HomeDoor-roonihii Da'dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada:17aad

31/12/2015ka

Safarkii iyo ambo-bixii reerka ku soo noqo. Hadda Abaadir ayaa inoo weli gadh-wadeen inoo ah, waxaanu yidhi:

“Muragada iyo maroora-dillaacu iyada oo uu aad noogu badan yahay, qofna aanu qofka kale la hadlayn ayaanu fuullay. Gaadhigii 9kii aroornimo ee 26/6/1986kii ayaanu ka baxnay. Waxaanu ka koobnayn afar qof oo kala ahaa: aniga, walalo Rooda oo afar gu’ iga weyn, aabbo iyo hooyo.

Aroortaas oo ahayd markii aanau ka baxnay dalka, gaadhi Land-rover ahaa ooGuulwadayaashu lahaayeen ayuu na siiyay Maxamad Faarax Nuur oo aanu gacal ahayn, ka-sokow tolnimada guud.Laba askarina dusha ayuu noo saaray, waxaanu ku yidhi: ‘Reerkaa lama baadhi karo kaantaroolna lama joojin karo askariga taa-taabta soddonkaba ku tiriya. Sidaasna askartii ayuu kula dardaarmay.

Gebegebadii sheekada, Abaadir sidan ayuu ku soo gunaanaday sheekadiisii xadantada iyo xaradhaamadaba lahayd, waxaanu yidhi:

“Gaadhigii, si nabad ah ayuu nagu geeyay Geed-ballaadh, halkaas oo maalin ka-dib aanu hore uga sii dhaqaaqnay. Waxaanu bil ku nagaannay Calool-la’ Geed-ballaadh ayay 4km ka xigtaa koonfur oo ah meel aanu degno beerana aanu ku leenahay. Waxaanu halkaa ugu tagnay walaashay Canab Ibraahin iyo walaalkay Aw Maxamed Ibraahin oo iyagu halkaaba deggenaa. Aabbo, wuxu u sii kicitimay xaggaa iyo Durya oo bishaaba uu ku maqnaa; waxaanu halkaa kula kulmay madaxdii SNM-ta oo uu ka mid ahaa Raage-bidaar oo ay Bashiir si gaar ah u wada shaqayn jireen ahaana ninka noogu

Waxaan hore ka galay tababar ciidan badan oo iga horreeyay halkaa uga socday, aniga oo ah qof naafo ah maan geli karayn tababarka orodka iyo is-baacsiga bal se waxaan aad u bartay miinada noocyadeeda kala duwan, saabunaytida oo inta la ceejiyo nambar badan la iskugu geyn karo hal mel ah, caagad biyood shan litir ah lagu shubi karo amaba ka weyn baabi’in karaysana dhul baaxad leh iyo xasuusta baraarujinta xafladdii dayacnayd ee walbahaarku ku dhaliyay aabbahay.

Haatan iyo dan

Malqaacad wax ka yar ayaan idiin ka daray bad-weyntii halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Intaas oo ma-hadho oo kale oo aan cidna u qornayn cidna u diiwaan-gashanayn oo mudan in bogagga taariikhda ma-guurtada ah lagu xardho ayaa yaal oo meel walba daadsan oo weliba dadkii xusuusta ku hayay sii gurmayaan oo sii galbanayaan.

Waxaan si kooban oo guud-mar iyo sar-ka-xaadisba ah idiin ku soo mariyay sheekadii xadantada iyo xaradhaamada lahayd ee Mujaahid Bashiir, saamayntii ay qoyskooda ku yeelatay iyo Mujaahidiintii ay wada hawl-geli jireen in ka mid ah oo ay sheekadu ila martay. Dhiilladaa aan idiin mariyay iyo kuwo kale oo ka daran oo aanay cidina weli daaha ka feydini, ummaddan meelna uguma qorna.

Waxa laga yaabaa in ay qaar idin ka mid ahi u haysteenba in aanay run ahayn waxan ay akhriyayaan, bal se uba haysteen in ay filim khayaaliya daawanayeen. Waa bogaag kooban oo ka mid ah taariikhdii xanuunka badnayn ee ina soo martay.

Duruusta aynu ka baran karaynaa saddarradan kooban ee aynu akhriyaynay waxa weeyaan wixii dhiillo iyo dhibaato shacbigan Somaliland loo geystay iyo sidii ay uga gilgisheen innaga oo tusaale nool u soo qaadannay Mujaahid Bashiir iyo muddadii labada sannadood ahayd ee uu ku hawlana halgankii hubeysnaa.

Maansadii Hadraawi ee Jiitama ayaa waxa ku jiray:

“Hadda shalay ma dheerayn,

Waxa dhacay ma fududayn,”

Raadkii ayaa weli qoyan iyo saymihii la soo maray ee dagaalladii dibuxoreynta qaran iyo kuwii sokeeye. Innaga oo intaas oo dhib ah ka soo marnay, ayaa

Mujaahid Bashiir

Waa sidii Cabdillaahi Suldaan u yidhi oo:

“Danbarkeedi Maandeeq nimaan doonin baa dhamay,”

DHAMMAAD

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories