HomeDOORASHADII TIJAABADA AHAYD EE GDQ: Ahmiyadda yo Macnaha kale ee ay u...

DOORASHADII TIJAABADA AHAYD EE GDQ: Ahmiyadda yo Macnaha kale ee ay u lahayd Somaliland, xilliga lagu beegay iyo Qorshaha laga lahaa – W/Q: Xuseen Kurdi

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Doorashadii Tijaabada ahayd ee ay dhowaan qabteen  Gudida Doorashooyinka Qaranku oo Qorshaha laga lahaa ahaa in lala socdo sida loo waajahayo qabashada doorashada dawladaha Hoose oo la qorsheeyey in diiwaangelin la’aan la hirgeliyo, xilli astaanta musharaxa iyo sawirkiisa laga reebay in lagu calaamadiyo warqadda codaynta lana siiyo musharax walba Number gaar ah maadaama ay musharaxiinta iyo axsaabtuba ka badan yihiin sidii hore.  ayaa dhanka kale waxaa hubaal ah in doorashadaasi ay xambaarsanayd  ujeedooyin intaa ka fog oo ahmiyad balaadhan u leh dadka iyo dalka Somaliland, gaar ahaan marka la eego waqtiga lagu beegay iyo sida ay wax ugu kordhin karto.

Ugu horayn doorashada tijaabada ahayd waxay ku soo beegantay maalmo ka hor xuska 18 may, ee Sanadguurada 21-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda sanadkii 1991-kii, waxayna doorashadu qayb ka qaadatay muujinta dariiqa dimuqraadiyadeed ee ay Somaliland ku socotay mudadaa rubuc qarniga ku dhow, sidaana ay qabashada doorashadu ahmiyad ugu lahayd sida loo muujinayo waxii ay Somaliland qabsatay xiligaa aynu xusnay.

Tijaabinta Doorashadu waxay qayb ka ahyd hagaajinta Sumcadda Somaliland xilli ay dhowaan furmi doonaan wadahadaladii dhexmari lahaa Somaliland iyo Somalia, kuwaasoo ku qotoma qayimka labadii dawladood ee is raacay sanadkii Afrika ee 1960-kii, ka dib intii aanay Somaliland dib uga bixin Midnimadii lagu khasaaray. ee laga dhaxlay daymaha shisheeye, dagaalada sokeeye, darxumo nolosha guud ah iyo dalkii oo magaalo keliya noqday.

Ahmiyada kale ee doorashada tijaabada ahayd u lahayd wadankan waxay ahayd iyadoo gudida Doorashooyinku u muujiyey beesha caalamka sida ay diyaarka ugu yihiin qabashada doorashooyin xidhiidh ah oo la hirgeliyo sadexda ilaa afarta sano ee soo socda, xilli beesha caalamka laga sugayo dhaqaalaha ku baxaya doorashada rasmiga ah ee dawladaha Hoose, taasoo la filayo inay qabsoonto rubuca dambe ee Sanadkan. Halka aanay meesha ka madhnayn in gudida laftooda oo hadhsanaya dhismaha cusub ee xaruntooda guud ay tijaabo gaar ah u ahayd sida ay xafiisyadan cusub ee horumarsan ugu shaqayn doonaan mustaqbalka dhow.

Dhinaca gudaha hadii aynu eegno qabshada doorashadu waxay ku soo beegantay maalin ka bacdi markii bariga caasimadda Hargysa uu ka dhacay fal fool xumo lahaa oo lagu weeraray xero ciidamadu leeyihiin, falkaas oo niyad jab ku keenay bulshada Somaliland iyo inta danaysa qadiyadeena, waxaana hirgelinta doorashada tijaabada ahayd oo dhacday saacado ka dib markii falkaasi dhacay ay daaha saartay oo dabooshay muuqaalkii xumaa waxayna indhaha caalamka ku soo celisay inay Somaliland duruuf kasta oo ay marayso ay tahay mid ku socota Jidkii nabadeed iyo kii dimuqraadiyadeed ee ay mudada soo haysay.

Si kastaba ha ahaatee iyadoo todobaadkan gudihiisa wadamada Maraykanka iyo Denmark oo safka hore kaga jira wadamada bixiya dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay ka hadleen sida ay ugu qanacsan yihiin geeddi socodka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, si gaar ahna ay dawladda Denmark xaqiijisay inay xafiis  ka furanayso Somaliland, ayaa waxaa hubaal ah in doorashada tijaabada ahayd ay wadankan u lahayd ahmiyad ka qoto dheer ujeedada laga lahaa.

Xuseen aadan Yuusuf (Kurdi)

Xuskurdi@gmail.com

4491178

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories