HomeDoorka Aqoonyahanku ku leeyahay Bulshada – W/Q: Suleiman Bashir Omar (Q.1AAD)

Doorka Aqoonyahanku ku leeyahay Bulshada – W/Q: Suleiman Bashir Omar (Q.1AAD)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

12Allaa mahad leh, Ammaan oo dhan isaga ayaa leh, qofkuu hanuuniyo ayaa hanuunsan, ninkuu lumiyana wax hanuunin karaa ma jiraan.

Akhwistoow waxaan qormadan oo ka koobnaan doonta dhawr qaybood aan ku soo koobi doonaa, Doorka aqoonyahanku ku leeyahay horumarka bulshada, marka horse, waa kuma aqoonyahanku? Maxaase looga baahan yahay Aqoonyahan? Muxuuse ku soo kordhin karaa bulshada?

Hadaba akhristoow waa kuma aqoonyahanku?

Aqoonyahan waa qof wax bartay oo aqoon gaarana u yeeshay cilmi gaara oo waxtar u yeesha bulshada. Waxa uu noqon karaa Dhakhtar, Sharciyaqaan, Dhaqaale-yahan, khabiir diimeed, siyaasadda iyo culuumta kale ee jirta nolosha aadanahana hore loogu mariyo.

Aqoonyahanku waa qofka ay dad badan oo bulshada ka mid ahi kaga daydaan aqoontiisa iyo kartidiisa inay gaadhaan si ay ugu faa’iideeyaan bulshada, waxa markaas looga baahan yahay in aqoonyahanku yahay mid ka hufan Qabyaalad iyo kala soocida bulshada, si uu bulshada inteeda kale ugu noqdo hormuud ay ku daydaan kartidiisa iyo waxqabadkiisa. Aqoonayahanku waa lafdhabarta bulshada waana kuwa ay dunidu ku kala horumartay. Umad kasta oo dunida bur bur iyo dhibaato ku habsatana waxaa bad-baadiya Aqoonyahankeeda, Waxgaradkeeda iyo Da’yarteeda oo ah dadka ay bulsho kastaa ku faanto.

Waxa waajib ah in qofkasta oo aqoonyahan ah uu ka soo baxo doorkii lagu yaqaanay aqoonyahanka ee xaga horumarka bulshada iyo ka shaqaynta midnimada, inkastoo ay jiraan maanta kumanaan aqoonyahano soomaaliyeed oo dunida dacaladeeda ku kala baahsan balse aanay maanta jirin wax midnimo ah oo ka dhaxaysa aqoonyahanka soomaalida meel kasta oo ay joogaan, waxaa la odhan karaa waxay gabeen kaalintoodii ay ku lahaayeen bulshada iyo horumarka dalka iyo dadka. Laakiin waxaa loo baahan yahay aqoonyahan dhab ah oo dadkiisa iyo dalkiisaba wax tara, ugana faa’iidaaye aqoontii uu soo bartay bulshada. Waa inuu yahay mid buuxiya kaalinta uu ku leeyahay bulshadiisa una tafaxayta sidii uu isagu uga qaybqaadan lahaa horumarka bulshada, hormuudna ugu noqon lahaa midaynta aqoonyahanka iyo bulshada inteeda kale. Aqoonyahankastaa waa inuu ka sheqeeyo midnimada, Horumarka iyo wax wada qabsiga bulshada si meel looga wada jeesto dhibaatooyinka dhaqaale ee bulshada haysta loona gaadho horumar waara oo bulshadu ku noolaato.

Waxaan wada ognahay in wadan walba oo aduunka horumara inay hormarkiisa ka danbeeyaan aqoonyahanno ku dadaalay sidii ay umadooda wax ugu qaban lahaayeen una horumarin lahaayeen. Hadaba maxaa aqoonyahankeenii u diiday inuu ka shaqeeyo horumarka dadkiisa iyo dalkiisa? Ma aqoonta ay barteen ayaan ku filnayan dadka? mise waxa ay barteen ayaan ahaynba wax aan dadkaba manfac iyo faa’iido u lahayn? Hadaba su’aalahan Jawaabohooda akhristoow adiga ayan kuu dhaafay.

Hadaba aan soo gunaanado qormada, Waxaynu maanta wada ognahay in dhamaan bulshada soomaaliyeed meel kasta oy joogtaba Cidna u maqnayn Ceelna u qodnayn waxaan ka ahayn aqoonyahanka laakiin aqoonyahanku waa inuu ogaadaa arintaas. Qofkasta oo aqoonyahan ah waxaa looga baahan yahay inuu ka warhayo kana qaybqaato doorka uu ku leeyahay bulshada.

LA SOCO QAYBAHA DANBE INSHA ALLAAAH.

Suleiman Bashir Omar

Kampala, Uganda.

Email: ibnubashiir99@hotmail.com

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories