HomeDowladda Ethiopia oo Xaalad Deg-deg ah Gelisay Dalkeeda iyo Go’aamo Saamayn leh...

Dowladda Ethiopia oo Xaalad Deg-deg ah Gelisay Dalkeeda iyo Go’aamo Saamayn leh oo uu soo saaray Raysal-wasaare Abiy Ahmed

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Raysal-wasaaraha dalka Ethipia, Abiy Ahmed, ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Laamaha amniga amniga ee dalkaas, waxaana kulankaas lagu faaqiday tallaabooyinka ugu muhiimsan ee ay dawlad ahaan ka qaadanayaan diyaar-garowga cudurka Covid-19 oo si xawli ah ugu fidaya adduunka.

blankKulankan oo salka ku haya heerka xawliga ah ee faafitaanka cudurku ku hayo adduunka iyo kiisaska sii kordhaya ee laga xaqiijiyay gudaha Ethiopia, waxa uu raysal-wasaaraha Ethiopia ku dhawaaqay Guddi heer Wasiir ah oo ay ku jiraan guddi hoosaad qaabilsan dhinaca amniga

Sida ay baahisay wakaaladda wararka ee APO oo Somalilandpost.net warkan ka soo xigatay, wada-hadal qoto dheer kadib, waxa uu raysalwasaaraha Ethiopia ku dhawaaqay tallaabooyinka dowladdiisu ka qaadatay xakamaynta Caabuqa CoronaVirus.

Go’aamada uu shaacisay Raysal-waaaraha Abiy Ahmed, ayaa u qornaa sidan:-

  • Laga bilaabo maanta 23 March, 2020, Waaxda amniga waxay bilaabi doontaa inay dhaqan geliso talaabooyinka Guddiga Wasiirrada si loo joojiyo isu-imaatinka tirada badan ee dadka.
  • In Hay’adaha dowladda, oo ay kujiraan axsaabta siyaasadda, ay u hoggaansamaan yaraynta Isu-imaanshiyaha iyo kulamada bulshada.
  • In Hay’adaha dowladdu ay fududeeyaan fursado ay Shaqaalaha qaarkood guryaha uga soo shaqayn karaan iyadoo la eegayo hadba xaaladdu siday tahay.
  • In Gawaadhida dadweynuhu ay joojinayaan buux-dhaafka, waxaana kormeer ku samayn doona ciidamada nabad-gelyada waddooyinka iyo hawl-wadeeno kale.
  • In Ciidamada Difaaca Qaranka iyo Boolisku sameeyaan diyaar garow dhexdooda ah, una diyaar garoobaan qabashada howlaha heer qaran ee ka hortagga cudurka.
  • In Tallaabooyin sharci laga qaadayo ganacsiyada sida sharci-darrada kor ugu kicinaya qiimaha badeecadaha.
  • In Saxaafaddu door muhiim ah ka qaadato sidii kor loogu qaadi lahaa wacyi-gelinta bulshada ee ka-hortagga caabuqa CoronaVirus.
  • In Ciidamada Difaaca Qaranka joojinaan isu socodka dadka ee xuduudaha oo dhan, marka laga reebo soo-gelinta badeecadaha muhiimka ah ee dalka.”

Warka ay baahisay wakaaladda wararka ee APO, ayaa lagu sheegay in Raysal-wasaare Abiy uu shaaciyey in gobollada uu dalkaasi ka kooban yahay laga hirgelinayo xarumo Karantiil iyo xirfadleyaal caafimaad oo ka hawl-gala haddii ay dhacdo inuu cudurku ku fido dalkaas.

Waxa kale oo uu Raysal-wasaare Abiy sheegay in dowladda Federaalka ee Ethiopia 5 Bilyan oo Birr u qoondayso hawlaha u diyaar-garowga Cudurka COVID-19.

Dalka Ethiopia ayaa la xaqiijiyey 11 kiis oo caabuqa CoronaVirus ilaa immika, haseyeeshee waxa jira walaac laga qabo inay tiradu intaas ka badan, balse ma jiraan dad cudurka u dhintay oo la xaqiijiyey.

Sida ay sheegayaan wararka laga helayo warbixinnadii u dambeeyey ee la shaaciyey, tirada Kiisaska caabuqa Corona Virus ee caalamka ayaa kor u dhaafay 340,000, halka tirada dhimashaduna kor u dhaaftay 15,600 qof.

Warku waxa uu intaad ku daray in ku-dhawaad 100,000 qof oo ka mid ah tiradada guud ee kiisaska ka jira caalamka, ay ka soo kabteen xannuunka isla markaana xaaladdooda caafimaad wanaagsan tahay.

 

Somalilandpost.net

editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories