HomeDoor-roonihii Da'dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir). Qormada 10aad

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir). Qormada 10aad

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

 Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

 Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

 Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

 Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

 Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada: 10aad

20/12/2015

 

  1. Aragtida qaar ka mid ah saaxiibbadii iyo Mujaahidiintii:Aragtidan oo ah ta labaad waxay odhanaysaa Mujaahid Bashiir wuxu ku dagaallamay baastooladdii uu sitay oo uu wax ku dilay waxna ku dhaawacay. Aragtidani waxay leedahay shan xabbadood oo keliya ayaa baastooladda ugu jiray. Saddex askartii ku xeerrayd ayuu ku toogtay oo dhaawac iyo dhimashaba ku geystay, labadii kalena mid Khadar ayuu caloosha kaga dhuftay, midna isaga ayaa afka gashaday oo isku dhuftay. Garo’ oo hadda iyaga qudhooda ayaa maragga isku furaya marka ay leeyihiin gafuurka ayuu dhiig ku lahaa. Looga-qaateenka ayaa sheegay in Mujaahid Bashiir xabbadda afka gashaday oo isku dhuftay.

Anigu maalmahaa, qof ahaan marka aan xusuustayda dib ugu noqdo, waxaan joogay magaalada Diri-dhabe. Maalmahaas ayuun baanu ka soo baxnay Shirweynihii 5aad ee SNM oo Harar ku qabsoomay, Siilaanyana mar labaad muddo saddex sannadood ah loo doortay Guddoomiyaha SNM. Markaa Kal-fadhigii 1aad ee Golaha Dhexe ayaa ka furmayay Diri-dhabe. Markii aan maqlay in Mujaahid Bashiir Hargeysa ku shahiiday waxaan fadhiyay gurigii Ilaahay ha u naxariisto e’ Axmed Liibaan oo loo yaqaannay Gabax.

Galabtaa aan magaalada Diri-dhabe ku maqlayo in Mujahid Bashiir shahiiday, warku wuxu nagu soo gaadhay in uu baastoolad ku dagaallamay, in uu saddex ciidammadii cadowga ahaa toogtay, labadii xabbadood ee u soo hadhayna mid saaxiibkii ku dhuftay oo caloosha kala helay, tii u hadhsanaydna afka iskaga dhuftay, sidaana ku shahiiday. Kaas ayuu ahaa warkii ugu horreeyay ee aan ka maqlaa qaabkii uu u shahiiday Mujaahid Bashiir.

Intii halgankii hubeysnaa kaga shahiidday Mujaahid Bashiir iyo xigtadiisa dhow:

 

Halgankaa hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd, Mujaahid Bashiir iyo qoyskii uu ka tirsanaa si naf-hur leh ayay uga qayb-galeen. Bal hadda aan ka soo dhaqaaqno markii uu ka soo ambo-baxayay magaalada Jabuuti qaabkii loo soo abaabulay iyo intii ay halkaa iska soo raaceen, intii danbe ee ku darsantay iyo intii uu saamaynta tooska ah ku yeeshayba.

Abaabulka iyo ururinta Mujaahidiinta ee magaalada Jabuuti, waxa iska lahaa oo xil-qaaday, naxariistii Janno Ilaahay ha ka waraabiyo e’ Axmed Sheekh Cabdillaahi Ciise

oo ay walaalo ahaayeen Sheekh Muuse Sheekh Cabdillaahi Ciise oo si la yaab leh oo geesinnimo leh ula shaqeeyay Mujaahid Bashiir. Dadka kale ee qoyska ka tirsanaa, waxay kala ahaayeen:

  1. Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir): Shahiiday,
  2. Yuusuf Ibraahin Xirsi: walaalkii oo shahiiday,
  3. Cismaan Xasan Xirsi: Ina-adeerkii run ah oo shahiiday,
  4. Cali Cbdiraxmaan Sheekh Cabdillaahi (gorgor): Bashir Ina-abtigii oo shahiiday,
  5. Xaashi Aw Aadan Ciise: Abti oo shahiiday,
  6. Maxamed Ibraahin Geeddi: Abti-labaad oo shahiiday,
  7. Adan Ahmed Awale (Dalab): Abti-labaad oo shahiiday,

Waayihii Jabhadeed ee Xaruntii Dhexe ee SNM

Waayahaasi, haddii uu Hargeysa iyo dalka gudihiisa ka taagnaa xilligaas, malaha waxa fiicnaan lahayd in aynu wax aan sidaas u sii badnayn iska weydiinno xaaladda ag taallay ee ka oognayd xarumihii looga talinayay SNM. Innaga oo aan aad isu feeraarin  bal aan isku koobno xaruntii maamulka ee Saldhiggii Raamaale (Diri-dhabe) oo markaa ahaa xarunta looga taliyo ama laga hoggaamiyo SNM.

Bishii Feeberweri, 1987kii, waxa ku qabsoomay magaalada Harar ama Adari sida loo yaqaanba Shirweynihii 5aad ee SNM. Wuxu qabsoomayaa Shirweynahaasi laba sannadood iyo lix bilood ka dib markii uu xidhmay Shirweynihii 4aad ee ka horreeyay oo ku qabsoomay magaalada Jigjiga Ogos, 1984kii. Shirweynahan 5aad wuxu muddo-dhaafay lix bilood oo sifo aan sharci ama dastuuri ahayn loo kordhiyay. Waxaan aamminsanahay in muddo-kordhinta ay Somaliland eedday ee ay dagaashay halkaas iyo maalmahaas soo bilaabmayso.

Sidii dhaqanka ama dastuurka SNM ahaa, markii uu Shirweynuhu dhammaaday, waxay Golihii Dhexe iyo Guddidii Fulintu u soo wareegeen magaalada Diri-dhabe oo ay ku galeen Kal-fadhigii 1aad ee Caadiga ahaa ee Golaha Dhexe ee SNM. Inta badan Kal-fadhiyada noocaas ahi shaqo kale ma qabtaan oo aan ahayn oggolaanshaha Guddida Fulinta oo uu soo bandhigo Guddoomiyaha Ururku.

Saddex dhacdo ayaa mudan in halkan hoosta laga xrriiqo:

  1. Murankii iyo kala-qaybsanaantii SNM ragaadiyay oo ilaa maantadaa aynu joogno ifafaalaheedii sii muuqdo ayaa halkaas ka bilaabmaysa oo sannadkaas oo dhan socoday, waxaana si aan dhammaystirnayn loogu yar suuxinayaa Kal-fadhigii 1aad ee aan Caadiga ahayn ee Golaha Dhexe ee SNM oo Feeberweri, 1988ki ku qabsoomay magaalada Awaare. Waxay ahayd markii ugu horreysay intii ay SNM jirtay ee sidii ugu ballaadhnayd gurmad dibadeed ugu yimaaddo si loo maareeyo khilaaf riiqdiisii dheeraatay. Ergadaa Laamaha Dibadda ka timid waxaan ka sii xusuustaa: Cabdiraxmaan Axmed Cali, Ibraahin Meygaag Samatar, Ismaaciil Buubaa, Maxamed Cali Faarax iyo qaar badan oo kale. Ilaa dhowr iyo toban in ay ahaayeen ayaan u malaynayaa. Maareyntii la gaadhay waxa ka mid ahaa ama ugu mudnaaba in Guddidii Fulinta (Xoghayayaashii) oo lix ahaa loo kala qaybsaday saddex iyo saddex: Siilaanyo saddex ayuu soo magacaabay, Mucaaradkuna saddex ayay soo magacaabeen,
  2. Waxa kale oo maalmahaas bilaabmaya isla markaana tis-qaadaya wada-hadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee ku ibo-furmay Jabuuti, kuwas oo iyagana riiqdoodii dheeraatay maantana saamayntoodii ku yeeshay Somaliland ka-dib markii la bilaabay wada-hadallada mugdiga badani ku xeersan yahay ee lagula jiro Soomaaliya. SNM ahaan Octoobar 1984kii ayaa noogu horreysay Guddoomiyaha SNM oo soo hadal-qaada waan-wwan iyo wada-hadallo lala yeesho nidaamkii Soomaaliya markaa ka talinayay. Been ku hadli maayo haddii aan idhaahddo beryahaas ayaa noogu horreysay maqalka magaalada Istanbuul, ka dib markii Guddoomiye Siilaanyo Kal-fadhigaa Golaha Dhexe ka sheegay in ay tilifoon ku wada hadleeen Muuse Rabbiile oo markaa joogay Istanbuul.
  3. Muranka iyo is-maandhaafka beryahaa taagnaa wuxu sababay in hoggaamiyayaal ciidan oo hal-doorka halganka ahaa la xidh-xidho, mowduucaas oo qudhiisu xuddun u ahaa waan-waantii laga dhex waday Muxaafidka iyo Mucaaradka,

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories