HomeDoor-roonihii Da'dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada:16aad

30/12/2015ka

“Yeedhitaankaa labaad ee aabbo loo yeedhay markii uu maqlay ayuu badhtamihii 1985kii Mujaahid Bashiir yimid miyiga Carrada Malko meel la yidhaahdo. Aabbo ayaa halkaa ugu tegay markii uu Mujaahid Bashiir farriin ka helay. Aabbo, wuxu Bashiir u sheegay in intaas oo jeer loo yeedhay oo la hor fadhiisiyay Sarkaal la odhan jiray Koore-jaan. Odeygu wuxu Bashiir u mariyay hadalladii qallafsanaa ee lagu lahaa iyo hatigaaddii loo geystay. Odeygu waxa kale oo uu Bashiir u sheegay in ay ku yidhaahdeen inankaaga waxa kaxeeyay nin laba gu’ ka weyn oo Yuusuf la yidhaahdo.”

Ninkii Bashiir ahaa aad iyo aad ayuu uga xumaaday marinnadaa xanuunka badnaa ee aabbihii la mariyay ee weliba ay walidiinta kalena la qabtay. Oo tolow, muxuu markaa yeelay? Waa kan Mujaahid Abaadir oo sheekada inoo sii kalwinayaa, waxaanu ku deexday mar kale:

“Mujaahid Bashiir aad ayuu uga xumaaday waxaa aabbihii iyo waalidiinta kaleba loo geystay. Falalkaa dadnimo-ka-baxa ahaa wuxu kaga jawaabay, laba xabbo ooanti-tank ah ayay soo qaadeen Bashiir iyo abtigiiSheekhMuuse, waxaanay miinadii mid ku aaseen waddo isku-xidha Dhagax-madoobe oo Guuto ciidanka ahi deggenayd iyo Arabsiyo, miinadii kalena wuxu dhigay dhigay waddada u dhexaysa Gabilay iyo Dhagax madoobe. Labadiiba waa ay qarxeen, laakiin dad waxba kuma noqon. Labadii miino midi gaadhi Sey-sey ah ayay hoboska hoose goysay, tii kalena gaadhii Koore Jaan,(Taliyihiin haystay guutadii deganayd Dhagax-madoobe), oo ahaa landcruiser nooca siiblaha looyaqaan oo markaa uu lasocday darawalkiisii oo kaliya Cabdi Sheekh Cumar Xuseenayay xaggiisa danbe ka qaraxday xawaarihii uu ku socday awgeed.Aynu ku noqonno mowduuceennii ahaa sidii ay Reer Ibraahin Xirsi dalka kaga baxeen, ka-dib

markii uu shahiiday Mujaahid Bashiir 3/4/1987kii. Abaadir wuxu yidhi ama qoraal igu siiyayba:

“Ka-dib markii aanu xaqiiqsanay in uu shahiiday walaalkay Bashiir, ayuu aabbahay go’aan ku gaadhay in aanu dalka iskaga baxno, iyada oo ay fududaatay in immika nala soo raadsado, kol haddii Bashiir oo nalgaga baqanayay shahiiday. 25kii Juun 1987kii ayuu aabbo nagu war-geliyay in aan isu diyaarinno in aanu dalka ka baxno.

Odeyga qudhiisa ayaa iska millateri ahaa oo amarrada sidii Bashiir iyo si ka daran u bixin jiray. Odeygu xagga ku-dhaca iyo dhiirrananta, mararka qaarkood waxaad is-odhanaysay isaga ayaaba Bashiirka ka darnaa. Waxa igu maqaale ah in Mo Faarax hooyadii lagu yidhi:“Wiilkaagii Maxamed ayaa adduunkii ugu dheereeyay oo lala wada yaabban yahay.” Waxa la yidhi Mo Faarax hooyadii ayaa ku-dareen-celisay:“Adduunkan yaabbani, waxaanu arag ka ii soo qaban jiray, mararka uu kaasi iga baxsado.”

Waxaynu, markanna joognaa magaalada Hargeysa. Waa 25kii Juun, 1987kii. Xafladdii calan-saarka lagu maammuusayay ayaa goobtaa ka dhacaysay. Bal hadda habeenkaana, Mujaahid Abaadir ha inooga warramo ma-hadhada isaga iyo aabbihii soo kala dhex-martay, waxaanu yidhi ama ii soo qorayba:

Wuxu aabbo habeenkaa igu amray ama si adag ii farayba in aan tago xafladdaa calan-sarrka oo habeennimada 26ka Juunkadhacda soona jeedaaliyo cidda madax timaadda iyo sida albaabka laga gelayaa uu yahay. Dhaqan ahaan aabbahay wuu nebcaa tegitaanka xafladaha noocan oo kale ah, waanu diidi jiray in aan tago. Bal se munaasabaddan uu ii diray waxaan u fahmay in aabbahay uu raadinayo goldaloolooyinka Faqashta iyo meelaha ay ka dagan tahay ee laga geli karo iyada oo ay xanafta mindidii ku dhcday ee geeridii Bashiir aabbahay aad u damqaday. Waan yaabbanaa oo waxaan is-lahaa malaha odeygu isaga ayaaba qoriga qaadan doona.”

Waagii ayaa beryay. Reerku wuxu u diyaar-garoobay in ay dalka ka baxaan. Intii aan la ambo-bixin ayuu Abaadir odeygii dhalay uga warramay xafladii calan-saarka ahayd ee uu xalay ku maqnaa odeyguna ku dudduucay in uu ka qayb-galo. Bal Abaadir taxanihiisii dheeraa halkii ha inooga sii ambo-qaado:

Aroornimadii ayaan iyada oo uu diyaar noo ahaa baabuurkii aanu ku baxaynay, ayaan aabbo uga warramay sidii ay xalay xafladdii u dhacday, madaxdii joogtay iyo iyada oo albaabka aan dadka la baadhayn ee askar ulo haysta oo caruurta wixii aan qof weyn la socon joojinaysay. Intaa markii aan ku idhi aabbahay inta uu madaxa ruxay ayuu yidhi: ‘Haa…haa.’

Waxaan ugu jawaabay: ‘Aabbo bal ii warran, maxaad uga jeedday arrinka?’ Wuxu yidhi: ‘Ragga walaalkaa dilay, miyaanay kuwaa aan kuu dirayay ahayn? Maxaa adiga kaaga

 meel-yaalla ayuu yidhi?’ Aniga oo yaabban ayaan ku idhi: ‘Aabbo ma immikaad I weydiinaysaa,’ ayaan ku idhi: ‘Sow tii habeenkii Bashiir uu inala joogay ee aan lahaa Babastoolad ii keen aad ila yaabayseen ee aad lahaydeen weli waad yar tahay. Haddii Baastooladdii uu habeenkii sitay iiga tegi lahaa cawa aabbo rikoodh ayaan dhigi lahaa taariikh-gal ah.'”

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories