HomeDowladda Canada Oo Lagu dhaliilay Doorka ay ka Qaadatay Taakulada Dib-u-dhiska Suuqa...

Dowladda Canada Oo Lagu dhaliilay Doorka ay ka Qaadatay Taakulada Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Ottowa (SLpost)- Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Dowladda Canada iyo jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalkaas, ayaa xukuumadda ugu baaqay inay $10 Milyan kaga qayb-qaadato taakulada dhaqaale ee dib-u-dhiska Suuqa Waaheen.

blank
Qayb ka mid ah Suuqa Waaheen oo Shuf-beelay – Xuquuqda Sawirka Mataan Yuusuf/AFP

Xubno ka tirsan Jaaliyadda Somaliland ayaa toddobaadyadii u dambeeyey kulamo kala duwan la qaatay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka si ay dowladda federaalka ah ee Canada culays dheeraad ah ugu saaran gurmad dhaqaale oo deg-deg ah maalmo kaddib masiibadii dabka ee burburiyey suuqa Waaheen.

Isbahaysiga Jaaliyadda Canada ee Dib-u-dhiska Suuqa Waaheen oo ay ku midoobeen shacaba Somaliland ee ku dhaqan dalkaas oo kaashanaya xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka, ayaa waraaq ay kaga dalbanayaan gurmad dhaqaale oo deg-deg ah u diray Xafiiska Wasiirka gargaarka caalamiga ah ee dowladda Canada.

Guddoomiye ku xigeenka isbahaysiga CARHM (Canadian Alliance to rebuild Hargeisa Market), Canab Maxamed oo u warrantay jariiradda Globe & Mail, ayaa sheegtay inay saluugsan yihiin taakulada dhaqaale ee dowladda Canada kaga qayb-qaadatay dib-u-dhiska suuqa Waaheen, iyadoo sheegtay inay boqol laab ka badan tahay dhaqaalaha ay iska ururiyeen jaaliyadda Somaliland.

“Waxaanu ka filaynaa xukuumadda Canada inaanay lumin fursadda ay ku kasban karayso Shacabka, waxaanu ka doonaynaa inay bixiso lacag ku dhow qaadhaanka ay ururiyeen jaaliyadda Somaliland,” sidaa waxa tidhi Canab Maxamed.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gargaarka Caalamiga ah ee Canada, ayaa war-murtiyeed uu soo saaray ku sheegay inay dowladdu ilaa hadda bixisay $30,000 oo ay sii dhex-mariyeed hay’adaha Bisha Cas iyo laan-qayrta cas. Balse waxa uu afhayeenku sheegay inay ku hawlan yihiin qiimayn ay ku xaqiijinayaan haddii gargaar dheeraad ah loo baahdo.

Isbahaysiga Dib-u-dhiska suuqa Waaheen iyo xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka Canada, ayaa xukuumadda Canada ku dhaliilay xaddiga lacageed ee ay ku deeqday oo ay ku tilmaameen mid aan laga filaynin Xukuumadda Ottowa.

Xildhibaan Garnett Genuis oo Xisbiga Conservative ugu jira baarlmaanka Canada, ayaa wargeyska Globe and Mail u sheegay inuu dowladda Canada kala hadlay qorshaheeda ku wajahan taageerada dib-u-dhiska suuqa Waaheen. Waxa kale oo uu sheegay inuu dowladda Canada ka dalbaday inay ka badheedho mowqifkeeda ku wejahan meeqaamka siyaasadeed ee ay kula macaamilayso Somaliland iyo qadiyadeeda madax-bannaanida.

Dowladaha Ingiriiska, Jabuuti, Taiwan iyo Soomaaliya ayaa ilaa hadda ka mid ah dowladaha caalamka ee sida tooska ah ugu yaboohay Dhaqaalaha ay kaga qayb-qaadanayaan dib-u-dhiska Suuqa Waaheen, iyadoo qaybo ka mid ah dhaqaalahaas toos loogu soo shubay Sanduuqa gurmadka iyo Taakuleynta Suuqa Waaheen.

Dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya, ayaa midkiiba Hal Milyan oo Dollar kaga Qayb-qaatay dib-u-dhiska Suuqa Waaheen. Sidoo kale, Dowladda Taiwan, ayaa Arbacadii toddobaadkan ku yaboohday Nus Milyan Dollar oo ay ugu talo-gashay dib-dhiska Suuqa iyo Taakulaynta Ganacsatada.

Suuqa Waaheen oo lagu tilmaamo udub-dhexaadka Dhaqaalaha caasimadda Hargeysa, ayaa ku shuf-beelay dab qabsaday 1-dii bishan April, waxaana dabku baahiyey in ka badan 2,000 meheradood halka 28 qof dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen.

Qiimeyn ay soo saareen Guddiga gurmadka iyo Taakuleynta Suuqa Waaheen 2-dii bishan, waxa ay ku sheegeen in dabku sababay khasaare dhaqaale oo lagu qiyaasay in u dhaxaysa $1.5 Bilyan ilaa $2 Bilyan.

Hay’adda Sahamiye Foundation oo si weyn uga qayb-qaadatay gurmadka dhaqaale ee lagu taakuleynayo ganacsatada, ayaa lacago deeq ah oo gaadhaya $313,700 u qaybiyey 761 Qof oo ah ganacsatada yar-yar ee Suuqa Waaheen.

Madaxweynaha Somaliland oo ay weheliyaan guddiga heer qaran ee Taakuleynta Suuqa Waaheen, ayaa 16-kii bishan lacago u qeybiyey 988 Qof oo ka mid ah ganacsatada yar-yar ee Suuqa Waaheen, kuwaas oo ganacsigooda lagu qiimeeyey inta u dhaxaysa $73 ilaa $5,000, kuwaas oo wadar ahaan la siiyey lacag ka badan $1.8 Milyan.

Sidoo kale, Guddiga heer Qaran ee Taakuleynta Suuqa Waaheen, ayaa shalay ganacsatada Suuqa Waaheen u qaybiyey lacag dhan $6.8 Milyan u qaybiyey Ganacsatada Suuqa Waaheen.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories