HomeDowladda Ingiriiska Oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Kala Hadashay Khilaafka Sharci ee Doorashooyinka...

Dowladda Ingiriiska Oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Kala Hadashay Khilaafka Sharci ee Doorashooyinka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Somaliland Md Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka boqortooyada Ingriiska Mrs Kate Foster oo socdaal Ku joogta dalka.

War kooban oo ka soo baxay Xafiiska warbaahinta ee Golaha Wakiillada, ayaa lagu sheegay in ujeeddada kulanka ka dambaysa ay tahay iska xog-warraysi ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalku marayo.

Waxa uu Warku intaas ku daray in Guddoomiyaha Golaha Wakiilladu uu Safiirka Ingiriiska siiyey warbixin guud oo ku saabsan xaaladda dalka isla markaana ay Gole ahaan diyaar ugu yihiin in ay qayb ka noqdaan xalinta khilaafaadka siyaasadeed ee xilligan jira.

“Waxa uu gudoomiyuhu u sheegay safiirka in ay Somaliland ku caano maashay xalinta khilaafaadka yimaada maadaama dalka Somaliland uu yahay dal nabdoon oo xasiloon,” sidaas ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay Kulanka Guddoomiyaha iyo Safiirka.

Warka kooban ee ka soo baxay xafiiska warbaahinta ee Golaha Wakiillada, waxa kale oo lagu yidhi, “Safiir Kate waxay Gudoomiyaha uga mahad-naqday wadashaqaynta iyo xidhiidhka dhaw ee mar walba ka gole ahaan ay ula shaqeeyaan. Kulanka oo muddo socday ayaa isfaham iyo in kor loo sii qaado xidhiidhka labada dhinac laysku af-gartay”.

Kulanka Dhexmaray Safiirka Dowladda Ingiriiska iyo Golaha Wakiillada oo la rumaysan yahay inuu salka ku hayo go’aankii muranka dhaliyey ee ka soo baxay Golaha Wakiillada iyo deminta khilaafaadka sharci ee ka taagan Doorashooyinka, waxa guddoomiyaha ku wehelinayey La-taliyaha Arrimaha Dibbada iyo Iskaashiga caalamiga ah ee Shir-guddoonka Golaha Prof. Xasan Xiis.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories