HomeDowladda Burundi oo shaacisay Tirada Ciidamo lagaga dilay Soomaaliya Sabtidii Todobaadkan

Dowladda Burundi oo shaacisay Tirada Ciidamo lagaga dilay Soomaaliya Sabtidii Todobaadkan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Nairobi (SLpost)- Sida ay tibaaxeen warar dheeraad ah oo kasoo baxay weerar Sabtidii todobaadkan lagu qaaday Kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen ciidammada Burundi xilli ay marayeen inta u dhexeeyso Balcad iyo Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Weerarka oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab, waxa inta laga war-hayo ku dhintay tiro ka mid ah Ciidamada Burundi, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay Sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga Soomaaliya.

Jiritaanka warkan waxa xaqiijiyey oo ka hadashay dowladda Burundi oo sheegtay in 12 ka mid ah ciidamadooda nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya lagaga dilay weerarkaas, lix kalena kaga dhaawacmeen, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Burundi oo ku sugan magaalada Bujumbura ee caasimadda dalkaas.

blank

“Nasiib-darro, 12 ka mid ah ciidamadayada ayaa la dilay halka lix kalena ay ku dhaawacmeen weerarkii Sabtidii ay maleeshiyaadka Al Shabaab ku qaadeen xilli ay ciidamadu kasoo laabteen howl-gal. Waxay saarnaayeen kolonyo baabuur ah oo maraysay inta u dhexeeyso Jowhar iyo Muqdisho,” sidaas ayuu yidhi Sarkaal u hadlay dowladda Burundi oo ka gaabsaday inuu magaciisa xuso.

Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya, ayaa sheegatay inay ka dambeeysay weerarkaas, isla markaana ku dileen 14 kamid ah ciidamada Burundi oo ka tirsan hawl-galka Nabad-ilaalinta Xoogagga Midowga Afrika ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Somalilandpost.net
Somalilandpost@live.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories