HomeDowladda Ingiriiska oo Somaliland ka caawinaysa Horumarinta Tayada Ciidanka Qaranka

Dowladda Ingiriiska oo Somaliland ka caawinaysa Horumarinta Tayada Ciidanka Qaranka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa dowladda Ingiriiska oo ay wakiil ka tahay shirkadda Adam Smith la kaashanaysa horumarinta tayada Ciidamada Milatariga iyo Kaabayaasha xarumaha taliska Ciidanka Qaranka, sida lagu sheegay warbixin ay faafisay warbaahinta Africa Intelligence.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye iyo taliyaha ciidanka qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani, ayaa heshiis kula galay shirkadda Xarunteedu tahay magaalada London ee Adam Smith International  inay kala Shaqayso qorshaha dib u habeynta ciidanka Difaaca dalka, sida u dhigayo sharciga barnaamijka ammaanka ee Somaliland Security Program.

blankSida ay warbaahinta Somalilandpost ka soo xigatay African Intelligence oo ah mareeg lagu baahiyo wararka qarsoodiga ah, Shirkadda oo heshiiskeedu soconayo ilaa 2024-ka, ayaa la filayaa inay dhawaan magaalada Hargeysa u soo dirto mid ka mid ah khubaradeeda si uu u kormeero isbeddelada dhinaca horumarka ee lagu sameeyey taliska Dhexe ee ciidanka isla markaana uu taageero tababarka ciidamada ka qayb qaadanaya duruusta lagu bixinayo tabobar caalami ah oo la siinayo saraakiisha iyo Ciidamada Qaranka.

Warku waxa uu intaas ku daray in Khabiirkan iyo hawl-wadeennada la shaqeynaya ay sidoo kale u shaqayn doona sidii uu iskugu xidhi lahaa Wasaaradda Gaashaandhigga ee Somaliland iyo Safaaradda Ingiriiska ee Hargeysa oo uu dhawaan la shaqadeeda la wareegay diblumaasi lagu magacaabo Morgan Riley iyo u-qaybsanaha arrimaha gaashaandhigga ee safaaradda Gaashaanle Sare James Christie.

Shirkadda Adam Smith oo ay madax ka tahay haweenay u dhalatay dalka Ingiriiska oo lagu magacaabo Jalpa Patel, ayaa hore uga soo shaqaysay Somaliland, iyadoo shirkaddu soo maamushay mashaariic iskaashi oo dhinaca amniga ah, iyadoo shirkadda Adam Smith oo ka wakiil ah dowladda Ingiriiska ay tabobaro iyo La-talin dhinaca amniga ah, gaar ahaan dhinaca sirdoonka u fidisay Taliska sare iyo ciidamada ilaalada Xeebaha ee Somaliland intii u dhaxaysay sannadihii 2013-kii ilaa 2014-kii.

Waxa kale oo warkan lagu sheegay in shirkaddu xilligaas wada-shaqayn ay ku taageerayso la yeelatay Ciidanka Booliska Somaliland.

Dowladda Ingiriiska oo Somaliland ka taageerta dhinaca horumarinta ammaanka, ayaa hore ugu soo dirtay Somaliland shirkado gaar loo leeyahay oo qaabilsan dhinaca Amniga, kuwaas oo ay ka mid yihiin Axiom International iyo Aktis Strategy si ay Jamhuuriyadda Somaliland uga caawiyaan horumarinta iyo kor-u-qaadista awoodaha dhinaca Milatariga.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories