HomeDowladda Ingiriiska oo Aqoonsatay Baasaboorka Somaliland iyo Guulaha ka dhashay Doorashadii Sannadkan

Dowladda Ingiriiska oo Aqoonsatay Baasaboorka Somaliland iyo Guulaha ka dhashay Doorashadii Sannadkan

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo soo bandhigay Laba Qodob oo ka mid ah Guulaha Somaliland ka heshay Doorashadii Isku-sidkaynayd ee Wakiillada iyo Deegaanka

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Doorashooyinku isku sidkanaa ee Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillkadu magac iyo Sumcad u soo hoyeen Somaliland, waxaanu guddoomiyuhu xusay inay jiraan guulo la taaban karo oo ka dhashay hirgelinta iyo nidaamkii ay u qabsoomeen doorashooyinkaasi.

blankGuddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hadal ka jeediyey munaasibad ay ku qalin-jabiyeen dufcaddii 9aad ee ka baxda Jaamacadda New Generation ee magaalada Hargeysa, waxa uu soo qaatay Laba Arrimood uu tilmaamay inay ka mid yihiin guulaha Qaranka u soo hoyday, kuwaas oo uu sheegay inay Somaliland uga yimaaddeen dhinaca dowladda Ingriiisku

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Guulaha ay doorashooyinkaasi u soo hooyeen Somaliland ka mid tahay in dowladda Boqortooyada Ingiriisku Aqoonsato Baasaboorka Somaliland, isagoo sheegay in baasaboorka Somaliland ka mid noqday documentiyada Sharciga ah ee laga aqoonsan yahay gudaha dalkaas. Waxa uu tusaale u soo qaatay in Qofka reer Somaliland ee deggen dalka Ingiriiska ee ku dhoofay baasaboorka Somaliland uu gudaha dalkaas account kaga furan karo sida qof kasta oo Ingiriiska u dhashay looga baahan yahay inuu keensado Documentiyadiisa aqoonsiga marka uu xisaab ka furanayo bangiyada dalkaas.

“Waxaan idiin sheegayaa laba arrimood oo muhiim ah oo ay keentay doorashadaasi ayaa Ingiriiska ka soo baxay. Waa ta koowaade, qofka Baasaboorka Somaliland ku dhoofay ee Ingiriiska deggen, Akoon buu ku furan karaa baasaboorkaa, markaa waa la ictiraafay baasaboorkeenii,” Sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu qodobka labaad ee guulaha Somaliland ee doorashooyinkaas ka dhashay ku sheegay inay dowladda Ingiriisku Somaliland ku dartay Waddamo ku yaalla qaaradda Afrika oo ay ka hirgelinayso maalgeshi ay ku bixinayso kumanaan Milyan oo Dollar.

“Shirkad la yidhaado CDC oo qiimaysa soona saarta dhulka nabadda ah ee Ingiriisku doonayo inuu maalgashado ayaa Somaliland ku dartay Liiska oo waxay doonayaan inay Berbera ku maalgashadaan 100 Milyan oo Dollar,” ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe oo intaas ku daray in maalgeshiga noocaas ahi suurto-galinayo shaqo-abuur badan.

Shirkadda CDC Group oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan Horumarinta Maaliyadda Maalgeshiga, ayaa shaacisay inay lacag dhan 1.2 Bilyan ku maalgelinayso dhowr waddan oo ku yaalla qaaradda Afrika, kuwaas oo Somaliland ka mid tahay. Maalgeshiga dowladda Ingiriiska ayaa si gaar ah u khuseyaa dhowr dekedoodo oo marsada Berbera ka mid tahay.

Tallaabada maalgeshi ee dowladda Ingiriiska ayaa ku yimi kaddib markii heshiis is-afgarad dhexmaray shirkadda DP World oo $400 Milyan ku maalgeshiday dekedda Berbera, waxaanay labada shirkadood toddobaadkan si wada-jir ah u shaaciyeen inay shirkadda CDC maalgeshiga Dekedda Berbera ku dari doonto lacag gaadhaysa $320 Milyan, taas oo suurto-galinaysa in Dekedda Berbera hesho maalgeshi la mid ah ka ay Shirkadda DP World ku bixisay ballaadhinta iyo Casriyeynta Dekedda Berbera oo la filayo inay ka mid noqoto hormuudka Dekedaha Caalamka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories