HomeDowladda Iran oo Ansixisay Qorshe Jawaab u Noqonaya Weerar kaga Yimaadda Israel...

Dowladda Iran oo Ansixisay Qorshe Jawaab u Noqonaya Weerar kaga Yimaadda Israel iyo Xulafadeeda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Tehran (SLpost)- Dowladda Iran ayaa sheegtay inay mar hore ansixiyeen tallaabada laga qaadayo haddii Israel samayso khalad kale oo ku xad-gudbaya xuquuqda dalka Iran.

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo u warramay saxaafadda dalkaas, ayaa sheegay inay dowlad ahaan diyaariyeen qorshe ay isla markiiba ka jawaabayaan haddii Israel weerar ku bar-tilmaameedsato Danaha dalkooda Iran.

“Israel ma siin doono fursad hal maalin ah. Isla markiiba waxay la kulmi doontaa dhirbaaxo culus,” sidaas ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada Iran, Ali Bagheri.

Diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa 1-dii April, 2024 duqeeyey safaaradda Iran ku leedahay Magaalada Dimishiq ee dalka Suuriya, waxaana weerarkaas ku geeriyooday saraakiil sar-sare oo Gobolka Bariga Dhexe u qaabilsanaa ilaalada Kacaanka ee Iran.

Iiraan oo ka aar-goosanaysa duqeynta Israel, ayaa 13-kii April weerar sal-ballaadhan ku qaadday Dalka Israel, waxaanay weerarka u adeegsatay 110 Gantaal iyo 170 Diyaaradada is-miidaamiya ee aan duuliyaha lahayn, kuwaas oo intooda badan lagu soo riday hubka difaaca cirka oo ay Israel kala qayb-qaateen Maraykanka, Urdun iyo Ingiriiska.

Sida aanu ka soo xigannay saxaafadda maxalliga ah, hubka uu dalka Iran u adeegsatay weerarkii habeen hore, ayaa qiimihiia lagu qiyaasay in ku dhow $65 Milyan.

Sidoo kale, Saxaafadda Israel, ayaa sheegay in iska difaacista weerarkaasi uu Dowladda Israel iyo saaxiibadeeda Reer Galbeedka ku kacay dhaqaale kor u dhaafaya in badan Hal Bilyan oo Dollar.

Somalilandpost.net

contact@somaliandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories