Home"Doorashaddani Waa Xisaabtan,Adhiguna Shugux Shugux Kama Ilbaxo, Siyaasiyiintuna Xafladdo, Dhagax Dhig, Iyo...

“Doorashaddani Waa Xisaabtan,Adhiguna Shugux Shugux Kama Ilbaxo, Siyaasiyiintuna Xafladdo, Dhagax Dhig, Iyo Wax Qabad La’aan.”Jamaal Cali Xuseen

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa(SLpost)-Musharax xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa ka hadlay doorashooyinka isla markaasna dhaliilo u jeediyay musharixiinta labada xisbi ee Waddani iyo Kulmiye, waxaanu shacabiga kula dardaarmay inay xisaabtan hordhigaan masuulka ay dooranayaan, waxaanu sidan ku sheegay qoraal dheer oo uu soo dhigay bogiisa Facebook, waxaanu u dhignaa qoraalku sidan “Waxaa aad ii soo jiitay kulan ay odoyaasha Gobolka Gabiley la yeesheen Gudoomiyaha Xisbigga talladda haya ee Kulmiye, isla markaana ah Murashaxa Xisbigga iyagoo la xisbaatamaya xisbigga Kulmiye. Odoyaasha Gobolka Gabiley ayaa laga hayaa; “ madaxweyne Daahir Riyaale waxaanu ku xasuusanaa inuu Gobol ka dhigay Gabiley. Fulintii arrinkaasi 6 sanadood oo Kulmiye dalka haystay kama hayno; haddaba intaan shan sanadood oo danbe laysla gaadhin; maxaanu 6 dii sanadood ee hore ugu qornaa buugga xisbigga Kulmiye? Xisaabtaasi waxa kale oo ay iyaduna haysataa xisbigga kale ee mucaaridka ah ee Waddani oo iyaguna 11 sanadood Baarlamaanka dalka looga taliyo kor fadhiyey. Waxay Gobolka Gabiley, iyo goboladda kale ee cusub ee Somaliland sida Baligubadle, ay is weydiinayaan tollow maxaa laydiin qabtay? Waxay su’aashaa mid la mid ah ay weydiin karaan Xisbigga Waddani; xeerkii goboladda dalka maxaa ku dhacay ileyn Baarlamaanka ayeey xukumayeene? Iskaba daaya xeerarka kaloo; Maxaaba ku dhacay xeerkii nimanka Baarlamaanka lagu dooranaayey ileyn weli waakan qabyadda ahe? Maxaase keenay iyadoo xeerarkaasi oo dhami inoo yaallaan in Baarlamaanku uu fasax ahaado 3dii bilood ee u danbeeyey 4 bilood oo ka mid ah? Maxaa hawsheenee dawladnimo ka dhigay fasax, dhagax dhig, xafladdo, iyo shahaado sharaf inago dadka ugu liidana oo dadkeenii noloshii ku sii adkaanayso oo canshuurtii xad-dhaaf tahay, qabyaaladiina inagu sii badanayso, musuq-maasuqii oo sii batay, oo ay weliba dadkeeniina ay bilaa shaqo yihiin.

Somaliland shacabkoodu xor ayeey u yihiin in qof walba uu doorto qofkuu rabo; laakiin in qabyaalad yar oo qiiro dadka lagu gelinaayo miyaanay ahayn xilligii ay siyaasiyiintu ka ilbixi lahaayeen in la soo gaadhay. Miyaaneyse ahayn in aynu soo gaadhnay xilligii shacabku ay ka waantoobi lahaayeen qudhoodu khiyaamooyinka ay siyaasiyiintu dalka ka wadaan? Miyaanay ahayn in qof walba is weydiiyo tollow maxaa u dan ah naftayda, caruurtayda, qoyskayga, gobolkayga; iyo dalka Somaliland. Maanta Somaliland wax walba waa lacag. Caafimaadkii waa lacag, Waxbarashaddii waa lacag, Laydhkii waa lacag, biyahii waa lacag. Canshuurtii dalka 4 jeer baa la laban laabay. Noloshii waxay ku sii adkaanaysaa qofkii danyarta ahaa. Hantiddii shacabku wada lahaa ee guryihii dawladda waa la wada xaraashay; Baarlamaankii wuxuu noqday goob aan ummadda u shaqeynin oo hogaankeeddii liito. Iyagoo ay ahayd in Baarlamaanku uu noqdo hay’adda dawladda la xisaabtanta. Maanta nimankii dawladda ayaa shaqaddii ay ummaddu u diratay iyaga laftigooddii ayaa laynooga dhigay wax qabad; hadda waa xoolahooddii oo iyagii la cunsiinaayo oo ay iyagiina moodayaan in wax qabad loogu sameeyey. Bal in uun maskaxda inta laga shaqaysiiyo ha la sheego xoolahana lagu takri falaayo ma qaar ay siyaasiyiintu xoogoodda ku soo shaqeysteenbaa mise waa qaar ay ummaddu leedahay.

Xisbigga talladda haya ee Kulmiye wuxuu shacabka Somaliland baray xafladdo tiro badan oo indho sarcaad ah oo maalinta ay qof, iyo dhowr qofba yidhaahdaan xisbigaanu taageersanahay in xaflad weyn loo sameeyo; waa dhoola tus siyaasadeed iyo dhaqan siyaasadeed uu inagu soo kordhiyey oo ay xisbiyadda kalena runtii ay kaga daydeen xisbigga Kulmiye. Kulmiye ayaa ugu xafladdo qurux badnaa; Kulmiye ayaa ugu dad badnaa dad yidhaahda xisbigga Kulmiye ayaanu ku biirnay. Maantana halka uu xisbiggaa Kulmiye dalkii marinaayo waa laga war hayaa. Haddaba miyeeynaan soo gaadhin xilligii aynu ka ilbixi lahayn siyaasiyiin danbe oo inagu manjaro habaabiya sidii uu Kulmiye sameyn jiray, iyo xafladdo indho-sarcaad ah. Adduunka miyaad aragteen siyaasiyiin xisbi ku soo biiraya oo xafladdo waaweeyn loo sameeynaayo? Somaliland waxay u baahan tahay in ay wax ka badasho habka qaldan ee indho sarcaadka ah ee ay siyaasiyiintu sameeyaan. Waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay shacabka Somaliland manta oo aynu dhamaan hoos u wada ognahay dareenka dhabta ah ee dalka ka jira. Siyaasiyiintu Khuuro kale ha la yimaadaan; doorkan dadku qof walba miisaanka ayeey saarayaan gaar ahaan dadka murashixiinta ah ee la dooranayo. Shacabkuna indhaha ha furan doorkan oo yaanay qabyaaladdu ina madax marin waa haddii aynu dalkan horumar iyo wax qabad rasmiya la rabno. Ilaahayoow dadkayga iyo dalkayga cid wanaag la rabta u door. Guul iyo Gobanimo.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories