HomeDowladda Itoobiya oo Jawaab ka bixisay Khariidad muran dhalisay ee Soomaaliya loogu...

Dowladda Itoobiya oo Jawaab ka bixisay Khariidad muran dhalisay ee Soomaaliya loogu daray dalkeeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Dowladda Itoobiya ayaa war kooban oo ay soo saareen ku sheegay inay ka xun yihiin sawir muran xoog leh dhaliyay oo lagu daabacay bogga internet-ka ay ku leedahay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Addis Ababa.

 

Qoraalka oo la soo dhigay isla Website-ka sawirka lagu daabacay ayaa la yidhi: “Waxaan fahannay in sawir khaldan oo aan la aqbali karin oo muujinaya Khariidadda Afrika uu si kadis ah kusoo galay bogga internet-ka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga Federaalka ee Itoobiya. Isla markii aan arrinta ka war helnay, si deg deg ah ayaan sawirkaas uga bixinnay Website-ka. Fadlan xaqiiq u haya in kooxdeena dhinaca ICT-ga ay ka shaqeynayaan hubinta ammaanka Website-ka. Waxaan si kal iyo lab ah uga qoomameyneynaa jah wareer kasta oo ay suurta gal tahay in uu sababay iyo isfaham darro ka dhalatay dhacdadaan”.

 

blank

 

Qoraalkan ayaa u muuqday mid ay dowladda Itoobiya ku sheegeyso inay ka xuntahay dhacdadaas, balse ma aha mid lagu xusay raalli galin rasmi ah.

Sidoo kale laguma xusin macluumaadka dhabta ah ee laga dheehanayay sawirka, arrintaasoo ahayd tii carada dhalisay, lamana soo hadal qaadin in Khariidadda ay muujineysay Itoobiya iyo Soomaaliya oo la isku daray, lagana dhigay Itoobiya oo kaliya.

 

Dadka Soomaalida ah ee isticmaala baraha bulshada ayaa si weyn uga falceliyay sawir lagu daabacay bogga internet-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya, kaasoo muujinaya khariidadda Afrika, iyadoo Soomaaliya lagu daray Itoobiya.

Sawirka muranka dhaliyay, oo ilaa iminka aysan ka hadlin dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa durba laga saaray bogga wasaaradda, kadib markii qeylo dhaan la xiriirta ay cirka isku shareertay.

Waxaase xusid mudan in khariidadda Soomaaliya ee Itoobiya la raaciyay laga reebay jamhuuriyadda Somaliland.

 

Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid meel ka dhac ku ah jiritaanka Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, waxaana dadka ka fal celiyay ay sheegeen in Itoobiya ay dooneyso wax ay ugu yeereen “dhul ballaarsi”

 

Dhanka kale waxaa khariidadda lasoo sawiray aan lagu muujinin Suudaanta Koonfureed, iyadoo lagu daray dalweynaha Suudaan.

Hase ahaatee, lama oga in khariidaddan la sameeyay ka hor intii aysan Suudaanta Koonfureed ka go’in Suudaan inteeda kale.

Tan iyo markii sanadkii lasoo dhaafay uu xilka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya qabtay Dr Abiy Axmed, waxaa horumar dheeraad ah sameynayay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna labada dal madaxdooda yeesheen shirar badan oo ay uga arrinsanayeen sidii ay horumar wada jir ah u gaari lahaayeen.

 

SOURCE: BBCSomali

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories