HomeDoorashada Guddida Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland oo u Qabsoontay si heer Caalami...

Doorashada Guddida Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland oo u Qabsoontay si heer Caalami ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa, (SLpost)– Shirweynaha labaad ee doorashada xidhiidhka kubbadda kolayga Somaliland, ayaa shalay lagu qabtay hudheelka Guleed ee magaalada Hargeysa.

Xafladda loo qabtay doorashada xubnaha xidhiidhka kubbada kolayga Somaliland oo ay musharraxiin ka ahaayeen 5 xubnood, ayaa waxa ka soo qabygalay Masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha, ciyaartoyga kubbada kolaygay, ergada dooranaysay xubnaha guddida xidhiidhka kubbada kolayga oo 27 xubnood madasha ku sugnaayeen, guddida qabanqaabada doorashada xidhiidhka kubbada kolayga iyo martishafar kale oo tiro badan.

blank
Shanta Xubnood ee loo doortay Guddiga Xidhiidhak Kubadda Koleyga

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradai iyo Ciyaaraha Mr. Mustafe Qodax oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in doorashadani qabsoonto sannadkan oo aan dhammaan.

Mr. Qodax waxa uu tilmaamay in doorashada loo qabanaayo sidii uu u iman lahaa waxqabad iyo isbeddel si loo helo caddaalad iyo dimuqraadiyad, waxaannu xusay inay wasaarad ahaan u qorshaysan tahay iyaga oo kaashanaya dawladda hoose inay dalka ka hirgeliyaan karoomo lagu ciyaaro kubbada kolayga, waxaannu yidhi; “Mustaqbalka dhaw waxa noo qorshaysan annaga oo dawladda hoose kaashanayna iyo cidii kale ee wax ka taraysaba in aannu caasimadda Hargeysa iyo magaalooyinka kale ee dalka ka hirgelino garoono lagu ciyaaro kubbada kolayga oo dhallinyarada kubbadda kolayga aad u cabatay oo yidhi; waxa aad loo daneeya kubbadda cagta, waxaannu doonayna mustaqbalka dhaw in aannu ciyaaraha fudud iyo kubbadda kolaygaba culayska saarno oo aannu soo gaadhsiino kubbadda cagta.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Maxamed Xuseen oo ka mid ahaa guddidii soo qabanqaabisay doorashada, waxaannu ka warramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay qabanqaabada doorashada guddida xidhiidhka kubbada kolayga.

Guddida qabanqaabada doorashada xidhiidhka kubbada kolayga oo shirguddoominaysay kulankaas, ayaa waxay ka codsadeen ergooyinkii codkooda bixinaayey in ay doodda ka dhiibtaan dastuurka lagu dhaqi doono kubbada kolayga Somaliland, iyaga oo u soo jeediyey inay wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyaan dastuurkaas, waxaanay xubnihii ergada oo 27 qof ahaa soo jeediyeen tallooyinkoodii.

Intaa kadib, waxa xubnihii musharrixiinta ahaa laga codsaday inay ka waramaan waxyaabaha ay qaban doonaan iyo ballanqaadyadooda.

blankMr. Maxamuud Xasan Cabdillaahi oo u sharaxnaa guddoomiyenimo ayaa isagu ugu horreyn waxa wax ka taabtaabtay waxyaabaha uu qaban doono, isaga oo ballanqaaday in guddi ahaan ay xafiisyada maamullada kubbadda kolayga gaadhsiin doonaan gobollada dalka oo odhan, isla markaana horumarin doonaan kubbadda kolayg. Sidoo kale xubnihii kale ee iyaguna sharaxnaa waxya sidaa si la mid ah u ballanqaadeen inay wax badan ka qaban doonaan horumarinta kubbadda kolayga.

Intaa kadib, waxa si rasmi ah loo guda galay doorashada Guddida Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland, iyaga oo loo taagay cod gacan tag ah oo dhammaan shantii xubnood ay ku ansaxeen cod aqlabiyad ah.

La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha bulshada Mr. Barkhad Jaamac oo halkaas ka hadlay, ayaa dardaaran u jeediyey guddida xidhiidhka kubbada kolayga Somaliland, isaga oo u soo jeediyey in aanay guddidoodu ku koobnaan meel kaliya, balse ay gaadhsiiyaan dhammaan dalka oo dhan.

Mr. Barkhad waxa uu sidoo kale tilmaamay in wasiirka wasaaradda ciyaaruhu uu hirgeliyey ballanqaadyada xisbiga KULMIYE ee ku aadana dhallinyarada.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdi Siciid Faahiye oo isagu soo xidhay shirkaas lagu dooranaayey guddida xidhiidhka kubbada kolayga Somaliland, ayaa u mahad-celiyey guddida qabanqaabada doorashada oo uu sheegay inay ka hawlgaleen doorashadan oo muddo siddeed bilood ah dib-u-dhac ku yimi, waxa uu sidoo kale u mahad-naqay shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESON iyo SOMTEL iyo shakhsiyaad uu sheegay wasiirku inay ka hawlgaleen qabsoomida doorashadan.

Md. Cabdi Siciid Faahiye, waxa uu guddida xidhiidhka kubbada kolayga ee la doortay kula dardaarmay inay hawsha loo igmaday si caddaalad ah u gutaan.

“Maanta xil weynbaa idin fuulay oo musharrixiin ma tihidiin ee waxaad tihiin xidhiidhkii kubbada kolayga Somaliland oo masuuliyad gaar ah baa idin fuushay oo idinka fuushay qaranka iyo xidhiidhadda kale ee aad la shaqaynaysaan, waxaana la idinka doonayaa inaad masuuliyadda idin fuushay siday tahay u gudataan oo aad qarankiina iyo ubadkiinaba u shaqaysaan oo aad nin jeclaysiga iska ilaalisaan,” ayuu yidhi Md. Cabdi Siciid Faahiye.

Haddaba, shanta xubnood ee loo doortay Guddida Xidhiidhka Kubbada Kolayga Somaliland waxay ahaayeen;

1.       Maxamuud Xasan Cabdillaahi: Guddoomiye

2.       Mustafe Maxamed Iidan: Guddoomiye-ku-xigeen

3.       Farxaan Cabdi Mataan: Xubin

4.       Mustafe Maxamed Xasan: Xubin

5.       Khadar Cabdillaahi : Xubin

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories