HomeDoorashadii Shanaad ee Somaliland oo ku Shaashowday Shicib la laayey iyo...

Doorashadii Shanaad ee Somaliland oo ku Shaashowday Shicib la laayey iyo ku Shubasho Xad dhaaf ah

Date:

Related stories

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Doorashadii Golayaasha Deegaanka JSL ee 28 Nov 2012 oo ah tii Shanaad ee Soomaaliland ka qabsoonta ayaa la sheegayaa inay ku Shaashowday Shicib la laayey, ku Shubasho xad dhaaf ah iyo Shuqullo kale oo fool xun oo ka baxsan Shuruucda Caalamiga ah iyo Xeerarka u dejisan Doorashooyinka lagu tilmaamo Xor iyo Xalaal ee Natiijadoodana Dunidu aqbasho.

Codbixiyayaasha Somaliland ,Tartamaaysha kala duwan, Daneeyayaasha  Doorshada Somaliland iyo Taageerayaasha xagga Dhaqaalaha iyo guud ahaan Saaxiibadda caalamka ee Somaliland ayaa in muddo ah sugayey inay qabsoonto Doorshadan oo ah tii 2aad ee Golayaasha deegaanka JSL, waxaanay rajaynayeen in siddii afartii doorasho ee ka horeeyey ay noqon doonto mid dadka Somaliland iyo dunida inteeda kaleba ay ku qancaan, Somalilandna maqaamkeeda sare u sii qaada una soo hoysa Magac, sharaf iyo Maamuus dheeraad ah.

 Warbaahinta caalamka iyo kuwa maxalliga ah, sida Idaacadaha, Jaraa’idka , Shaashadaha TVs iyo Shabakadaha wararka ee Internetka  ayaa iyaguna in muddo ah  diiradda ku hayey Somaliland waxaanay xiisaynayeen kana ka xog warami jireen  Xaqiiqada ka jirta Somaliland oo ah dal aan Dunidu Ictiraafsanayn haddan horumar balaadhan dadkiisu sameeyeen gaar ahaan xagga Dimoqraadiyadda  sida  Doorashooyinka.

Inkasta oo warbaahinta qaarkeed ay si joogta ah uga xog warami jireen Somaliland hadana waxa intooda badan ay si gaar ah shiishka u saareen  Doorashada Golayaasha Deegaankan ee 28 Nov 2012 oo ah tii koowaad ee Somaliland ka dhacda tan iyo intii  ka dambaysay Doorashadii Madaxtooyada ee JSL ka dhacday Jun 2010.

Nasiib darro waxaa soo if baxay fadeexado ku saabsan habkay ku bilaabantay iyo siday ku dhamaatay Doorshadu kuwaas oo sida lagu shaaciyey Warbaahinta kala duwan ee Caalamiga ah iyo ku maxalliga ahba shaasheeyey Doorshadii Dawladaha Hoose ee Somaliland ka dhacday 28 Nov 2012.

Guud ahaan Ummadda Somaliland, Daneeyayaasha Doorashooyinka Somaliland  ayaa ka naxay  si weynna uga xumaaday Fadeexadaha ka soo ifbaxay ee shaasheeyey Doorshadii Golayaasha Deegaanka JSL ee 28 Nov 2012. Fadeexadahaas oo kuwa ugu waaweyn ay ka mid yihiin Cod bixiyayaasha ama Shicibka Xukuumadda Somaliland Xabadaha iyo Rasaastii shicibka lagu Ilaalin lahaa ee cadowga loogu talo galay iyagii lagu furay sidii ka dhacday Magaalada Lughaya Doorshada bilowgeedii, sidii ka dhacday Magaalada Berbera Doorshada Dhexdeedii iyo sidii ka dhacday Caasimadda Hargeysa Doorshada dabadeedii. Fadeexadaha kale ee Xukuumadda JSL faraha kula jirtay ee shaasheeyey Doorshada waxaa ka mid ahaa xadhiga iyo Caga juglaynta ay ku haysay qaar ka mid ah Tartamayaasha, Lacagta ay qaybinaysay, ku xad gudubka  heshiiskii habdhaqanka iyo Anshaxa Doorshada maadaama Masuuliyiintii Xukuumadda ee laga mabnuucay Olalaha ay si badheedh ah uga qayb qaateen Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Siilaanyo wax talaabo ah ka qaadin Xubnihii Gudida Anshaxa Doorashooyinku ka soo ashtakoodeen.

Waxa kale oo aad looga naxay lagana xumaaday fadeexadda ku Shubashada, Faashilka ah iyo habdhaqanka Ismiidaaminta iyo Budhcad codeednimada ah ee Xisbiga Kulmiye  ka sameeyey guud ahaan Goobihii Codbixinta, Degmooyinka iyo Gobalada Somaliland taas oo iyaduna shaashaysay Doorashada Dawladaha hoose , sharaf dhacweynna u soo hoysay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuummadda JSL. Dhinaca kale ku shubashadan Xad dhaafka ah waxay lumisay kalsoonidii lagu qabay Xukuumadda, Xibiga kulmiye iyo Xildhibaanadiisaba.

Fadaaxadaha kale ee shaasheeyeye Doorshada Golayaasha Deegaanka JSl ee  shicibka Somaliland Gudaha iyo Dibadaba aadka uga naxeen waxaa ka mid ahaa Qorshaha Caddaalad darada ku salaysan ee Dadka intoodii badnayd loogu diiday ama laga deedifeeyey Xuquuqdoodii doorsho ee Dastuuriga ahayd( hal malyuun dad ka yar ooSomalilanders ah ayaa la qorsheeyey inay xaq u leeyihiin cod bixinta). Komishanka Doorshooyinka Qaranku waxa kale oo diyaariyey ama fududeeyey Qorshe Cadaalad darro ah oo ku salaysan Cunsuriyad , Eex iyo Nin jeclaysi, isku dheeli tir la’aan  Codbixiyayaasha iyo Sanaadiiqda.

Komishanka Diiwaan Galinta iyo kala saarista Ururada ayaa habkii lagu soo Unkay iyo ficiladii uu ku kacayba  ka mid yihiin fadeexadaha shaasheeyey Doorashadii Golayaasha Deegaanka JSL ee Dalka ka dhacday 29 Nov 2012. Fadeexadaha iyo ficilada caddaalad  darrada ah  ee Komishankan waxaa ka mid ah taageerada indho la’aanta ah ee uu la barbar taagan yahay Xisbiga Talada haya ee Kulmiye iyo habkii iyo hanaankii uu ku reebay Uraradii  Komishankani uu hore u reebay.

Gebagebadii waxaa iska muuqata in Doorshadii Golayaasha Deegaanka JSL ku shaashowday fadeexado culculus oo ay ka mid yihiin Shicib la laayey, ku shubasho iyo shuqullo kale oo fool xun kana baxsan shuruucda Doorshooyinka caalamku ku tilmaamo Xor iyo Xalaal.

Sidaa darteed Waxaa looga baahan yahay in Xuluumadda JSL iyo Komishanka Doorshooyinka Qaranka JSL iyo Hayadaha kale ee ay arintani khusayso la yimaadaan xal dhakhso ah oo ku saabsan arrintan iyo sidii loo soo celin lahaa kalsoonida Ummadda Somaliland iyo Caalamkii Somaliland taageri jirayba.

Waa Mahadsan tihiin

Axmed Naasir Xirsi Maxamed

Bristol, UK

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories