HomeDowlada Ingiriiska Oo Cayintey Wakhtiga Uu Qabsoomaayo Shir ku saabsan Somaliya

Dowlada Ingiriiska Oo Cayintey Wakhtiga Uu Qabsoomaayo Shir ku saabsan Somaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

London,(SLpost)-Raysal-wasaaraha Ingriiska iyo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inay wada-jir u qaban qaabinayaan shir caalami ah oo Soomaaliya ku saabsan, waxaanay sidaas ku sheegeen xidhiidh telefoon oo ay yeesheen.

Qoraal saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron, ayaa lagu xaqiijiyay xidhiidhka telefoonka ee Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sh Maxamuud, iyo isaga dhex maray, “Raysal-wasaare Cameron waxuu wada hadal kala yeeshay shalay Madaxweynaha Soomaliya, Xassan Sh. Maxamuud horumarka dalku gaadhay ilaa doorashadiisii ka dib.” Ayaa lagu yidhi qoraalka Ingiriisku soo saaray.

Sida warku sheegay Madaxweyne Xassan Sheikh ayaa sheegay in muhiimadiisa koowaad tahay aburitaanka xasiloonida iyo kala dambaynta, isla markaana kobcinta hay’adaha maamul ee Soomaaliya. Raysal-wasaarahu waxuu ugu hambalyeeyey Madaxweynaha waxyaabaha ilaa xilligan ku guulaysteen.

Labada hogaamiye ayaa caddeeyey in Ingiriiska iyo Soomaaliya wada martigelin doonaan shir Soomaaliyeed oo caalami ah 7da bisha May ka dhici doona Ingiriiska. Shirkan oo sii dhisi doona guulaha shirkii sannadkii hore ka dhacay London si loogu helo taageero caalami ah horumarka la gaadhay.

Raysal wasaare, Cameron ayaa sidoo kale sheegay inuu u adeegsan doono madaxtinimada Uk ee wadamadda G8 inuu ku xoojiyo taageero dheeraad ah loo helo dedaalka xukuumada Soomaaliya ku doonayso noqoshada dal dimoqraadiyad horumar adag gaadha.

Lama oga inuu Ingiriisku shirkan ku soo martiqaadi doono dawladda Somaliland, maadaama oo uu shirkani daba socdo shirweynihii sannadkii hore ka dhacay magaalada London oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka qayb galay.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories