HomeDowladda Ethiopia oo ka Jawaabtay Hadal Donald Trump ku sheegay inay MASAR...

Dowladda Ethiopia oo ka Jawaabtay Hadal Donald Trump ku sheegay inay MASAR burburiso Biyo-xidheenka Webiga Nile-ka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Itoobiya ayaa cambaareysay wax ku tilmaantay hanjabaad dagaal oo ku saabsan biyo-xidheenka weyn ee laga dhaliyo korontada ee dalkaas oo madaxweynaha Maraykanku ku sheegay in ay Masar burburin doonto.

Madaxweyne Trump ayaa hadalka Hanjabaadda ah kaga dhawaajiyey Jimcihii shalay oo uu shir-jaraa’id ku sheegay in dalka Sudan dib u soo noolaynayo xidhiidhka dibloomasiyadeed ee Israa’iil.

“Waxay ku dambayn doonaan inay qarxiyaan biyo xidheenka,” sidaas ayuu yidhi Trump oo hadalkiisa ula jeeday dalka Masar, waxaanu intaas ku daray, “Hore ayaan u idhi, immikana cod-dheer baan ku leeyahay way qarxin doonaan Biyo-xidheenkaas, waa inay wuxuun sameeyaan,” sidaas ayuu Trump ku sheegay hadalkiisa oo dowladda Itoobiya ku sheegtay hanjabaad dagaal.

blank

Mashruuca biyo-xidheenka weyn ee Ethiopia oo ay ku baxday lacag dhan $4.6 Bilyan, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii malaayiin Qof oo reer Itoobiya ah looga saari lahaa Saboolnimada, haseyeeshee waxa uu xiisad ka dhex-abuuray dalalka ay Jaarka yihiin ee Sudan iyo Masar oo si xooggan ugu tiirsan biyaha Webiga Nile ee Biyo-xidheenka laga dhisay.

War-saxaafadeed Sabtida maanta ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed, ayaa lagaga jawaabay hadalka Trump, kaas oo lagu sheegay inaanu dalkoodu diyaar u ahayn nooc kasta oo gar-darro ah.

“Hanjabaadahaas iyo aflagaadooyinkaas lagula kacay qaranimada Itoobiya waa kuwo aan loom eel-dayin oo aan waxba ku fadhiyin, waana ku tumasho cad oo sharciga caalamiga ah meel lagaga dhacay,” Sidaas ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Ethiopia oo aan lagu soo hadal-qaadin madaxweyne Trump iyo Maraykanka midkoodna.

Waxa kale oo war-saxaafadeedka lagu yidhi, “In kasta oo aanu nahay waddan soo koraya, waxa laga yaabaa in saboonimo soo wajahdo Ethiopia, laakiin waxaanu hodan ku nahay taariikh facweyn, shacab waddaniyiin ah oo u heellan inay difaacaan madax-bannaanida dalkooda, hamigooduna yahya inay barwaaqo gaadhaan.”

Raysal-wasaarihii hore ee dalka Ethiopia, Hailemarim Dessalegn, ayaa isaguna ka jawaabay hadalka ka soo yeedhay madaxweyne Trump oo uu ku tilmaamay mid macno-darro iyo masuuliyad-darro xambaarsan.

“Ninkaasi fikrad kama haysto waxa uu ka hadlayo. Itoobiya iyo shacabkeedaba weligood looguma hanjabin weedhaha noocaas ah ee masuuliyad-darradu ka muuqato. Taariikhda ayaa wax u sheegi doonta cid kasta,” Sidaas ayuu yidhi Hailemarim oo qoraalkiisa ku baahiyey barta Twitter-ka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Itoobiya Gedu Andargachew, ayaa markii dambe u yeedhay safiirka Mareykanka u fadhiya Addis Ababa Mike Raynor si uu faahfaahin uga siiyo hadalka ka soo yeedhay madaxweyne Trump.

“Hadal dhiirri-gelinaya dagaal ka dhex qarxa Itoobiya iyo Masar oo ka yimaadda madaxweyne Mareykan ah oo xilka haya kama tarjumayo xidhiidhka qotada dheer iyo isbahaysiga istiraatiijiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Mareykanka. Sidoo kale ma aha mid la aqbali karo marka loo eego sharciga caalamiga ah ee jidaynaya xidhiidhka u dhexeeya dowladaha”, Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ethiopia.

Horraantii Sannadkan ayay ahayd markii uu madaxweyne Trump ku dhawaaqay inuu hakiyey malaayiin Dollar oo dowladda Maraykanku ku caawin jirtay dalka Ethiopia sababo la xidhiidha muranka ka taagan dhismaha Biyo-xidheenka, hadalkaas oo ka xanaajiyey dowladda Ethiopia.

Madaxweyne Trump, ayaa mar kale arrintaas ka hadlay Jimcihii shalay isagoo yidhi, “Weligood dib uma arkayaan lacagtaas haddii aanay u hoggaansamin heshiiskaas”.

Dalka Itoobiya ayaa ku doodaya in mashruuca biyo-xidheenka uu ka caawin karo inay quwadda Korontada u iib-geeyaan dalalka dibadda isla markaana horumariyaan koboca dhaqaalahooda. Dalka Masar ayaa ku tiirsan biyaha webiga Niil si biyo ku filan ay u heelaan beeraleydeeda iyo Shacabkeeda oo gaadhaya 100 milyan halka Suudaan la daalaa dhaceyso abaaro soo noqnoqda.

Ma jiro hadal ku saabsan weedhaha Donal Trump oo ka baxay dowladda Masar, Haseyeeshee, Masar waxay marar badan ku celcelisay inay doonayso in lagu xaliyo muranka biyo xidheenka iyada oo loo marayo waddo diblomaasiyadeed, laakiin sidoo kale waxay sheegtay inay adeegsanayso wax kasta oo ay ku difaacayso danaha shacabkeeda.

Nile-ka Buluugga ah oo ka farcama harada Tana ee dalka Ethiopia iyo Nile-ka Cad oo ka taga harada Victoria, ayaa biyahoodu isaga darsamaan magaalada Khartuum ee dalka Sudan, markaas oo ay isku noqdaan Webiga Nile-ka. Boqolkiiba 85 biyaha webiga Nile, ayaa ka yimaadda dalka Ethiopia.

Dowladda Ethiopia ayaa qorshaysay biyo-xidheenka oo dhismihiisu gebo-gabo ku dhawyahay si dhammaystiran shaqadiisa loo hawl-galin doono badhtamaha sannadka 2023-ka.

 

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories