HomeDowladda Ethiopia oo Dacwado Argagixiso ku oogtay Jawar Maxamed iyo Siyaasiyiin kale

Dowladda Ethiopia oo Dacwado Argagixiso ku oogtay Jawar Maxamed iyo Siyaasiyiin kale

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Addis Ababa (SLpost)- Dowladda Itoobiya ayaa ka gudbiysay dacwado argagixiso oo loo haysto Jawaar Maxamed oo ah siyaasi mucaarad ah oo ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalkaas, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha Guud Sabtida maanta.

Jawar Maxamed oo ah aasaasaha warbaahinta Oromiya Media Network, xubin firfircoonna ka ah xisbiga Oromo Federalist Congress, ayaa la xidhay bishii Juun ee sannadkan xilli ay socdeen rabshado baahsan oo ka dhashay dilkii loo geystay fannaankii caanka ahaa ee Haacaaluu Hundeessaa oo u dhashay Qoomiyadda Oromada.

blank
Jawar Maxamed – [Sawirka: Tiksa Negeri/Reuters]
Jawar iyo 22 xubnood oo suxufiyiin, aqoonayahanno iyo siyaasiyiin ka mid yihiin, kana mid yihiin Bekele Garba oo ah hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka Oromada, ayaa loo haystaa dacwado laxidhiidha inay ku xad-gudbeen sharciyada la-dagaalanka argagixisada, sharciyada ka-hortagga qaababka sharci-darrada ah ee adeegsiga isgaadhsiinta iyo hubka, sida lagu sheegay qoraal uu baraha bulshada soo dhigay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee dalka Itoobiya.

Bayaanka ka soo baxay xafiiska xeer-ilaayaha Guud ayaa lagu sheegay in eedaysaneyaashan la hor-geyn doono Maxkamadda maalinta Isniinta ah ee todobaadkan.

Jawhar oo hore xulufo ula ahaa raysal-wasaare Abiy Ahmed ayaa kaalin muhiim ah ku lahaa isu-soo-baxyadii Oromada ee Abiy xukunka ku helay sannadkii 2018, haseyeeshee waxa uu markii dambe isu rogay mucaarad ka soo horjeeda siyaasaddiisa, isaga oo ku eedeeyay inuu ilaalin waayey danaha Oromada.

Tuuli Baayyis oo ah qareenka u doodaya Jawar, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters inay barashada bulshada ka ogaadeen eedeymaha loo soo jeediyay balse aan loo soo gudbinin waraaqo rasmi ah oo ka hadlaya eedamaymaha lagu soo oogay.

Eedaymaha loo haysto Jawar Maxamed, ayaa la xidhiidha Isku-dhacyo dhimasho sababay oo bishii July ee sannadkan ka dhacay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalkaas.

Ugu yaraan 140 ayaa ku dhintay bannaan-baxyo ka dhacay gobolka Oromada iyo caasimadda Addis Ababa ka dib isku dhacyo dhex maray ciidamada amniga iyo dibadbaxayaal dalbanayay in xorriyadooda loo soo celiyo siyaasiyiinta mucaaradka Oromada ee la xidhay.

Qalalaasaha ka dhex aloosan Oromada oo muddooyinkii u dambeeyey sii xoogaysanayay ayaa muujinaya caqabadaha horyaala raysal-wasaare Abiy ka hor doorashooyinka hore loogu muddeeyey inay dhacaan bishii August ee sannadkan balse markii dambe dib loogu dhigay dhibaatada xannuunka Covid-19.

 

Somalilandpost.net
editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories