HomeDOORASHADA MARAYKANKA 2020: Khatarta Ugu Weyn Ee Dunida Ku Soo Fool-leh!

DOORASHADA MARAYKANKA 2020: Khatarta Ugu Weyn Ee Dunida Ku Soo Fool-leh!

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

blank
????????????????????????????????????

Khubarada ka faalooda Hayaanka iyo Hirdanka Siyaasada Dunida waxay si weyn uga dayrinayaan Khataraha Bulshada Caalamka uga iman kara Doorashada M/weynaha Maraykanka ee la qaban doono dabayaaqada sanadka 2020-ka.

Waa markii ugu horraysay ee Siyaasada Arrimaha Gudaha Maraykanka iyo qaabka ay haatan u socoto lagu sunto inay tahay KHATARTA 1-aad ee ku soo fool leh Xasilonida Bulshada Caalamka: xag dhaqaale, xag siyaasadeed iyo xag nabagelyaba.

Hadda ka hor, Maraykanku wuxuu ahaa HIRAALKA iyo HALBEEGA Dawladnimada ee Caalamka. Saddexda Dhadhaar ee ay ku dhisan tahay Dawladnimada Dalka Maraykanku (Xeer Dejinta, Fulinta iyo Garsoorka = Executive, Legislative & Judiciary), qaabka ay u wada shaqeeyaan iyo habka uu Dastuurku ugu kala xadeeyey awoodaha Dawliga ah, waxay tusaale wacan oo Dimuqradi ah u ahaayeen Dalalka Dunida oo dhan.

M/weyne Trump wuxuu talada dalka la wareegay Xisbigiisa Republican-ka oo leh aqlabiyada labada Aqal ee Sharci Dejinta (House of Representatives & Senate).

Hadaba, laga bilaabo markii uu M/weyne Donald Trump noqday Madaxweynihii 45-aad ee Maraykanka waxa muuqata in uu hoos u dhac weyni ku yimid hannaanka wada shaqaynta Laamaha ay ka kooban tahay Dawlada USA, taasina waxay waxyeelo culus u gaysatay Haybadii iyo Sumcadii weynayd uu Maraykanku Dunida ku lahaa.

M/weyne Donald Trump ka hor intaanu talada qaban, muu lahayn khibrad iyo waayo-aragnimo xaga maamulka iyo hogaaminta Dawliga ah.

In ka badan 200 oo qof oo ka tirsanaan jiray maamulkiisa isagana la soo shaqeeyey ayaa M/weyne Trump ku tilmaamay M/weyne aan go’aankiisa laga sii saadaalin karin oo ay wax walba ka suurtogal yihiin, isla markaana neceb HADALKA AH: “M/weyne: MAYA, ARRINTAASI SUURTOGAL MAAHA!”

DONALD TRUMP WUXUU NOQDAY:

1. M/weyne aan tixgelin sharciga iyo xeerarka dalka u yaala;

2. M/weyne siduu doono yeela oo aan ku xisaabtamin Awoodaha Dastuuriga ah ee Hay’adaha Sharci Dejinta;

3. M/weyne aan la tashanin ama ka hor yimaada la taliyeyashiisa Amniga iyo Saraakiisha sare ee Haya’daha Amniga & Sirdoonka;

4. M/weyne dulqaad yar, daan-daansi badan, aargoosi badan oo is difaac badan;

5. M/weyne hadalku ka dhaco oo nacab iyo nasteexba isku si ula hadla ama ugu jawaaba;

6. M/weyne ka muruxsaday hab- maamuskii M/weynaha iyo hab-raacii Saxaafada ee
Aqalka Cad;

7. M/weyne muddo kooban dalkiisa ugu sameeyey cadow badan oo aanay u samaynin 10 Madaxweyne oo isaga ka horreeyey;

8. M/weyne aan fikir wacan iyo faham buuxa midna ka haysan Siyaasadda Arimaha Dibeda iyo Xidhiidhka Beesha Caalamka;

9. M/weynihii Maraykan ee xidhiidhkii ugu liitay la leh Beesha Caalamka;

10. M/weyne aqoon ahaan iyo waayo-aragnimo ahaanba ka hooseeya Madaxweyneyaashii isaga ka horreeyey;

11. M/weyne khatar ku ah Koboca Dhaqaalaha Aduunka iyo Horumarka Bulshada Caalamka;

12. M/weyne khatar ku ah arrimaha Degaanka & isbedelka Cimilada;

13. M/weyne khatar ku ah Horumarka, Hanaqaadka iyo Isku-xidhka Teknoolojiyada Casriga ah ee uu haatan Caalamku Xogta ku wadaago;

14. M/weyne ay ku badan tahay Cunsuriyada iyo Isir nacaybku;

15. M/weynihii Maraykan ee ugu necbaa Qaarada Africa & Dadkeeda;

16. M/weynihii Maraykan ee ugu ixtiraamka darnaa Haweenka, Dadka Madow iyo Latinos- ka;

17. M/weynihii Maraykan ee ugu naxariista darnaa marka la eego Qoxootiga, Faqriga iyo Macaluusha ka jirta daafaha Dunida;

18…….. (adigu sii wad!!)

Arrimahan kor ku xusani waxay si cad u muujinayaan Hab-dhaqanka M/weynaha Maraykanka iyo Xisbigiisa haatan talada haya, waxana la odhan karaa arrimahani waxay khatar ku yihiin wadajirka ummadda Maraykanka.

Haddaba, Doorashada M/weynaha Maraykanka ee 2020-ka, hadii uu Donald Trump ku guulaysto iyo hadii laga guulaystaba, waa arrin la hubo in muran iyo is-maandhaaf xoog lihi uu ka dhalan doono. Waxa si weyn loo saadaalinayaa inay Doorashada Maraykanku tahay ARRINTA KOOWAAD ee Bulshada Caalamka haatan KHATARTA ku ah.

Haddaba, Su’aalaha nacab iyo nasteexba la is weydiinayaa waxa weeyi:

• Hadii uu M/weyne Donald Trump mar kale ku guulaysto Dorashada 2020, siday noqon doontaa talada Maraykanku? Ma ka badbaadi doonaa Maraykanku waxyeelada ka dhalata Doorashada 2020-ga??

• Maraykanku, iska daa in uu Dunida hogaamiyee, ma laga yabaa inuu isagu is xukumi kari waayo oo uu kala furfurmo??

W/Q:
Xuseen Adan Cige (Deyr)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories