HomeDowladda Farmaajo oo Maamulka Puntland ka Caawinaysa Duullaan Milatari oo ay ku...

Dowladda Farmaajo oo Maamulka Puntland ka Caawinaysa Duullaan Milatari oo ay ku soo qaadaan Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

“Waxaan rabaa inaan halkan cod dheer ku yidhaahdo maanta inay fursad u tahay oo ay shirka ka soo baxdo in gobollada maqan ee Puntland la soo celiyo. Waxay Cashar u noqonaysaa kuwa doonaya inay Soomaali kala gooyaan.” – Wasiirul-dowlaha Maaliyadda ee Soomaaliya

Garowe (SLpost)- Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa maamul-goboleedka Puntland u ballan-qaadday inay ku garab-taagan tahay wax ay ku tilmaantay “La soo-noqoshada iyo dib u soo celinta gobollada Maqan ee Puntland”, tallaabaas oo ay ku sheegtay mid cashar u noqonaysa “kuwa doonaya inay kala gooyaan Soomaaliya” oo uu markaas ula jeedo Jamhuuriyadda Somaliland.

blank
Wasiirul-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim

Wasiirul-Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim oo maanta khudbad ka jeediyey gebo-gabada Shirka Wada-tashiga Maamul-goboleedka Puntland oo maalmihii u dambeeyey ka socday Garowe, ayaa halkaas ka jeediyey hadallo uu madaxda maamul-goboleedkaas ugu dhiirri-gelinayo inay qaadaan colaad hor leh oo ay la galaan Somaliland, maadaama deegaamada Maqan ee uu ka dhawaajiyey yihiin gobollo ka tirsan Somaliland.

Mr Maxamuud Xayir Ibraahim oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya, dhalasho ahaanna ka soo jeeda Magaalada Boosaaso ee maamul-goboleedka Puntland, waxa uu sheegay in dowladda uu ka tirsan yahay ee Soomaaliya ku garab-taagan tahay maamulka Puntland dariiq kasta oo ay maraan la soo noqonaya dhulka ka maqan.

Isagoo Arrimahan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Waxaan rabaa inay shirkan ka soo baxdo midnimada iyo kalsoonida dadka reer Punland. Waxaan rabaa inay ka soo baxdo dhulka iyo deegaanka Puntland lagu aasaasay oo is-wata oo wada-jir ah. Waxaan rabaa inaan halkan cod dheer ku yidhaahdo maanta inay fursad u tahay oo ay shirka ka soo baxdo in gobollada maqan ee Puntland la soo celiyo. Waxay Cashar u noqonaysaa kuwa doonaya inay Soomaali kala gooyaan iyo inay ka samraan waxay ku hamiyeyaan.”

Masuulkan oo hadalkiisu u muuqday mid colaad hurinaya, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Madaxweyne (Deni) waxaan kugu tebayaa geesinimo iyo hoggaan wanaagsan, adiga iyo dowladdaaba garab baanu idinku siinaynaa wada-jirka iyo midnimada Puntland.”

Mar uu ka hadlayey faa’idada maamulkaas ugu jirta dowladda Federaalka ah iyo sida ay uga go’an tahay inay ahmiyadda kowaad ee dhinaca maalgelisha iyo deeqaha caalamka siinayaan, waxa uu yidhi, “Waxaan haysanaa dowlad federaal ah oo soo kabanaysa, Puntland ayaa ka mid ah gobollada ka tirsan federaalka. Dhowaan waxa la filayaa in deynta laga saamaxo Soomaaliya, waxaana laga gaadhayaa in aynu helno Maalgeshi, aaminaad, waxaana ugu horreeya oo ka faa’idaysan doona dadka iyo dowladda Puntland oo nabad lagu yaqaano.”

Hadalka ka soo yeedhay masuulkan ayaa ku soo beegmaya iyadoo Axaddii todobaadkan oo shirkaasi furmay ay madaxda maamul-goboleedkaasi ka sheegeen inaanay aqbalayn  qabsoomidda wada-hadallo u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya oo aanu maamul-goboleedka Puntland ka qayb-galin.

Si kasta ha ahaatee, masuulkan oo hoggaaminayey wefti ka socda dowladda Soomaaliya oo ka qayb-galay shirka maamul-goboleedka Puntland, ayaa hadalkiisu ka tarjumayaa mowqifka dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo cadaawadda uu u qabo Jamhuuriyadda Somaliland.

Somalilandpos.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories