HomeDowladda Djibouti oo Shaacisay Tirada Dad Hargeysa uga gudbay oo ay ka...

Dowladda Djibouti oo Shaacisay Tirada Dad Hargeysa uga gudbay oo ay ka Heshay Caabuqa Coronavirus

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Djibouti (SLpost)- Wasiirka Caafimaadka Jamhuuriyadda Djibouti Saalax Bunita, ayaa shaaca ka qaaday in Afar Qof oo cusub laga helay Caabuqa Coronavirus, kuwaas oo tirada Dadka xanuunkaa laga helay ee Jabuuti ka dhigaya 18 Ruux.

Afarta Qof, ayaa Xilliga xanuunka laga helay marayey magaalada Lawyo-caddo oo ku taalla Xadka Dalalka Jabuuti iyo Somaliland wadaagaan, isla markaana ka gudbayey dhinaca Somaliland, sida uu Wasiirka Caafimaadka Jabuuti Warbaahinta dowladda Jabuuti u sheegay Axaddii maanta.

Afarta Qof ee laga helay Cudurka Covid-19 oo Reer Jabuuti ah, ayaa intii ay Jabuuti xidhay Xuduudeheeda Cirka, Dhulka iyo Baddaba, ka dib waxay Dalka Itoobiya ka soo raaceen Diyaaradda Ethiopian Airlines, taas oo keentay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, halkaas oo ay ku hakadeen wakhti aan la shaacin.

Hase-yeeshee, waqti ka dib, ayey Afartaas Ruux gaadhi ka raaceen Hargeysa si ay Jabuuti dhinaca dhulka uga galaan. Balse waxa laga helay xanuunka markii lagu baadhay goobaha Hawl-wadeennada Caafimaadka la dhigay ee Kidinka laga galo Xadka Jabuuti ee Lawyo-caddo, waxaanu Wasiirka Caafimaadku sheegay in lagu karantiimeeyey afartaa Qof goobaha ay Dowladda Jabuuti uga diyaarisay Xadka ay Somaliland la wadaagto ee Lawyocaddo, Balse Somaliland dhinaceeda kamay hadal dadkaas sheegtay inay Hargeysa ka soo degeen oo dhinaca dhulka uga gudbayeen Jabuuti.

Somaliland, ayaa Xad la leh Dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Soomaaliya oo dhammaantood shaaciyey Kiisaska Dad uu ku dhacay Cudurka Corona-virurs Covid19 in dalalkooda laga helay, kuwaas oo Jabuuti ah 18 Qof, halka Itoobiya ka tahay 19 iyo Soomaaliya oo 3 Qof ah inta ay Wasaaradaha Caafimaadka ee Dowladahaasi shaaciyeen. Balse, Somaliland waxay sheegtay inaanu weli Halkiis oo Covid-19 ahi ka jirin Dalkeeda, iyadoo ay weli furan yihiin Xuduudaha Cirka iyo Dhulka ee Somaliland, isla markaana Ganacsiyo Qaadka iyo Qudaartu ka mid yihiin uga yimaaddaan Itoobiya.

WARKAN OO FAAHFAAHSAN KA DAAWO MUUQAALKAN HOOSE

 

Guud ahaan caalamka inta la xaqiijiyey, waxa caabuqa CoronaVirus laga helay 670,000 qof, halka tiro ka badan 31,000 qof u dhinteen, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay jaamacadda Johns Hopkins ee dalka Maraykanka.

Dalka Talyaaniga, ayaa ah waddanka ugu badan ee cudurkani faraha baas ku hayo iyadoo tirada dadka u dhintay lagu sheegay inta ka badan 10,000 qof, waxa kaalinta labaad ku jira dalka Spain oo tirada dhimashadu kor u dhaaftay 6,000 qof.

 

Somalilandpost.net
contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories