HomeDowladda Ethiopia oo sheegtay inay dib-u-qabsadeen Laba Magaalo oo muhiim ah

Dowladda Ethiopia oo sheegtay inay dib-u-qabsadeen Laba Magaalo oo muhiim ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Addis Ababa (SLpost)- Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Ethiopia ayaa xoogagga Tigrey-ga dib u qabsaday magaalooyinka Istaatarjiga ah ee Dessie iyo Kombolcha, sida lagu sheegay war ka soo baxay dowladda Ethiopia Isniinta maanta.

Malleeshiyaad taabacsan Jabhadda Tigreega ee TPLF ayaa horaantii bishii November la wareegay gacan ku haynta magaalooyinkan oo ka tirsan gobolka Axmaarada, xilligaas oo ay ku hanjabeen inay gaadhi doonaan caasimadda Addis Ababa.

blankSida aanu ka soo xigannay wakaaladda wararka ee Reuters, ma jiraan ilo-wareedyo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada dowladda Ethiopia, afhayeenka jabhadda TPLF oo wakaaladdu isku dayday inay xidhiidh la samayso, uma suurto-galin inay khadka telefoonka ku helaan wariyeyaal ka tirsan tirsan Reutes oo la xidhiidhay.

Sidoo kale, waxa ay Reuters sheegtay inaanay xaqiijin Karin dib-u-qabshada dowladda ee labada magaalo oo la sheegay in khadka isgaadhsiintu ka go’an yahay.

Dowladda Ethiopia ayaa toddobaadkii hore shaacisay inay dib u qabsadeen magaalooyin ka tirsan gobollada Amxaarada iyo Canfarta oo xogagga Tigray-gu qabsadeen bishii hore.

Guulaha ay gaadheen Milatariga Ethiopia ayaa soo baxay kaddib markii uu Raysal-wasaare Abiy Ahmed ka tagay caasimadda Addis Ababa si uu furinta hore uga hoggaamiyo dagaalka.

Xoogagga Tigray-ga ayaa toddobaadkii hore sheegay inay samaynayaan isbeddelo dhinaca istaraatajiyadda dagaalka ah, balse faahfaahin kamay bixin sababta kalliftay go’aanka io sida ay wax u dhaceenba.

Dagaalka u dhexeeya Milatariga federaalka Ethiopia iyo Xoogagga TPLF oo muddo sannad ka badan socday, ayaa galaaftay nolosha kumanaan Shacab ah, waxaana ku barakacay malaayiin Qof, iyadoo in ka badan sagaal Milyan oo Ethiopian ahi xilligan ku tiirsan yihiin gargaarka hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ee ka hawl-gala gudaha Ethiopia iyo Dalalka deriska.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories