HomeDoor-roonihii Da'dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir). Qormada 4aad

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir). Qormada 4aad

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

 

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

 Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

 Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

 Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

 Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

 Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada 4aad

12/12/2015ka

Intan aan immika diyaarinayay qormooyinkan taxanaha noqon doona ee Mujaahid Bashiir, ayaan xaaskayga Mujaahid Faadumo-cawo weydiiyay Maryan oo ay Bashiir walaalo yihiin oo ay isku yaqaanneen Xaafadda Kood-buur, meel Saldhigga Booliska bari kaga dhejisan. Mujaahid Faadumo-cawo waxay ii sheegtay maalintaas in ay qof ahaan u taqaannay Bashiir oo uu ugu iman jiray gurigayagii Jigjiga. Wuxu ku soo maray maalintan uu u soo ambo-baxayay Hargeysa ee uu shahiiday. Waxay xusuusataa sidii uu ugu faraxsanaa in uu Hargeysa ku socdo. Waxa kale oo uu u sheegay in ay dalka dhakhso u xoreyn doonaan oo si deg-deg ah dalkii loogu wada noqon doono. Waxay intaa iigu dartay in ay aad u dareentay intii yareyd ee uu la joogay sida uu qabyaaladda u nebcaa. Keligay ma aha ee xataa qoyskayga ayaa helay fursaddaa ay Mujaahid Bashiir ku barteen. Qof farxaan ah oo qalbi furan ayuu ahaa sidii ay Mujaahid Faadumo-cawo ii sheegtay.

Maalmahan ayaa iigu horreysay in aan go’aansado in aan Mujaahid Bashir si hagar-la’aan ah wax uga qoro. Horeba hindisuhu wuu iigu jiray, laakiin is-ma aan lahayn macluumaadka aan immika helay oo kale waad helaysaa. Macluumaadkan aan cuskanayaa laba ilood oo muhiim ah ayay ka soo burqadeen:

  1. Xubno ka mid ah qoyskiisa iyo xigto aad ugu dhow,
  2. Dadkii la soo hawl-galay ee ay ciidammada wada ahaan jireen, gaar ahaan kuwii ay ka wada hawl-geli jireen sahankii gudaha ee la yabka lahaa,

Dhalashadii Maxamed Ibraahin Xirsi (Mujaahid Bashiir):

Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi oo loo yaqaannay ama magac-dagaaleedkiisu ahaa Mujaahid Bashiir, wuxu ku dhashay magalada Geed-ballaadh, 1956kii sida uu ii xaqiijiyay walaalkii Cabdiqani oo loo yaqaanno Abaadir. Waxa kale oo iyaduna sidaas aamminsan oo ii sheegtay Maryan oo da’ ahaan ku xigtay isaga. Hooyadii waxay ahayd Caasha Sheekh Cabdillaahi Ciise, waxaanay ku dhimatay magaalada Hargeysa muddo immika laga joogo lix sannadood ka hor, sida ay saaka (10/9/2015ka) ii caddaysay Maryan oo aan Hargeysa ku booqday saaka meheraddeeda Degmada Kood-buur ku taal. Waxa kale oo ay Maryan ii sheegtay in aabbaheed Ibraahin Xirsi Kaahin, isaguna ku geeriyooday magaalada Hargeysa, bishii Oktoobar 1993kii.

Qoyska Reer Ibraahin Xirsi

Aniga oo xogtan ka martiyay Cabdiqani Ibraahin Xirsi (Abaadir) oo ay Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir) walaalo ahaayeen, bal aan si aad u kooban u dul-marro xubnihii qoyskaas, wax nool iyo wax dhintayba.

Ibraahin Xirsi Kaahin oo odeyga reerku ka tafiirmay ahaa, wuxu ku dhashay Geed-ballaadh, waxaanu noolaa 1909kii-1993kii. Halkaas ayuu ku koray, kuna soo barbaaray. Waxay ahaayeen xoola dhaqato geelley ah. Geel badan ayuu lahaa, waxaanu la dhashay oo ay walaalo ahaayeen Xasan Xirsi Kaahin iyo Maryan Xirsi Kaahin.

Xasan Xirsi Kaahin

Xasan Xirsi Kaahin, wuu dhintay waxaanu ka tegay laba wiil oo kala ahaa Ismaciiliyo Cismaan.Xasan markii uu dhalay labadaa nin ayuu ku dhintay dagaal ka dhacay geelal la kala qaaday oo Ogaadeenka dhex maray. Xaaskiisii oo ahayd Faadumo Maxamed Askar waxa dumaalay Ibrahin Xirsi Kaahin, waxaanu ahaa guurkiisii ugu horreeyay.

Maryan Xirsi Kaahin

Waxa guursaday Gahayr Odowaa, waxaanayy dhashay afar wiil iyo afar gabdhood. Waxay Bashiir xidhiidh fiican lahaayeen oo ila immika reerka ku xidhan Xaashi Gahayr Odowaaoo Mujaahid weyn ahaa.

Cismaan Xasan Xirsi

Xukuumaddii Siyaad Barre ayaa ku toogatay Hargeysa horraantii 1987kii markii gurigiisa laga soo saaray qori AK47 ahaa oo Bashiir ku aasay. Garo’ oo waxa Cismaan la tooganayaa dilkii Axmed Aadan ka dib. Wuxu ka tegay afar wiil iyo laba gabdhood oo dhammaantood hooyadood la nool.

Ismaaciil Xasan Xirsi

Ismaaciil waa uu ka weynaa Cismaan. Markii Cismaan la toogtay ayuu dumaalay xaaskiisii oo ahayd Xasna Ceelaabe, waxaanay u dhashay inan keliya waanu nool yahay, waana dhallinyar. Ismaaciil wuxuu dhintay miyiga markii aynu dalka soo galnay.

Caruurtii Ibraahin Xirsi Kaahin

Bah-Faadumo Maxamad

Axmad Ibraahin Xirsi

Curad dhashay 1940kii, wuxu ku dhintay Gabilay 1986kii isaga oo markaa aroos ah. Waxa la sheegay in uu wadnuhu is-taagay. Geeridiisa murugada ka soo gaadhay abbihii Ibraahin Xirsi aad iyo aad ayay u xanuun badnayd. Cabdiqani xanuunkii maalintaas aabbihii gaadhay wuxu ku sifeeyay in uu ku dhawaaday sidii Nebi Yacquub in uu indho-beelo. Waxay ahayd tii ugu naxdinta badnayd ee abidkii soo marta.

Aw-Maxamad Ibraahin Xirsi

Wuxu dhashay 1945kii. Wuu nool yahay, waxaanu deggen yahay Calool-la’, waa xaas carruurna weli ma yeelan.

Caasha Ibraahin Xirsi

Waxay dhalatay 1950kii, way nooshahay waxaanay leedahay 13 caruura,

Sadexdaasi isku bah ayay ahaayeen waana bahda waawayn hooyadoodna waa:

Faadumo Maxamad Ducaale Askar,

Waa Bahdii ugu horreysay ee Ibraahin Xirsi Kaahin oo dumaal ahayd. Markaa ka dib ayuu guursaday Bahdiisii labaad oo ahayd Caasha Sheekh.

(La soco Sabtida, haddii Eebbe idmo)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories