HomeDowladda Ingiriiska oo Somaliland ugu Yaboohday Deeq dhan $25 Milyan iyo faahfaahinta...

Dowladda Ingiriiska oo Somaliland ugu Yaboohday Deeq dhan $25 Milyan iyo faahfaahinta Kulankii maanta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Faahfaahinta kulan ballaadhan dhexmaray Dowladaha Somaliland iyo Ingiriiska

Hargeysa-(SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar oo ay wehelinayaan Madaxa u fadhiya xafiiska Ingiriisku ku leeyahay Somaliland, Madaxa Hay’adda Ingiriiska u qaabilsan deeqaha dibadda ee DFID, saraakiil kale oo arrimaha militeriga iyo mucaawimooyinka dibadda u qaabilsan.

 IMG_0000-1

Waxaana kulankaasi si gaar ah diiradda loogu saaray, sidii Somaliland ay gaar ugu heli lahayd deeqaha ay ka hesho dunida, gaar ahaan Ingiriiska, si ay qayb uga noqdaan gurmadka abaaraha soo cusboonaaday, iyada oo sidoo kale waxa kulankaa lagaga wada hadlay sidii dib loogu soo celin lahaa wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta deeqaha ay Somaliland ka hesho dalalka Denmark, Britain iyo Norwey, waxaanay madaxda dawladda Ingiriiska ee kulankan ka qayb-gashay ballan qaadeen maanta in ay ka Ingiriis ahaan  ku shubayaan sanduuqa horumarinta Somalilnad (Somaliland Development Fund) lacag dhan  25-Milyan (shan iyo labaatan milyan) oo dollar.

 IMG_0013

Sidoo kale waxa shirkaasi lagu soo qaaday mashaariicaha kala duwan ee Somaliland ay u soo mariyaan ingiriisku Hay’addaha Qaramada midoobay, Baanka adduunka iyo kuwa caalamiga ah ee wax lagaga qabto arrimaha caafimaadka, waxbarashada iyo dib-u-habaynta cashuur-ururinta, tababarada ciidamada Booliska iyo dib-u-habaynta garsoorka iyo Maxkamadaha dalka.

IMG_0033Xubnaha Madaxweynaha ku wehelinaayey Kulanku waxay kala ahaayeen:-

 

  1. Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
  2. Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire.
  3. Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed.
  4. Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon)
  5. Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Somaliland, Cawaale Ibraahim Shirwac.
  6. Wasiirka Gashaandhigga Somaliland, Mudane Ciise Axmed Yuusuf.
  7. Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani
  8. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan
  9. Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Aadan Xaaji Cali Axmed.

Dhinaca Weftiguna waxay ka koobnaayeen

 

  1. Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. David Concar
  2.  Madaxa Hay’adda DFID u qaabilsan Ingiriiska Phil Evans.
  3. Madaxa  dawladda ingiriiska u qaabilsan xafiiskeeda Hargeysa, Rosie Tapper.
  4. La-taliye ka socday Hay’dda DFID oo lagu magacaabo Kate Greany iyo saraakiil kale.
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories