Home“Doqontu way qufacdaa, laakiin meesha laga raacay magarato” -.Cumar Axmed Cali

“Doqontu way qufacdaa, laakiin meesha laga raacay magarato” -.Cumar Axmed Cali

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankMurti Somaliyeed ayaa tidhaahda doqoni way qufacdaa, laakiin meesha laga raacay magarato.

Waxaan uga jeedaa, maanta oo kale markay xaaladuhu sidan u cakirmaan, waxa loo ciirsadaa dowladnimada oo dhabarka u ridata duruufa iyo waayaha qalafsan ee shacabka soo food saara.

Laakiin nasiibdaro, innagu qarankii aynu maanta oo kale ku baxsan la hayn hore ayaynu qabyaalad ugu curyaaminay, mana miro qaran awood ahaan maanta dabooli kara, baahida ay shacabkeenu la tiicayaan.

Haddii aynu maanta mudaharaadno iyo haddii aynu af qoti ku ooynana, midna abaaraha iyo sixir bararku ku joogsan maayaan, maxaayeelay, sixir bararka inna haystaa maaha mid gudaha ka dhashay ee waa mid dibada inagaga yimid, wax qudha ee maanta oo kale lagula tacaali karaana waa, awood dhaqaale iyo mid maamul oo horumarsan, saasina maaha mid ay maanta indhaheenu arkayaan.

Haddii koontiinarada ameerika ayaa ama shidaalka ay wadamada Carabtu soo saaraan, ama bariiska ay hindiya iyo pakistaan beertaan, aynu halkan ugaga muddaharaadayno waa sideeda, laakiin wax kale oo maanta faraha innoogu jiraa ma jiraan, marka laga reebo in aynu innagu dhexdeena is caawino Ilaahayna u toobadkeeno.

Sideedaba marka ay xaaladahan oo kale dhacaan, dowladuhu waxay qaadaan talaabooyinkan soo socda: Sixir bararka waxay ku maareeyaan, in ay alaabooyinka qaaaliyoobay kab ku sameeyaan, si uu qiimuhu halkii uu ka yimid ugu noqdo, ama se cashuurta ayay dowladdu ka dhaaftaa, si qiimuhu hoos ugu dhaco, labadaa midna awoodeedii innooma muuqato.

Sidoo kale markay abaaruhu dhacaan, dowladuhu waxay ku maareeyaan in dadkii abaartu wax-yeelaysay ay quudin iyo dib u dajin u sameeyaan, wixii xoolaha uga hadhayna calaf ayay ugu raadiyaan, laakiin se taa sugideedu maanta, waa riyo maalmeed uun.
Ugu danbayn, haddii ay bulsho ahaan innaga dhab tahay rabitaanka qaranimo maanta oo kale loo baxsado, maxaynu maalin walbana ugu taagan nahay qabyaaladda iyo kala qaybinta bulshada?.

Maxaynu maalin walba dowlanimada ugu miisanaa galaanka qabyaaladda, ee aynu u yagleeli waynay qaran maanta oo kale la irkado?.

Maxaynu maalin walba codkeena qabyaaladda iyo beelaysiga ugu hiilinaa, ee aynu qarannimada ugu hiilin waynay?.

Maxaynu maalin walba caqabadaha ugu gudubnaa, marka la damco in la soo saaro khayraadka dihin ee dhulkeena ceegaaga?.

Ummad waliba waxay dowladnimada gashato ayuun bay ka heshaa.

Ninba tacabkii togaay kaa maal.

cumaraxmed331@gmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories