HomeDOORASHADA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND EE GOLAHA GUURTIDU MUDEEYEEN WAA SUURAGAL IN AY...

DOORASHADA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND EE GOLAHA GUURTIDU MUDEEYEEN WAA SUURAGAL IN AY MAR KALE DIB U DHACDO HADII…

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

maxamed dhimbiilDOORASHADA GOLAHA WAKIILADA SOMALILAND EE GOLAHA GUURTIDU U MUDEEYEEN 12.12.2019 WAA SUURAGAL IN AY MAR KALE DIB U DHACDO HADII AAN XAL LOO HELIN DURUUFAHA KU XEERAN !!!

 

Doorashooyinka Somaliland ayaa waxa ay noqdeen qaar ku caan ah dib u dhac , arinkaasi oo ku nusqaan ah qaranka jamhuuriyada Somaliland,  nidaamka dimuqaradiga ah iyo doorashooyinka, una baahan in aad loo lafo guro waxyaabaha caqabadaha ku ah oo intooda badani aanay ahayn wax awooda binu adamku aanay waxba ka qaban karin.

 

Hadii hadaba aynu eegno maanta caqabadaha doorashada horyaala iyo waliba iyada oo wax badan aan laga heshiin in guurtidu mudaysay doorashadii golaha wakiilada somaliland , waxa uun ii muuqata in markale mudo kordhini soo socoto waliba iyada oo aan la xalin duruufta mudo kordhintan keentay.

 

Waxyaabaha kale ee caqabadaha ku ah doorashada marka laga tago khilaafka komishanka ee axsaabta waxa ka mid ah saamiqaybsiga golaha oo ay saluugsan yihiin Gobolada awdal iyo Sool iyo waliba Sanaag , arinkani waxa uu ku xidhan yahay in somaliland laga sameeyo diwaan galin guud oo dadwayne oo wax lagu qaybsado oo gobol waliba waxii uu goosto kuraas uu helo, sababta oo ah Gobolada Hargeisa, Togdheer iyo saaxil iyaguba way saluugsan yihiin saamiga kuraasta oo gobol waliba in aanu u qalmin intaa la siiyey ee waliba xalkii doorashadii golaha wakiilada ee 1960kii lagu fadhiisiyey ayuu aaminsan yahay.

 

Dadka qaar ayaa marka arimahan la soo qaado yidhaahda kuraas gobolada kale ha looga gooyo oo hala siiyo reer Awdal , Sool iyo Sanaag , arinkaasi waa ku gef wax hala siiyo waayo waa dad reer Somaliland ah wax ay xaq u leeyihiin ayey rabaan ee wax lagu laaluushayo ma rabaan, taasina waxa lagu helayaa uun in somaliland diwaangalin dadwayne oo guud laga qabto, hadii la waayo waa in doorkana lagu galo sidii hore oo aan is leeyahay waa xalka kaliya ee jira.

 

Waxa aan axsaabta siyaasada somaliland uga digayaa in arinkaa saamiqaybsiga la siyaasadeeyo oo laga dhigto wax taageero lagu raadiyo iyada oo laga faaiideysanayo tabashooyinka dadka reer Somaliland ka qabaan gobolkii ay doonaan ha ka soo jeedaane kuraasta golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland iyo tirooyinka goboladu kala leeyihiin oo lawada saluugsan yahay.

 

Caqabadaha waxa ka mid ah dib u dhigaya doorashada arinka murugsan ee tirada xubnaha komishanka doorashooyinka iyo khilaafka xisbiga Waddani iyo komishanka doorashooyinka ee ay kalsoonidii kala noqdeen , arimahan laftoodu maaha wax dhib yar oo hadii aan la xalin waxa aan is leeyahay somaliland in aanay doorasho ka dhacayn ayaa suuragal ah, taasi oo dal iyo dadba inagu sumcad darro iyo karti daro noqonaysa.

 

Waliba ma muuqato isku soo dhawaansho iyo isku tanaasul oo arinku waa i jiid aan ku jiidee taasina ilama aha in ay natiijo dhalayso oo maantaba waxa halkan soo gaadhsiiyey ee dib u dhacan keenay waa khilaaf iyo is mariwaa isku tanaasul la,aan iyo taydaa soconaysa ay leedahay qolo waliba, waxa ay gacanta ku hayaana waa masiirkii iyo mustaqbalkii umaddani ku soo tabcaysay 28 sano oo bilo dhiman.

 

Waxa aan ku talin lahaa in dadwayne , waxgarad , aqoonyahan iyo cid kasta oo dalka iyo dibada joogta oo arinkan xalkiisa wax ka qaban kartaa wax ka qabato oo la dhexdhexaadiyo oo wax la isla ogol yahay oo aan wakhtiga inaga lumin lagu dhameeyo arimaha komishanka iyo khilaafka axsaabta siyaasada somaliland ee ku kala aragtida duwan arinkan, hadda waxii ka dambeeyana inta la lafa guro khilaafyadii doorashooyinka dib u dhigey oo dhan laga taxadiro in aanay dib u dhicin , wakhtiga doorashooyinkuna uu noqdo mid la yaqaano oo go’an ( mandate ) , waxkasta oo yimaadana sharcigu waxa uu ka odhanayo uun la qaato , oo ay tani noqoto dhex-dhexaadintii ugu dambaysay insha Allah.

 

Aragtidayda

Muhamed Dhimbiil
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories