HomeDowladda Itoobiya oo ka Hadashay xilliga loo muddeeyey Doorashooyinka Somaliland

Dowladda Itoobiya oo ka Hadashay xilliga loo muddeeyey Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Dawladda Itoobiya, ayaa markii u horreysay si rasmi ah uga hadashay arrimaha doorashooyinka Somaliland iyo mowqifkooda la xidhiidha waqtiga cusub ee Komishanku u muddeeyey inay qabsoomaan doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada.

Qoraal lagu baahiyey bogga internet-ka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya shalay, ayaa lagu sheegey in Wasiirka Khaarajiga Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya Ambassador Berhane Gebre-Chiristos oo kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa maalintii Arbacada ka wadahadleen arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Somaliland oo dib uga dhacay waqtigoodii hore oo ku beegan 26 June 2015.

wasiirka-Khaarajiga-iyo-ItoobiyaDawladda Itoobiya, waxay soo dhawaysay muddada cusub ee Komishanku caddeeyeen inay qaban karaan doorashooyinka Somaliland ee 1 June 2016.

“Ambassador Berhane (Wasiirul-dawlaha Khaarajiga Itoobiya) waxa uu soo dhaweeyey go’aanka (Komishanku) ka gaadhay muddada doorashooyinka Somaliland, waxaannu sheegay in Itoobiya taageerayso kobcinta nabadda iyo xasilloonida, iyadoo la adeegsanayo wadahadal,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya.

Qoraalku waxa uu intaa ku daray, “Maxamed Biixi Yoonis (Wasiirka Khaarajiga Somaliland) waxa uu uga warramay Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya dib-u-dhaca doorashooyinka Somaliland, waxayna Komishanka Doorashooyinku dhawaan ku dhawaaqeen in doorashooyinka madaxtooyada (iyo Golaha Wakiillada) dib uga dhaceen waqtigoodii ilaa bisha June ee sannadka soo socda.”

Waxa kaloo labada wasiir ka wadahadleen sii xoojinta xidhiidha u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya ee dhinacyada ganacsiga iyo sidoo kale sidii loo dammaanad qaadi lahaa nabadgelyada iyo deganaanshaha ammaanka mandaqadda Geeska Afrika.

Sidoo kale, qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, waxa lagu iftiimiyey in dawladda Addis Ababa dannaynayso inay hoggaanka Somaliland iskaashi kala yeelato sidii loo ilaalin lahaa ammaanka iyo nabadgelyada gobolka oo dhan, iyagoo labada wasiir ka wada-xaajooday arrimo dano guud ah oo dhinacyadu wada danaynayaan, si guudna u wada khuseeya.

“Ambassador Berhane waxa uu si xooggan u muujiyey baahida loo qabo in la helo hannaan ama hab lagaga hortago xeeladaha ururrada xagjirka ah ee mandaqadda Geeska Afrika ku xadaan, kuna duufsadaan da’yarta,” ayaa lagu yidhi qoraalka lagu baahiyey bogga internet-ka ee Wasaaradda Khaarajiga Itoobiya.

Sida oo kale,Wasiir Maxamed Biixi Yoonis, ayaa kala hadlay Wasiirul-dawlaha Arrimaha Dibadda Itoobiya walaaca dhinaca bani’aadanimo, ammaan iyo dhaqaale ee ka dhalan kara qulqulka qaxootiga dalka Yemen ee yimi Somaliland, isagoo ugu baaqay beesha caalamka inay ka taageeraan Somaliland arrimahaas oo uu xusay inay yihiin xaalado saamayn guud yeelan kara.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories