HomeDooroonnayaal, ha Noqonina Kuwo Lagu Hungoobo

Dooroonnayaal, ha Noqonina Kuwo Lagu Hungoobo

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankWQ: Xuseen Cali Nuur

Qalabka farsamo ee ciyaartoyga iyo niyadda ay ku ciyaaraan, marka ay garoonka galaan waxay ku xidhan yihiin tababarka ay qaateen iyo hadba dareenkooda, sida loo diyaariyo inta aanay garoonka gelin ka hor.  Waxa kale oo ay ku xidhan yihiin jawiga guud ee ku geddaaman ciyaarta.

Waxa taas la mid ah loolanka siyaasiyiinta dhawr xisbi dhex mara xilliga doorashada. Qaabka doorashadu u dhacdo, laga bilaabo maalinta ololaha la bilaabo, maalinta codeynta, ilaa dharaarta lagu dhawaaqo natiijada waxay ku xidhan yihiin:

  • Mabaa’dida axsaabtaasi ay leeyihiin. Nooca doorashada, dhaqanka shacbiga iyo ujeeddada iyo hadafka hadba doorashadaas laga leeyahay.
  • Guusha doorashooyinkii isku sidkanaa ee indhaha dunida soo jiitay, caalamkuna la yaaban sida ay innoogu suurtogashay, waxa u sabab ah arrimo dhawr ah.

Shacbiga Somaliland oo xornimada iyo madaxbannaanida jecel, waayo-arag u ah doorashooyinka, horena u soo maray gumaysi iyo nidaamka Taliska kaligii taliyenimada.

Shacbiga oo waayo-arag u ah faa’iidooyinka halka qof iyo hal cod ah, iyo nabad ku wareejinta xilalka kala duwan ee Madaxtooyo, Golaha Wakiillada iyo Dawladaha Hoose.

Waxa ahmiyad gaar ah leh qaabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu dhaqanto dimuqraadiyadda oo aan ahayn, mid iyadoo duuduub ah la soo waariday, balse ah mid lagu saleeyey hannaan dhaqameed iyo deegaameed oo munaasib ku ah shacbiga Somaliland.

Dhaqameynta iyo deegaameynta oo wixii mushkilad ah ama iska-hor imaad kasta hore loogu soo xaliyey, iyadoo la isku tashanayo, Ilaahayna la talo saaranayo, lagana ilaalinayo farogelin shisheeye.

Saddexda xisbi qaran oo leh mabda’ kaliya. Mabda’aas oo ah in dalka la horumariyo, loona raadiyo aqoonsiga ay xaqa u leedahay, waxayna taasi shacbiga iyo dalka ka badbaadisay kala-qaybsan siyaasadeed oo ay xisbiyadu yeeshaan.

Mabda’a mideysan waxa muujiyey faa’iidadiisa madaxda xisbiyada, murrashaxiintii iyo taageereyaasha oo caddeeyey inay ku kala duwan yihiin oo kaliya qaabka dalka loo dhisayo, loo hormarinayo iyo aqoonsiga loo raadinayo.

Hadafka middaysan waxa ka dhashay inay isku goob ka wada codeeyaan taageerayaasha saddexda xisbi, iyagoo  astaamo kala duwan sita. Waxa kale oo faa’iidada ka mid ah inay ka marag kacayaan in xisbiga talada hayaa aan looga baqin ku shubashada doorashada.

Xildhibaannada la dhaariyey ama kuwa la dhaarin doono ee Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanka, waxaan xasuusinayaa, in dalka iyo deegaannadooda horumarkoodu ku xidhan yihiin, hadba danta guud sida ay uga horumariyaan danahooda gaar ahaaneed. Waxaan xasuusinayaa in Ilaahayna xisaabin doono inay maanka ku hayaan.

Waxaan leeyahay mar haddii aan kala duwanaansho fikir siyaasadeed oo kala fogeynayaa aanu jirin, in sida ay ololaha ku galeen, shacbigana ugu ballanqaadeen inay ku dhaqmaan, kuna shaqeeyaan.

Waxaan kula dardaarmayaa “Dooroonnayaal ha noqonina kuwo lagu hungoobo; balse noqda kuwo dalka iyo dadkuba u aayaan.

Qallinkii Suxufi Xuseen Cali Nuur

Hargeysa, Somaliland.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories