HomeDoorka Horumar Ee Uu Keenayo Maal-Gashiga Shirkadda MSG Group Ee Wershadda Sibidhka...

Doorka Horumar Ee Uu Keenayo Maal-Gashiga Shirkadda MSG Group Ee Wershadda Sibidhka Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Markii ay dhawaan soo baxday xogta la xidhiidha maal-galinta ballaadhan ee shirkadda MSG Group ka samaynayso mar kale Somaliland ee ay gaar ahaan wakhtigan ku hir galinayso mashruucii ugu weynaa abid intii Somaliland Jirtay oo ah hir galinta warshad weyn oo soo saarta sibidhka, sida la filayana sannadkii soo saarta 1.2 Milyan oo Tan oo Sibidh ah, muddo badanna baahi weyn loo qabay, waxa ay khubarada dhaqaalaha iyo ganacsigu ka hadlayaan saamaynta ballaadhan ee Horumar ee Mashruucani u yeelan karo qarankeena.

Inkasta oo aanu ahayn mashruucii ugu horreeyey ee Kambaniga MSG dalka ka hir galiyo, horena uu dalka uga dhisay mashaariic maal-gashi oo ballaadhan kuwaasi oo abuuray fursado badan oo shaqo iyo koboc dhaqaale ayaa waxa uu mar kale Mashruucani noqonayaa mid saamayntiisa leh iyada oo dad badani u arkaan in uu yahay mashruucii ugu weynaa ee dalka laga hir galinayo tan iyo intii aynu xornimada la soo noqonay.

Shaqo abuurka baaxadda leh ee uu keenayo mashruucani, dakhliga dhaqaale ee uu soo xeraynayo, cashuurta xukuumadda uga soo xeroon karta, isticmaalka loojistikada iyo fursadaha kale ee ku lammaan ayaa ah mid si weyn loo soo dhaweeyey wakhti dalku baahi u qabo hir galinta maal-gashi mashaariic waaweyn ah.

Eng. Maxamed Axmed Cali oo ka mid ahaa saraakiishii Warshadda Sibidhka ee wakhtigii xukuumaddii Soomaaliya ayaa ku baaqay in laga faa’iidaysto mashruucan weyn ee shirkadda MSG ku maal galinayso warshad Sibidh oo casri ah isaga oo sheegay in ay wax weyn ka tarayso dhinaca shaqada oo ay abuuri doonto in ka badan 3-kun oo shaqo.

Eng. Axmed oo ka hadlay muhiimadda mashruucan iyo baahida sibidhka loo qabo iyo saamaynta dhaqaale ee ay keeni karto ayaa yidhi: “Bal hadda qiyaas boqol baabuur oo min lix tan ah. Boqol darawal iyo Boqol Kirishbooy oo mar kali ah maalintii ka dhaqaaqa warshadda. Intaa laban laabkeed ayay awood u helaysaa shirkaddani. Gaadiidka bari iyo galbeed u kala baxaya ee Boqollaalka gaadhi ee xamuulka ah, dadka raraya, kuwa daabulaya iyo kuwa siyaalo kale shaqo uga sii helaya waxa ay noqon kartaa kumannaan shaqo. Wakhtigii Soomaaliya iyada oo dalku u baahnaa 300 oo kun oo tan sannadkii ayay warshadda sibidhku soo saartay 200 oo kun oo tan. Toddoba bilood oo kali ah oo shaqaynaysay. Way kafaysay runtii baahida sibidh ee dalka taallay wakhtigaa. Maantana haddii Somaliland laga hir galiyo waxa ay noqon kartaa mid waxtar weyn u yeelan karta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo baahida sibidh ee dhismaha intaba. Imika waxaan arkayay in qorshaha warshaddan cusubi yahay hal Milyan iyo laba boqol oo kun oo tan in ay soo saarayso sannadkii. Waxaa markaa ka imanaysa faa’iido laxaad leh oo dal iyo dadba anfacaysa. Suuqa dalka ayay saamayn weyn ku yeelanaysaa oo dhawr kun oo qof ayaa shaqo abuur noocyo kala duwan ah ka heli doona. Warshado yaryar oo kale ayaa ka hoos furmi doona oo sibidhka siyaalo kala duwan u sii farsameeya ”. ayuu yidhi Eng. Axmed Maxamed.

Shirkadda MSG Group iyada oo adeegsanaysa shirkaddeeda DIFC ee Dubai fadhigeedu yahay Horn Holding Group ltd (HHG) waxa ay heshiis la saxeexatay Bedeschi SPA dhismaha wejiga 1aad ee warshad sibidh ah kaas oo qaadan doona qiyaastii 18 bilood iyada oo la rajaynayo in uu noqdo awood wax soo saarkeedu dhan yahay 700 000 oo sibidh ah. Dhammaan Dhismaha Mashruucan ayaa qaadan doona 3 sanno in lagu dhammaystiro awoodda wax-soo-saarka 3300 t oo sibidh ah iyo 3000 t oo clinker ah maalintii. Heshiiska ayaa ka dhashay wada xaajood socday muddo sannad ah oo ay hogaaminayeen Bergs & More oo ah shirkad hormuud u ah sharciga, canshuuraha iyo latalinta maaliyadda oo fadhigoodu yahay dalalka Yurub, Bariga Dhexe iyo Afrika.

Maxamed Maxamuud Yuusuf (Ilkacase)
Hargeysa, Somaliland

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories