HomeDowladda Itoobiya oo Dayacaad Masuuliyadeed ku sababaysay Gaadhi Kooxda WABAR ula baxsadeen...

Dowladda Itoobiya oo Dayacaad Masuuliyadeed ku sababaysay Gaadhi Kooxda WABAR ula baxsadeen Gudaha dalkooda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

itoobiyaHargeysa (SLpost)- Safiirka dawladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Brig Jen. Berhe Tesfaye, ayaa tilmaamay inay tahay dacaayad ka timi Masuuliyiintii qaabbilsanaa Gaadhi Wasaaradda Maaliyaddu lahayd oo lagala baxsaday magaalada Boorama, ka dibna lala galay gudaha Itoobiya, isla markaana waxa uu sheegay inay digniin kama dambays ah u jeediyeen Nin la sheegay inuu xasillooni-darro gudaha dalkooda kaga soo abaabulo.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Hargeysa Brig Jen. Mr. Tesfaye oo Wargeyska Himilo wax ka weydiiyey tallaabada Xukuumaddiisu ka qaadday Gaadhi ay lahayd Wasaarada Maaliyadda Somaliland Xafiiskeeda Boorama oo la sheegay in dhawaan Derawalkii ku qornaa ula tallaabay xuduudka Itoobiya, ayaa ku dooday inuu ahaa dayacaad ay sameeyeen Masuuliyiintii qaabbilsanaa Gaadhiga, waxaanu yidhi; “Arrinka gaadhigaa la sheegay in Derewalkii qoyskiisa ku geeyey gudaha Itoobiya, waa dayacaad masuuliyiintii qaabbilsanaa kantarroolka Gaadiidkaa leeyahiin, sidaana waan u sheegay Masuuliyiin Somaliland ah oo igala soo xidhiidhay arrinkaas.”

Mar la weydiiyey in wax tallaabo ah Xukuumaddiisu u qaadday soo qabashada iyo celinta Gaadhigaas Wasaaradda Maaliyaddu lahayd, ayuu ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo, kuna gaabsaday; “Arrinka Gaadhiga waan kuu sheegay.”

Mr. Tesfaye ayaa sidoo kale sheegay inay digniin cad ugu sheegeen Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar oo gudaha Itoobiya ka soo abaabulayey billihii u dambeeyey Jabhado khalkhaliya nabadgelyada Somaliland, kaasoo uu sheegay inay u sheegeen inaanu wax xasillooni-darro ku keeni kara Somaliland kaga abaabuli karin dalkooda, isla markaana hadduu doonayo inuu la dagaallamo uu tego Somaliland, waxaanu yidhi; “Ninkaa (Suldan Wabar) si cad ayey Masuuliyiinta dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ugu sheegeen inaanu xasillooni-darro kaga abaabuli karin Somaliland gudaha Itoobiya, hadduu doonayo inuu dagaallamana tego gudaha Somaliland, ama nabadgelyo ku joogo dalkooda Itoobiya.”

Safiirka Itoobiya u fadhiya Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa intaa ku sii daray in digniintaas Xukuumadda dhexe ee Itoobiya la socoto, isla markaana u gudbiyeen Masuuliyiinta Somaliland ee qaabbilsan mawqifka dalkiisa.

Hadalka Safiirka dawladda Itoobiya ee Somaliland fadhiya Mr. Tesfaye, ayaa ku soo beegmaya wakhti maalmo horteed Masuuliyiin Wasaaradda Maaliyadda Somaliland sheegeen inay kala xidhiidheen Xukuumadda Itoobiya Gaadhi loola tallaabay gudaha dalkooda, inkastoo Gaadhigaasi sharci-darro ku galay Xuduudka Itoobiya ay adkaan doonto in si fudud dib loogu helo, ciqaabaha ka yaal dembigaas awgeed.

XIGASHO: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories