HomeDowladda Ingiriiska oo Gacan Ka Geysanaysa Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo Shuf-beelay

Dowladda Ingiriiska oo Gacan Ka Geysanaysa Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo Shuf-beelay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London (SLpost)- Raysal-wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson, ayaa sheegay in uu aad uga murugooday dabka galaaftay suuqii ugu waynaa Somaliland ee Waaheen, isagoo sheegay in dowlada Ingriisku gacan ka gaysan doonto dib u dhiskiisa.

blankRaysal-wasaare Boris ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa Twitterka ku sheegay in ay murugo galisay in uu arko dhibaada uu dabku u gaystay suuqa Waheen ee Hargaysa, isaga oo sigaar ah u xusay dhibka gaadhay ganacsatada ku caydhoobay.

”Waxaa i murugo galisay in aan arko khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay Hargaysa ee khasaaraha intaa leeg u gaystay suuqan furan oo ahaa wadnaha dhaqaalaha magaalada, kaasi oo saameeyay ganacsiyo yar yar oo badan”, sidaas ayuu yidhi Boris Johnson.

Waxa uu sheegay in Hargeysa dib loo dhisi doono isla markaana ay dowladiisu gacan ka gaysan doonto dib u dhiskeeda, waxaanu yidhi, “Magaaladiinu dib ayay u soo noolaan doontaa, UK-na waxay qaban doontaa wixii ay awooddo inay ku taageerto dedaalka dib u dhiska ee Somaliland waddo”.

Masiibada dabka burburiyey Waaheen, waxa kale oo ka dareen-celiyey Masuuliyiin ka tirsan dowladda Ingriiska oo uu ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Dibadda UK Lis Truss, Wasiirka Arrimaha Afrika u qaabilsan UK, Vicky Ford, Wakiilka UK u jooga Somaliland Lizzy Walker iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska.

“Waa War naxdinta leh dabka khasaaraha badan geystay ee ka kacay magaalada Hargeysa ee Somaliland oo hadda lagu guuleystay in la xakameeyo.

UK waxay la shaqaynaysaa maamulka iyo saaxiibada caalamiga ah si ay taageero ugu raadiyaan taageero. Waxaan murugada la qayb-sanayaa dhammaan dadka ay saameeyeen.” Sidaas waxa tidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK Liz Truss.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories