HomeDowladda Ingiriiska oo ka hadashay Dacwad uu Ciidanka RRU-da uga Gudbiyey Masuul...

Dowladda Ingiriiska oo ka hadashay Dacwad uu Ciidanka RRU-da uga Gudbiyey Masuul saddexaad ee ugu sarreeya Dowladda Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

lissie-lovetAddis Ababa (SLpost)- Safaaradda dawladda Ingiriisku ku leedahay Caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa, ayaa xaqiijisay in Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah taageerada ay siiyaan Ciidanka loo yaqaan RRU oo ka tirsan Booliiska, waxaanay ka hadashay Baaq ay u jeedinayaan Xisbiyada iyo Golaha Guurtida Somaliland.

Wareysi Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani la yeeshay Sarkaal Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa u qaabbilsan arrimaha Somaliland, ayey ku sheegtay inay jawaab ka siiyeen Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan-Cirro, mawqifkooda la xidhiidha Dacwad uu u soo gudbiyey iyo heshiiska u dhexeeyey Somaliland iyo Ingiriiska ee shaqada Ciidanka RRU.

Ms. Lizzie Lovett oo la weydiiyey jiritaanka in Guddoomiyaha Wakiillada Somalialnd Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) u soo gudbiyey Dacwad ka dhan ah Ciidanka RRU iyo mawqifkkooda arrinkaa ku waajahan, ayaa ku jawaabtay; “Haa, Xisbiga WADDANI way noo soo gudbiyeen mawqifkooda la xidhiidha Ciidanka RRU, laakiin waxaan u ballan-qaadnay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdiraxmaan-Cirro in dacwad kastoo ka dhan ah Ciidanka RRU aannu baadhitaan ku samayn doonno, isla markaana heshiis adagi naga dhexeeyo Xukuumadda Somaliland inaan sifo khaldan loo adeegsan Ciidanka RRu-da.”
Sidoo kale, Mar la weydiiyey, inkastoo Xisbiyada Mucaaradku soo dhaweeyeen in doorashada la qabto sannadka dambe, sida ay u aragto dhawaaqooda haddaan dawlad wadaag ah la samayn inaanay aqoonsan doonin Sharcinimada Xukuumadda, ma jirtaa talooyin aad u jeedinaysaan? Waxaanay Su’aashaas Lovett kaga jawaabtay oo ay tidhi; “Mar labaad waan soo dhaweynaynaa wakhtiga cusub ee Komiishanka doorashooyinku ku dhawaaqeen, isla markaana waxaan ku dhiirrigelinayaa in dhammaan Xisbiyada dalka iyo Golaha Guurtidu aanay ka baydhin xilligaas Guddigu cayimeen.”

Hadalkan ka soo baxay Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay Addis Ababa, ayaa ku soo beegmaya dhawr toddobaad ka dib, markii uu Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan-Cirro beeniyey warar sheegayay in uu Dacwad ka dhan ah Ciidammada RRU u gudbiyey dawladda Ingiriiska mar uu Waraysi la yeeshay isla Weriye Maxamuud Walaaleeye oo ka tirsan Wargeyska Himilo, isaga oo ku dooday in ciddii caddaymaha dacwaddaas haysaa keento.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ayaa khudbad-sannadeedkiisii uu dhammaadkii March 2015 ka horjeediyey labada Gole Baarlamaan ku sheegay inay ayaan-darro tahay in Masuuliyiinta Mucaaradku Dacweeyaan Ciidan ka tirsan Ciidammada Qaranka Somaliland oo ay Cadaw u arkaan sida uu hadalka u dhigay.

Xigasho: Wargeyska Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories