

Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada dalka Jabuuti oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in xadhiggan badda hoos maraya loogu talogalay in la sii mariyo magaalooyinka waaweyn ee ku yaal xeebaha dalalka bariga Afrika, ilaa laga gaadhayo magaalada Mambasa ee dalka Kenya, isla markaana uu qayb ka qaadan doono isku-xidhka dhinaca isgaadhsiinta bulshooyinka dalalka Geeska iyo Bariga Afrika, iyagoo ku dooday in mashruucani uu faa’iido weyn oo dhaqaale u yahay dowladda Jabuuti, taasoo muujinaysa uu yahay mashruuc lagu hagar-daamaynayo horumarinta xadhkaha isgaadhsiinta badda hoos mara ee ay dalka Jamhuuriyadda Somaliland ka hirgelay.

Sida ku cad macluumaadka kala duwan ee laga hayo dhismaha xadhkahan  badda la hoos marinayo, waxa ay dowladda Jabuuti leedahay saami dhan 89%, halka saamiga soo hadhay oo dhan 11% qudhana ay wada leeyihiin shirkadu saamiyo cad-quudheed ah laga siiyey oo ku jira dalladda DARE consortium, kuwaasoo kala ah;

  • TELESOM KENYA – 100/8
  • Somaliland – 100/4

Hore, waxa loo sheegay oo suuqa la soo geliyey hadal ah in Shirkadda Isgaadhsiinta ay saami dhan 40% ku leedahay xadhkahan badda la hoos marinayo ee ay dowladda Jabuuti samaysatay, iyadoo ujeedada laga lahaana ay ahayd in lagu siro bulshada reer Somaliland, si loogu guulaysto in xadhkahan Dare 1 la soo mariyo badda Berbera, balse sida uu caddeeyey Maareeyaha Shirkadda Isgaadhsiinta Jabuuti Mr. Maxamed Casoowe Buux, waxa shirkadan saamiga ugu ballaadhan oo ah 89% iska leh dowladda Jabuuti, taasoo meesha ka saaraysa borobogaandihii hore loo faafiyey ee ahaa in Somaliland ay leedahay 40%, waxaanna imminka la ogaaday in Somaliland laga  leedahay saami faro-guudkii ah oo dhan 4%, waxaannu yahay qorshahan ay Jabuuti wadato in lagu cuno-qabateeyo bulshada Somaliland, sidoo kalena lagu curyaamiyo xadhkaha isgaadhsiinta Somaliland ee sannadihii u dambeeyey  sida fiican uga shaqeeyey dalka Somaliland.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories