HomeDoorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo la muddeeyey

Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo la muddeeyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Waxa galabta magaalada Muqdisho lagu soo gebo-gabeeyey Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya, waxaana laga soo saaray go’aamo khuseeya qabsoomidda doorashooyinka ila filayo inay dalkaas ka dhacaaan sannadkan.

Go’aamada ka soo baxay shirka Golaha Wada-tashiga, ayaa lagu muddeeyey xilliga ay qabsoomayaan doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Soomaaliya, iyadoo la soo saaray Jadwalka kala horeynta Doorashooyinka.

blank
Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya

Golaha Wada-tashiga Qaran ee Doorashooyinka Soomaaliya, waxa ay go’aamiyeen in doorashada madaxweynaha la qabto Bisha October ee sanadkan, halka doorashada Baarlamaanka loo muddeeyey inta u dhaxaysa 10-ka bisha August ilaa 10-ka bisha September ee sannadkan.

Jadwalka Diyaar-garowga iyo Qabsoomidda Doorashooyinka Soomaaliya, waxa lagu sheegay in inta u dhaxaysa 30 June ilaa 05 July 2021 la qaban doono tabobarka iyo Doorashada Guddoonka Guddiyada Doorashada.

23-ka bisha July ee sannadkan waxa loo muddeeyey diyaarinta Goobaha Codbixinta Doorashada, halka 25-ka July 2021 ayaa loo muddeeyey inay qabsoonto Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Inta u dhaxaysa 15 July ilaa 10 August, 2021, ayaa loo muddeeyey Soo xulista iyo diyaarinta Ergooyinka Doorashadda, halka inta u dhaxaysa 10 August ilaa 10 September loo muddeeyey inay qabsoonto Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Sida lagu shaaciyey Jadwalka lagu muddeeyey doorashooyinka, 20 September 2021, waxa lagu muddeeyey Dhaarinta Xildhibaanada iyo Doorashada Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka, halka ugu dambayn Jadwalka lagu sheegay in Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya qabsoomi doonto 10 October 2021.

Dhinaca kale, waxa go’aamada ka soo baxay shirka Golaha lagu sheegay in murashaxiinta Haweenka ah 50% ka dhimay kharashka laga qaadayo murashaxiinta Baarlamaanka.

Golaha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya ee maanta ku kulmay Muqdisho, ayaa ka kooban madaxda maamul-goboleedyada dalkaas iyo Raysal-wasaaraha DFS oo Guddoomiye u ah.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories