HomeDoor-roonihii Da'dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

Door-roonihii Da’dii aan ogaa: Mujaahid Maxamed Ibraahin Xirsi (Bashiir)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

(1956kii – 1987kii)

“Warka shalayto nagu soo dhaceen, aad u dhego-beellay,

Dhinbiilaha sidoodu wadnaha, nooga dhaawacaye,

Nin dhegaystay Caliyow ma tumo, Dhaanto iyo heese,

Xaqiisii nin lala dheelmadoo, dhuuntay baw darane,

Dhibaatada ka diidaa ma helo, dhaxal adowgiise,

Denbi-dhaaf shahiid lagu dhintuu, kuugu dhow yahaye,”

Maansada Dhoobada Hawaas ee Timacadde ee 1961kii,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

Qormada:14aad

27/12/2015ka

Mujaahid Aammina iyo xusuusteedii aan ku noqonno, waxaanay intaa hore raacisay:

“Marka uu noo yimaaddo reeraha aanu la naallay waxba ma ay dhibsan jirin, waanay garanayeen, reer Sheekh ahaanna waa ay ixtiraami jireen oo sheekh Cabdillaahi Ciise oo Sheekh Muuse aabbihii ahaa ayay si weyn uga danbeyn jireen. Sidaa daraaddeed ma ay dhibsan jirin oo dhibaato badan kama ay sheegan jirin, se mar qudh ah ayay nagu yidhaahdeen sida uu ninkani u socdaa waa qalad ee aad adna Sheekh Muusow ula socotaa, ileyn cabsi badan ayaa jirtay e’. Kolka la imanayo Alley-badey oo aad noogu dhaweyd, ayaa laga baqan jiray amaba se kolka la tegayo ayaa laga cabsan jiray in lagu qabsado. Baahida magaalada loo qabo ayaa mar walba taagnayd e’. Xusuustayda hal mar ayaa reerka cabashadaasi ka timid oo aan mar labaad lahayn.”

Bal hadda immikana Mujaahid Aamina ha inooga warranto halkii ay deggenaayeen iyo xoolaha ay dhaqan jireen, waxaanay tidhi:

“Annagu, waxaanu degganayn xagga xadka ka shisheysa ee Dibiile u dhow. Deegaan ahaan, waxaanu u dhexaynay Dibiile, Harta Sheekha iyo Durya. Meel Guluc la yidhaahdo ayaanu deggenayn. Xoolo iyo beeraba waanu lahayn. Geelii Sheekh Cabdillaahi wixii ka hadhayna waa ay noo joogeen. Tiro ahaan geelu ilaa soddomeeyo ayuu ahaa.”

Jilayaasha ma-hadhadan aynu taariikh ahaan u diiwaan-gelinayno, waxa ka mid ahaa Awr ma-naste ma-daale ahaa oo muddo laba sannadood ah aan inta badan heeryadaba lagu furin. Wuxu ahaa Awr halgamaa ah oo in badan ka adeegay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Awrkaasi wuxu ka mid ahaa arrimihii

aanu ka codsannay Mujaahid Aamina in ay waxoogaa nooga muddaakarooto, waxaanay tidhi:

Waxa jiray Awr ay adeegsan jireen inta badan. Awrka ay adeegsan jireen geela ayuu ka dhashay oo hashii dhashayba geela ayey ku jirtay. Lama soo iibsan, hasha awrkaas dhashayna waxa magaceedala odhan jirayTaamur. Sidaas Awrkuna kula baxay Ina-taammur.Anigu immika tiro kuma garanaayo inta jeer ee ay rareen laakiin laba sannadood iyo dheeraad ayaa mar walba la raran jiray. Mujaahid Bashiir iyo Sheekh Muuse, waxay inta badan ku rari jireen Awrkaas hub iyo miino. Waxay ku rari jireen wax sida ubbooyinka oo kale u samaysnaa. Miinooyinkana marka hore Dibiile ayaaAwrka lagaga soo qaadi jiray, marka waxaanu lahayn laba guri Soomaali, mid ayaana lagu uruurin jiray, markaas ayaa haddana la soo tallaabin jiray oo Awrka lagu soo guri jiray.”

Awrkaas Mujaahidka ahaa ee Ina-taamurna sidaas ayaad ku diiwaan-gelinaysaan kaalintii xurmada lahayd ee uu ka soo qaatay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta qaran ee ay SNM horseedka ka ahayd. Markii danbe Awrkaas Ina-taammur rarkii iyo culayskii badnaa ayuu ku garbo-beelay oo nabarro ku yeeshay guudka, gaar ahaan kuruska oo uu beryihii danbena u bakhtiyay. Qaantaasina waa ay inagu maqan tahay, Ina-taammur sidaas ayuu taariikhda ku gelayaa.

Aynu dib ugu noqonno Mujaahid Marwo Aamina iyo xusuusteedii, waxaanay tidhi:

“Awrka Ina-taammur mar qudha ayay adeegsan jireen oo marka la keeno Ceel-ginniiseed ama Dhagax-madoobe agagaarkiisa. Mararkaas oo kale muddo ayuu socon jiray, halkaasna waad garan kartaa inta ay jirto iyo halka la keenaayo wakhtiga ay qaadan karto oo wax markiiba lagu soo noqon karo ma ay ahayn. Sheekh Muuse, mar walba waa uu raaci jiray ama Awrka ha ka xaystaan amaba keli ha u socdaan e’. Mar kasta is-na waa uu raaci jiray, waana ay wada socon jireen oo waxoogaa ayay naga maqnaan jireen, annaga oo u baahan oo miyi la joogo, la iskana rafaadsan yahay ayay naga tagi jireen Awrkana naga ka xaysan jireen. Awr kalena geela kumay jirin markaa geel waa uu joogay e’ laakiin awr marka laga furo si fiican loo raran karo oo marka laga furo aan cabaadayn oo xoog weyn oo meel kasta kuu mari karaya ayuu awrkaasi ahaa, se markii danbe awrkaasi sidii loo raraayay ayay garbihii iyo kuruskiiba xanuuneen oo uu markii danbena ku dhintay.”

Bal ka warrama dee Ina-taammur. Halgankaa uu gartay, waxa jirtay in badan oo aadame ah oo garan weyday. Ina-taammur xataa wuxu iska illoobay xilalkii qoyska ka saarnaa oo dan qaran iyo halgankii hubeysnaa ayuu u anbo-baxay. Miyaanay ahayn isaga iyo qayrkiiba in aynu taallooyin u taagno.

Mujaahid, Marwo Aamina oo sheekadan oo inoo kalwinaysay, waxay ku soo

gunaanadday:

“Markaa reerku wuxu ahaa reer aad iskugu dhow oo reer Sheekh oo dhan ayaa isku xidhnaa kuna xidhnaa SNM-ta, dee Maxamedna (Bashiir) nin reer Sheekha ayuu ahaa. Annagu inta badan Maxamed ayaanu u naqaanay oo Bashiir markii danbe ayaa loo bixiyey e’ in kasta oo magaca Bashiir ahaa magacii uu halkaas ku joogay, SNMta reer Sheekh Cabdillaahi Ciise oo dhan baa ku xidhnaa oo waxa jiray ilmaCabdiraxmaan Sheekh, Gorgor baa isna jiray, inankanayBashiir walaalaha ahaayeen ayaa is-na jiray oo Yuusuf la odhan jiray oo is-na shahiiday. Marka waxay ahaayeen dad badan oo ilaaAxmed SheekhCabdilaahioo Jabuuti joogay, raganna soo diri jiray oo xaggaas soo marin jiray illaa Axmed Nuurkaas, waxay ahaayeen dad badan oo SNMta ka wada mid ah ooku wada xidhan iyaguna isu xidhan, reerkaasna inta badan dadkii u ban-baxay ayay kow u ahaayeen.”

Mujaahid Marwo Aamina Xasan Suldaan, aynu aad ugu mahad-celinno xogta togan ee ay inaga siisay intii ay ka ogeyd Mujaahid Bashiir, Sheekh Muuse iyo Awrkoodii Ina-taammur ee mar walba ku lammaanaa halgankiina ku garbo-beelay ee markii danbena sidii ku dhintay.

Xogogaalka kale ee looga-qaateenka ah ee aanu ka wareysannay Mujaahid Bashiir iyo sooyaalkiisii halgameed, waxa ka mid ah MujaahidIsmaaciil Cabdi Tani, waxaanu ku bilaabay xog-warrankiisii:

“Markii hore Sucuudiga ayaan ka soo noqday, Jabuuti ayaan imid ku-sinnaan aakhirkii Diisambar 1984kii. Aniga oo goor makhrib ah maraya Xaafadda Shanaad, ayaanu ninkii Cumar Aadan Cawaale ku kulannay oo aanu aad isku naqaannay oo aanu saaxiib nahay. Qaad yar ayuu sitay, waxaanan weydiiyay halka uu ku socday. Wuxu igu yidhi: ‘Waxaynu u tegaynaa nin aanu Ilma-abti nahay oo meel halkana deggen. Halkaas ayuu Cumar Aadan Cawaale isku kaayo baray Maxamed Ibraahim Xirsi oo beryihii danbe la baxay ama loo yaqaannayba Mujaahid Bashiir. Waxa kale oo maalintaa la joogay Yaxye Cabdiraxmaan Sheekh Cabdillaahi oo ay Ilmo-abti ahaayeen. Halkii ayaanu ku sheekaysannay. Waa xilli ku beegnaa Guda-galkii gudaha ee 1984kii. Sheekadii dagaalladii buuraleyda ee berigaas ayaa la soo qaaday.

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories