HomeDowladda Hoose ee Hargeysa oo taageero u ballan-qaadday Cusbitaalka Dhimirka ee Sahan...

Dowladda Hoose ee Hargeysa oo taageero u ballan-qaadday Cusbitaalka Dhimirka ee Sahan oo maamulkiisa ay bogaadiyeen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Cusbitaalka SAHAN oo lagu dabiibo, laguna daryeelo Dadka qaba Xanuunnada dhimirka oo ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxa Salaasadii shalay lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo loo sameeyay Dad ka qalin-jebiyey Xirfado la baray markii ay ka bogsadeen xanuunkii dhimirka oo markii hore goobta loo geeyay.

Xildhibaan Jamaal Cusmaan Cabdilaahi iyo Xildhibaan Maxamed Abiib Siikaawi oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Deegaanka Hargeysa oo lagu soo marti-qaaday munaasibadda, ayaa ballan-qaaday inay xarunta Sahan la garab-taagan yihiin taageeradooda isla markaana dowlad hoose ahaan ay qorshaynayaan sidii miisaaniyad u gaar ah loogu samayn lahaa Cusbitaalka Sahan oo ay xuseen in lagu soo hadal-qaaday fadhiyo ay yeesheen Golaha Deegaanka ee Hargeysa.

Xildhibaan Jamaal Cismaan Cabdilaahi ayaa xusay isbeddel iyo horumar la taaban karo oo Xarunta Sahan samaysay tan iyo markii la aasaasay sannadkii 2008-kii oo xildhibaanku sheegay inuu goob-joog u ahaa, waxaanu maamulka cusbitaalka Sahan ku hambaleeyey dedaalka uu u galay horumarinta adeegyada Xarunta iyagoo aan taageero buuran ka helin xukuumadda.

Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Wasaaradda Shaqo-gelinta oo munaasibadda ka hadashay, ayaa dhankeeda ballan-qaadday inay wasaarad ahaan cusbitaalka ka caawinayaan sidii shaqo-abuur loogu samayn lahaa Dadka ka bogsada Xannuunka dhimirka, ayaa maamulka Sahan Hospital u soo jeediyey inay hirgeliyaan xarun u gaar ah oo lagu daryeello Haweenka Qaba xannuunada Dhimirka.

Muuqaalka Hoose kaga Bogo Hadalka masuuliyiintu ka jeediyeen munaasibadda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories