HomeDoorashadii Dallada SONYO iyo Farro Galintii Xukumadu ku Sameysay – W/Q: Cabdiraxmaan...

Doorashadii Dallada SONYO iyo Farro Galintii Xukumadu ku Sameysay – W/Q: Cabdiraxmaan Isbatoore ~ (Q.1aad)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Waa Qormo Taxane ah oo Tooshka ku Ifinaysa Farro Galintii Qaawan ee  Xukumada Madaxweyne Siillanyo ku sameysay Dallada Dhalinayarada Somaliland ee SONYO, Wakhtigii uu Socday Shirweynihii 6aad  oo ka qabsoomay Hotel Ambasadoor ee  Maglada Hargeysa, Socdayna Muddo Labba Maalmood ah 27/28/November/2012.

 Iyada oo Qormadani  Daaha Ka Rogeysa Xubno Golaha wasiirada Somaliland oo Farro Galintaasi u Idmanaa in ay Kala Xushan Musharixintii u Dartamaysay Dalladaasi, Waxana  Wasiirada sidda cad ugu foogna Farro galinta Dallada Sonyo ugu Cadcadaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xassan, oo ka mid ah Wasiirada ugu awooda Badan Xukumada Siillanyo, Isaga oo Hawlaha iyo Faragalinta Ka Hagayey Daah damadiisa.

Su’aasha Ugu Weyn ee Meesha Tallaa Wax ay Tahay Sababta Dawladu ay ugu badheedhay in ay faro galin toos ah ku sameyso Shirweynahaasi Dallada Dhalinayrada ee Sonyo?. iyada oo Dalladu Shaqaynaysay Intii Xukumadii hore ay jireen, Mise Taani waxay ka mid tahay Farro galinta Dawladu ku sameysay Meel Kasta iyada la og yahay Ceebihii ka raacay Xukumada Meello badan oo ay Farro galin ku sameysay, Taas oo maahmaah Somaliyeed ay Tidhado “Ceebteed Ma ahee Waa Cadadeed).

Akhriste Haddii aynu Dib u Milicsano Taariikhdii iyo Heerarkii kala Duwanaa ee ay soo Martay Dallada Dhalliyarada ee Sonyo Waxay u Dhigan tahay Siddan.

Sida uu qeexayo xeerarka iyo Dastuurka Dallada SONYO,  waxay ka madax banana tahay Siyaasada isla markaana dhexdhexaad ka ahayd dhaqan ahaan intii ay dalladu soo jirtay, dallada waxaa ku bahoobay 53 Urur  oo  isugu jira Ururo iyo Jaamacado ( 51 Urur iyo 2 Jaamacadood)  waxaa labadii sanaba  hal mar la qabtaa shirweynaha lagu doorto Hoggaanka sarre iyo Guddoonkooda.

Waxay SONYO Caan ku ahayd marka shirweynaheedu soo dhawaado in guud ahaanba laga dareemo hirdanka dhalinyarada ku loolamaysa hogaankeeda guud ahaanba Gobbalada iyo dagmooyinka dalka oo dhan.

 hase ahaatee wax faragalina ah  kumay yeelan jirin xukumadii Hore ee uu madaxda ka ahaa Daahir riyaale taasi oo u suuragalisay in si madax banana dhalinayarad Dalladu ku bahawday u doortaan hogaanka ay bidayaa hawlkarnimo iyo aqoon si loo dardargaliyo waxqabadkii Kobcayay ee dallada waxaana Gudoomiyaashii Soo Maray Dallada Waxay kala ahaayeen.

SHirweynihii 1 aad: Mahamed Hassan

Shirweynihii 2 aad: Maxamed Xassan oo Mar labaad Dib loo Doortay Basle isaga oo aan Dhammeysan Xilka ayaa Sanadkii Ugu Danbeyey uu Xilka kala wareegay Ibraahin Suldaan oo Muddadaasi sii hayey Xilka.

Shirweynihii 3 aad: Mahamed Culimo

Shirweynihii 4 aad: Yahye Ubahle

Shirweynihii 5 aad Ahmed Wacays

Shirweynihii 6 aad Mubarik Taani

Dhamaan shirweynayaashaasi marka laga reebo shirweynahan  6 aad waxaa go’aaminta Gudoomiyaha si madax banana iskaga lahaa inta ay khusayso  oo ah Ururada iyo jaamacadaha xubnaha ka ah dallada SONYO .

Akhriste waxaa is weydiin leh ma SONYO ayay wax iska badaleen? Ma Xukumadan ayaa xukumaddii hore ka dabeecad duwan? Maxayse saamayn taban ama togan ku yeelan kartaa mustaqbalkii dallada SONYO? Maxaase ka jira in ay dallada SONYO  noqon doonto hay’ad si dadban  u hoostagta Wasiirka madaxtooyada lasoco qaybta 2 aad——————————

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories