HomeDoorashadii India oo la iclaamiyey inay dhacayso xiliga from 7-da April...

Doorashadii India oo la iclaamiyey inay dhacayso xiliga from 7-da April ilaa 12-ka May ee sannadkan 2014

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

0154964Guddiga Doorashooyinka dalka Hindiya ayaa iclaamiyey xiliga doorashada dalkaasi qabsoomayo oo ku beegan 7th of April, ilaa 12th of May, oo u dhici doono sagaal marxaladood (in 9 phases) madaama wadanku aad u balaadhan yahay, isla markaana dadka xaqa u leh inay codaynayaan aay 800 of million kor u dhaafayaan, oo ka badan doorashadii 2009 oo markaa 700 million ay xaq u lahaayeen inay foodaan.  . Isla markaana commissionku wuxuu sheegay in cododka vote gareeyey la bilaabayo tirintooda 12th of May.

India waa wadanka ugu dad badan aduunka dimuqraadiyada ku magac sheegta, inkastoo Shiinuhu ka badan yahay dad ahaan, laakiin Shiinaha laguma tiriyo waddan nidaamka dimuqraadiyada ku shaqeeya.

Hadaba Waxaa waddanka India laga furayaa 9,30,000 polling station amaba sagaal boqol iyo sodon kun oo xarumood oo markaa laga foodi doono.  Waxaa kaloo markii ugu horeysay ee doorasho lagu qabto wadanka India, lagu soo daray cida la dooranayo, ‘none of the above’oo macnaheedu yahay cidna ma dooran anigu amaba kuwa meesha ku xusan midkoodna ma dooran.  Markaa bal si loo ogaado dad badan oo doonaya inay codeeyaan laakiin aan ku raali ahayn dadka xisbiyadu u soo doorteen in loo doorto degaankooda.

Hadaba mudadaa dheer ee doorashadu soconayso waxaa kalifey dadka iyo degaanka badan ama balaadhan ee u baahan in wakhti ku filan la siiyo, iyo weliba qorsheynta u baahan in ciidamadu si foojignaan iyo xasilooni ku jirto doorashada u fuliyaan, madaama badiyaaba aay wadanka India ka dhacdo muran iyo khilaaf badan oo ka kala dhex dhaca dadka iyo xisbiyada ku loolamaya siday u soo bixi lahaayeen ama loo dooran lahaa.  Waxaa kaloo iyaduna jirta degaano nabad gelyo la’aani ka jirto, iyo meelo kale oo jabhado ama xarakooyin ka soo horjeeda wadanka India.  amaba degaano aay isku haystaan cida wada degani. Siday doontaba ha ahaatee inkastoo dawladu u diyaar garowdo oo ciidamo ku filan aay ka hawl geliso wadankoo dhan, hadana khasaare naf iyo maalba lihi wuu soo foodsaaraa wadanka, oo xitaa dacwadaha doorashooyinku waay sii socdaan sanado ka dib markay doorashadu dhamaato.
Hadaba doorashada waxaa ku dagaalamaya labada xisbi ee iminka ugu weyn India eek ala ah BJP oo uu hogaaminayo Narendra modi, oo loo aaneeyo xasuuqii ka dhacay gobolka Gujurat xiligii uu chief Minister ka ahaa ee 1991, oo kumanaan muslimiin ah lagu diley, laguna gubey meheradihii iyo guryihii aay lahaayeen.  iyo Rahul Gandhi, oo ahaa yarkii uu dhalay Prime Ministerkii hore ee India Rajiv Gandhi, oo aabihiina aay sii dhashay Indira Gandhi oo ahayd prime Ministerkii hore ee India.  Nasiib daro siyaasigan yar ee Rahul Gandhi aabihii iyo ayeydiiba waa la diley iyagoo xukunka wadanka haya. Rahul Gandhi hooyadii waxay u dhalatay dhalashadeedu ka soo jeedaa dalka talyaaniga, waana gudoomiyaha xisbiga Congress party.  Isaga laftiisu wuxuu jagooyin ka soo qabtay xisbiga faamligoodu inta badan gacanta ku soo hayeen, ee iminkana isaga lala doonayo inuu hogaanka u qabto, inkatoo aay u badan tahay in xisbigiisa amaba Congress Party laga badiyo doorashooyinka, oo aay xukunka wadanka gacanta u gasho qolyaha cunsiriyiinka ah ee BJP (Bharatiya Janata Party).

 

Ali Dhinbiil

 

Ali.dh@hotmail.co.uk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories