HomeDowladda Ethiopia Oo Si Rasmi u Xaqiijisay Aqoonsiga Somaliland

Dowladda Ethiopia Oo Si Rasmi u Xaqiijisay Aqoonsiga Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Ethiopia Ambassador Misganu Arga, ayaa shaaca ka qaaday inay dowladdiisu aqbasashay isla markaana heshiis kula gashay Somaliland inay u aqoonsato waddan madax-bannaan.

Hadalka ka soo yeedhay Ambassador Misganu ayaa noqonaya masuulkii ugu horreeyey Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Ethiopia ee xaqiijinaya in Ethiopia Aqoonsi buuxa siinayso Somaliland si ay fursad ugu hesho helitaanka dhul-badeed ay isticmaalaan Ciidamadeeda badda, sida aanu ka soo xigannay Idaacadda BBC Amharic oo warkan baahisay.

Somaliland iyo Ethiopia ayaa Isniintii shalay Magaalada Addis Ababa ku kala saxeexday heshiis is-faham oo labada dhinacba faa’ido u leh, kaas oo Dowladda Ethiopia u oggolaanaya inay Somaliland muddo 50 sanno ah Ethiopia ka kirayso dhul-xeebeed 20KM, taas beddelkeedana ay Ethiopia noqonayso dalka ugu horreeya ee Aqoonsi buuxa siiya Somaliland.

Qodobbada heshiiskan waxa si wada-jir ah Qalinka ugu duugay madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi iyo Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed oo labadooduba sharraxaad ka bixiyey nuxurka heshiiska dhexmaray labada dhinac.

Madaxweynaha Somaliland oo hadal ka jeediyey goobta heshiiska lagu kala saxeexday, waxa uu sheegay in Ethiopia noqonayo Dalka ugu horreeya qaaradda Afrika ee si rasmi u aqoonsada madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland.

La-taliyaha Amniga ee Ra’iisal-wasaaraha Ethiopia, Danjire Ridwaan Xuseen, oo warbaahinta u faahfaahiyey nuxurka heshiiska, ayaa sheegay inuu heshiiskani u oggolaanayo Somaliland inay Saami ku yeelato labada shirkadood ee ugu waaweyn Ethiopia ee Ethiopia Telecom ama Ethiopian Airlines midkood.

In kasta oo arrinta Aqoonsiga Somaliland ee heshiiska ku jirtay aanay xusin madaxa Ethiopia hadalkooda kulankii shalay, haddana waxa arrintan maanta kaga dhawaajiyey, si rasmi ah u xaqiijiyey Wasiirul-dowlaha Arrimaha dibadda Ambasador Misganu oo arrintan kaga hadlay qoraal uu maanta ku baahiyey bartiisa X.

“Waanu aqbalnay Aqoonsiga Dowladda Somaliland,” sidaas ayuu yidhi Wasiirul-dowlaha Arrimaha Dibadda Ethiopia oo daba-socday hadalka madaxweynaha Somaliland ee ku saabsan Qodobka Aqoonsiga ee uu sheegay inuu ku jira Heshiiska Dhexmaray labada waddan.

Heshiiska dhexmaray dowladaha Somaliland iyo Ethiopia, waxa si weyn uga cadhooday Dowladda Soomaaliya oo sharci-darro ku tilmaantay, waxaanay Xukuumadda Addis Ababa ku eedaysay xad-gudub dhuleed oo ka dhan ah dalweynihii layku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ah sharciyadda Dowladnimadii ay hore ugu midoodeen Somaliland iyo Somalia, balse aan hadda jirin.

Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta hadal ka jeediyey kulan deg-deg ah oo baarlamaanka dalkaasi yeeshay, ayaa sheegay inay Ethiopia u oggol yihiin Bad ay isticmaasho ay soo marto dariiqa saxda ah.

Heshiiska labada dowladood, ayaa ku kallifay Somalia inay qayla-dhaan u dirsato dalka Masar oo cadaawad siyaaadeed iyo mid juquraafi ka dhexeeyo Ethiopia, kaddib markii madaxweynaha Soomaalia Xasan Sheekh Maxamuud caawa khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Masar Abdul Fattah El-Sisi.

War-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka madaxtooyada Masar caawa, ayaa lagu sheegay in wada-hadalka labada madaxweyne lagu soo qaaday xaaladaha ka soo cusboonaaday Gobolka, isagoo intaas ku daray ku daray in Madaxweyne El-Sisi u xaqiijiyay dhiggiisa Soomaaliya mowqifka Masar ee ah inay garab taagan tahay Soomaaliya isla markaana ka taageerayso amnigeeda iyo xasiloonideeda.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories