HomeDoor-roonihii Da'dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada:15aad

28/12/2015ka

Markaas ayuu yidhi suuqa waxaas lagagama sheekeeyo e’, ninkii doonayaa ha tago oo kolkaaba qiiro ayaa ku jirtay kolkaas ayaan yaabay illeyn aniguna xaggan ayaan u socdaay e’. Waanu ballannay, ka-dibna maalin danbe ayaan anigu keligay goostay in aan u tago ‘Ambassadorkii’ Itoobiya. Aniga oo safaaraddii jooga oo ay foom-yar iga buuxinayaan ayay saddexdoodii oo wada socdaa ay noo soo galeen. Waa ka igu yidhi ma i garanaysaa aniguna haa ayaan ku idhi. Ka-dib markii aan waraaqahaygii soo qaatay, ayaan ku idhi waa inoo suuqa. Waan gartay in ay baxayaan, ka-dibna anigu diyaarad ayaan raacay iyaguna Tareenka ayay soo raaceen.

Waxaanu haddana iskugu nimid Diri-dhabe, halkaas ayaanu Diri-dhabe ka baxnay oo aanu Awaare tagnay. Urur tobnaad la odhan jiray oo Ururkii dhibbooga ahaa ah ayaaba uu Taliye ka noqday. Ka-dib Raage iyo qolooyin kale ayaa yimid, aniguna waan iskaga noqday xafiiskan ciidanka iyo tirada iyo waxaas. Mahdi Cali Faarax, Taliyaha dhibbooga Awaare ayuu ahaa. Markaa hawl-gal Balli-cabbane ahaa ayuu Muuse Biixi ka codsaday Mahdi in uu 150 Mujaahid uu keeno, markaa is-na kuwaas ayuu ku jiray uu Mahdi soo diray, aniguna Dibiile ayaan imid kolkaas.”

Intaa ka dib maxaa dhacay? Waa kan Ismaaciil Cabdi Taani oo sheekadiisii soo gunaanadayaa:

“Markii uu hawl-galkaas Bali Cabbane uu dhammaaday, ayaan isaga, Raage, nin Fooxle la yidhaahdo iyo nin Cali sandheere la yidhaahdo aan Afartaas idhi Mahdiyoow ii soo reeb, sahanbaan galaynaayee, waayo waxaan Awaare ku soo ogaaday dagaalkii

84kii in xaggan Galbeedka ay ka dhacday, dabadeedna markaas ayaan idhi sahanbaan galeyaa si aan dalka u kala baranno dadkii kalena aan hadhow uga faa’ideeyno, dabadeedna siddii ayaa afartii iigu soo reebeen, halkaas ayaanu ka baxnay oo buuralaydii ilaa Agabar iyo meeshaas ayaanu soo marnay, ka dib markii aan soo noqonay afartayadaasi ayaan waxa aan meesha ka sameeyey koox la yidhaahdo Sahanka.

Bashiir waxa uu ahaa nin aad u firfircoon oo qiiro wadaniyadeed ay ku jirtay, halgankuna ku dheera ayaan ku bartay.”

Ka-baxii dalka ee Reer Ibraahin Xirsi

Qoraalkan soo socda oo aan ku leeyahay tifaf-tirka ama quraaridda oo keliya, waxa inoo kalwinaya Mujaahid Abaadir oo aan ka martiyay xogta qoyska inteeda ugu badan, waxaanu ku bilaabayaa:

“Ka-hor intii aanu dhiman Bashiir dhowr jeer ayaa aabbahayo looga yeedhay xarunta ‘CID-da’ degmada Gebilay, ka dib markii odey caaqil noo ahaa u sheegay in wiil nagaga maqan yahay SNM oo ay iyagu markaa u yaqaanneen Qudhmista. Mar labaad ayaa loo yeedhay aabbo, waxaanu nooga sheekayn jiray hadba waxay ku yidhaahdaan.”

Bal hadda sheekadan xaradhaamada iyo xanuunkaba leh u fiirsada. Weli waxaynu maalaynaa gaaxdii Mujaahid Abaadir oo intaa hore ku daraya:

“Aabbo wuxu nooga sheekeeyay maalintan labaad ee loo yeedhay wixii lagu yidhi. Nimankii ‘CID’-da ayaa odeygii ku yidhi: ‘Wiilkaagii in uu tallaabay waanu og nahay. Markaa waxa lagu farayaa haddii uu soo galo in aad noo soo sheegto.’ Odeygii noo aabbaha ahaa arrintii fajac iyo anfariir ayay ku noqotay. Odeygii wuxu yidhi nimankii markii ay intaa igu yidhaahdeen, aniguna waxaan ugu jawaabay: ‘Adigu curadkaaga aan dilee ii keen miyaad iga yeeli lahayd, haddii halka aan ku jiro aad adigu ku jiri lahayd? Been mise run? Kuu soo sheegi maayo kuuna keeni maayo.’

“Dhow dhowdu Cadduur umay dhicin,”Ma maqliin jirteen? Waa tii oo aan biyo is-marin. Miyaan hore loo odhan: “Libaax nimaan aqoon baa lax ka rita.” Nimankan Faqashtu burkaba bahal kama ay filan! Mujaahid Bashiir aabbihii ayay sidan ula hadlayaan. Hadda waa kii Bashiirkan khaatiga laga joogo dhalay, ayay ku leeyihiin inankaagu marka uu soo galo soo sheeg ama noo keenba. Af-jabhadeedkayagii tan oo kale waxaanu ku odhan jirnay: “Halkee laga dheelaa.”

Waan iska qalin-taraaray e’ aynu Mujaahid Abaadir iyo godolladiisii ku noqonno oo ka durduuranno doobiyada culan ee uu inoo gaaxshay, waxaanu intaa hore ku kabay:

“Aabbahay Ibraahin Xirsi yeedhistan iyo su’aalahan xanuunka leh waxa ku weheliya dad badan oo kale oo reer Gebilay ah. Beryaha Xukuumaddii Siyaad Barre, waxay soo rogtay in caaqil waliba soo sheego cidda ka maqan ee SNM-ta ku jirta ama Qudhmista sidii ay nafta ku maaweelin jireen.”

Allow ma run! Abaadir waa runtii oo ma ay ahayn arrin Reer Ibraahin oo keliya ku koobnayd. Waxay sheekadani I soo xusuusisay xanaftii iyo xanuunkii yeedhmooyinkaasi ku hayeen xaaskayga Mujaahid Marwo Faadumo-cawo oo si joogta ah saldhigga booliska ee Gebilay loogu yeedhi jiray, ilaa ay igu qasabtay in aan horraantii 1984kii Jabuuti geeyo, ka dibna aan dejiyo jiidihii hore ee dagaalka gaar ahaan Durya-dheer oo halgankaba hooyo u ahayd,

Dareenka ayaa I yar dhuftay oo waxaan mooday in Mujaahid Marwo Faadumo-cawo wax la weydiinayay ee iga raalli ahaada. Show Mujaahid Abaadir ayaynu muddaakarooyinkiisii dhex maaxaynay oo hadba inta aynu muquuranno madaxa la soo yar baxaynay. Wuxu intaa ku daray oo ku deexday:

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories