Home“Doorashada waxa lagu qaban karayay December ama January, laakiin….” Musharaxa UCID

“Doorashada waxa lagu qaban karayay December ama January, laakiin….” Musharaxa UCID

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLP)- Musharaxa madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inay dawladdo dibadda ah kala hadleen in xukuumadda talada haysa cadaadis lagu saaro inuu doorasho dalka ka dhacdo.

Jamaal Cali Xuseen oo socdaal ku maraya waddanka Maraykanka ayaa sheegay inay wasaaradda arrimaha dibadda Ingiriiska ay kala hadleen sidii cadaadis loo saari lahaa xukuumadda talada dalka haysa, sidii ay doorashada u hirgelin lahayd.  “Mawqifkayaga ku waajahan doorashada dib u dhaceeda waxaanu la wadaagnaa tii ay is-bahaysoga mucaaradku go’aanka ka gaadheen, farriintaas ayaananu u gudbinay waddamo aanu socdaal ku maraynay oo qaarkood aanu la kulanay wasaaraddaha arrimaha dibadda sida dalka UK.”“Anagu UCID Ahaan Waxaanu U Arkaynay Marka Hore-Ba In Xukuumadda Iyo Baarlamaanku Ay Is-Wateen” – Jamaal Cali Xuseen

Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya saamaynta taban ee ay yeelan karto dibu dhaca doorashadu waxa uu yidhi. “Waynu ognahayoo Somaliland dimuqraadiyaddeedu waa waxyaabaha la inagu majeerto ee indhaha caalamka inoo soo jeediyay, dawladdii hore ee uu Daahir Rayaale madaxda ka ahaa doorashooyin wanaagsan ayay dalka ka qabatay, kuwaasoo indhaha caalamka inoo soo jeediyay, kuwaasuun baananu doonaynay inay sidaa inoogu sii socdaan.”

Musharaxa madaxweyne ee UCID oo ka hadlaya mawqifkooda xisbi ee dibu dhaca doorashada waxa ka mid ahaa hadalkiisii. “Annagu dalka ma doonayno inaanu dhibaato gaadhsiino sidii Kulmiye odhan jirayna odhan mayno dagaal baanu galaynaa, laakiin waa inaanu culays mucaarad ahaan samayno oo dadka wacyigelino oo caalamka wacyigelino, si doorashooyinku inoogu dhacdo, taasna xoog kuma doonayno ee wixii wacyigu keeno waanu ogolnahay, wixii farsamo ahna waa wax la ogolaan karo, dibu dhaca doorashaduna imika may dhicine, waxay dhacday laba sanno ka hor markii ay xukuumaddu carqaladaysay xeer 37 ee diiwaangelinta madaniga ah iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashada, markaa caalamkana waxaanu u sheegnay in kordhinta ama dibu dhaca doorashadu uu dimuqraadutada Somaliland dhaawacayo. Dhibaatada kale ee jirta ayaa ah in xataa baarlamaanku aanu ansixin xeerkii lagu dooran iyaga laftood.”

Jamaal Cali Xuseen oo wareysi siiyay shabakada Qurbejoog ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in doorashada xilliga ay komishanku cayimeen ka hor lagu qaban karayay doorashada. “Arrintaa komishanku waa shaqo iyaga u taalla oo hawshooda ayay ahayd, laakiin anigu shaqsiyan waxaan arkayay in doorashada lagu qaban karayay December ama January.” ayuu yidhi.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories